Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2183 October 29,2009                                                           Dul-Qacda 10,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 China Oo Diyaargaraynaya Lacag Madaxfurasho Ah Oo Uu Siiyo Budhcad Badeed Afduub Ku Haysta Markab Laga Leeyahay Dalkaasi

Beijing, October 29, 2009 (W.Wararka) - Dowlada China ayaa isu diyaarinaysa inay bixiso lacago madaxfurasho ah, taas oo la filayo inay siiso Kooxaha Budhcad Baddeeda Somalia ee Afduubka ku haysta Markab laga leeyahay Dalkaasi, kaas oo laga qafaashay mar uu marayey meel ka baxsan biyaha Somalia.Xogheyaha Shirkada iska leh Markabka lagu magacaabo De Xin Hai Zhang Zuyue ayaa warbaahinta u sheegay maalintii shalay in Shirkada iska leh Markabka iyo weliba Dowladaasi ay isaka kaashanayaan inay bixiyaan lacago madaxfurasho si kooxda haysata markabkaasi ay u sii deysa markabka iyo shaqaalaha Saaranba.

Xoghayaha Shirkadda oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Wada hadalo lala galay Budhcad Baddeeda ayaa sababay in aan go’aansano in aan siino lacago madaxfurasho ah si aan u badbaadino muwaadininteena” ayuu yidhi.

Xogheyaha Shirkadaas ayaa hadalkiisa ku daray in arintaasi ay ka dambaysay ka dib markii ay Ehelada Shaqaalaha saaran Markabka ay Dowladda Shiinaha ka codsadeen uguna baaqeen in aanay Markabka xoog ku soo furanin, balse ay isku dayaan wada xaajood lala galo xoodsaasi arimahaasina si nabadgelyo ah lagu dhameeyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Kooxda Budhcad Baddeedu ay go’aansadeen inay  dalbadaan lacago madaxfurasho ah oo ay ku sii daayaan Markabka.

Dowlada Shiinaha ayaa hore u sheegtay inay xoog ku soo furan doonto Markabkeeda, iyadoo sidoo kale Kooxda Budhcad Baddeedu ay kaga jawaabeen hanjabaada Shiinaha inay iyaguna dili doonaan dhaan shaqaalaha Saaran haddii la isku dayo in la soo weeraro.

Kooxaha ku mamay Afduubida maraakiibka iskaga goosha biyaha Gacanka Cadmeed iyo Hindian Ocean-ka ayaa haatan afduub ku haysta lamaane u dhashay dalka Ingiriiska, kuwaas oo ay qafaasheen mar ay ka soo noqdeen Jaziirada Siishalis wakhti ay dooni kuwa dalxiiska ah ku marayeen Badweynta India.