Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2183 | October 29,2009 Dul-Qacda 10,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Agaasimaha Guud Ee Dib U Dejinta Oo Balliyo Iyo Barkado Laga Hirgeliyey Deegaanka Malawle Kormeer Ku Soo Maray Hargyeysa October 29, 2009 (Haatuf)-Agaasimaha guud ee wasaarada dibu dajinta Maxamed Diiriye ayaa shalay kormeer ku tagay deegaanka Mallowle ee dhinaca galbeed kaga beegan caasimada oo ka tirsan gobolka Hargeysa, isagoo agaasimaha dibu dajintu qiimayn ku soo sameeyay shan barkadood oo cabirkoodu yahay ayaa agaasimaha dibu dajinta 500o mitir kuyuub iyo gabiyo moosas ah oo laga sameeyay goobahaasi. Eng. Xuseen Sh Aadan oo ka mid ah ururka CBN ee wadaniga ah ayaa agaasimaha guud ee wasaarada dibu dajinta iyo warbaahintaba warbixin ka siiyay hawsha shaqo ee deegaankan ay ka hirgeliyeen ay tahay mid ay dhidibada u taageen dadka ku dhaqan deegaanka Malowle ay hawshaasi qabteen, kuwaas oo dhismaha balliyada, barkadaha iyo moosaskaba shaqadaas lagu siinayay lacag si ay deegaanka ay ugu soo kordhiyaan woxogay dhaqaale ah. Agaasimaha guud ee dibu dajinta Maxamuud Diiriye Cabdi ayaa ka waramay hawshaasi qiimaha iyo faa’iidada dalka ay u yeelan doonto balliyada, barkadaha iyo moosaska deegaanka Malowle laga hirgeliyey, taas oo uu sheegay in xilli roobaadka ay biyahu kayd ugu noqdaan si ay xilliga jiilaalka kaga baxi karaan Isaga oo ugu dambayntii amaan usoo jeediyey ururka CBN ee wadaniga ah oo mashruucan hirgeliyey. |