Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2183 October 29,2009                                                           Dul-Qacda 10,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Gaadhi Laga Soo Buuxiyey Waxyaabaha Qarxa Oo 86 Qof Ku Dilay Dalka Pakistan

Peshawar, October 29, 2009 (W.Wararka) -  Gaadhi laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ku dhex qarxay suuq aad looga dukaamaysto oo ku yaala magaalada Peshawar ee dalka Pakistaan, kaas oo ay ku dhinteen dad gaadhay 86 qof,  halka ay ka dhaawacmeen dad lagu qiyaasay 200 oo ruux.Weerarka ismiidaaminta ah ayaa ku soo beegmay waxyar uun kadib markii ay dalka soo cago dhigatay Xoghayaha Arimaha Dibeda ee dalka Maraykanka Mrs. Hillary Clinton si ay ugu muujiso dawladda Pakistan in dawladeeddu aad ula dhacsan tahay dagaalka ay dawladda Pakistan kula jirto kooxaha Talibanka, taas oo sheegtay in dawladeedo diyaar ay la tahay wixii caawimo ah ee ay ka geysan karto siddii xiddida loogu siibi lahaa kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala dalka Pakistan.

Dawladda Pakistan ayaa ku canbaaraysay kooxda Taliban weerarkan oo ay ku sheegeen mid ay Talibanku kaga aargudanayaan jabkii ka soo gaadhay jiidaha hore ee dagaalka siday ay dawladu sheegatay, balse ilaa iyo hada ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijin kara guusha ay dawladdu ka sheegatay safka hore. Qaraxan ayaa ahaa mi aad u xoog badan isla markaasina burburiyay dhismayaal uu ku jiro dhisme misaajid, waxaa qaraxani cirka ku shareeray qiiq aad u daran.

Wasiir goboleedka Warfaafinta Mr. Iftikhar Hussain ayaa ku eedeeyay qaraxan kooxda Taliban waxaanu yidhi: “waxaanu ugu tagnay hoygii ay ku dhuuman jireen argagixisadu, iyana waxay dib u soo weerareen Peshawar. Waxay anga noo tahay wakhti wanaagsan, dhaawac iyo dhimashada haweenkayga iyo caruurtayda waan qaadan doonaa balse waanu dabageli doonaa argagixisada waanaanu cidhib tiri doonaa”.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan ismiidaaminta ah, dhamaan kooxa dagaalka ku jiraa waa ka gaabsadaan sheegashada weerarada waxyeelada u geystay shicibka Pakistan.

Qaraxyada iyo Muuqaalada Naxdinta leh ee ay kaga tagaan dadka reer Pakistan ayaa noqotay mid ka mid ah maalin nololeedkooda in qaraxyadaasi ay fishaan amaba ay ku soo toosaan weerarada ay kooxaha mayalka adagi ay ku qaadaan goobaha dawladda iyo dadweynahaba, taas oo inta badan ay ka sii dhex guuxayso dhagaha dadka Pakistan iyo Caalamka Muqlimka Qaraxyadii lala beegsaday Jaamcada lagu Barto Islamka ee Islamabad Islamic University ee dalka Pakistan halkaas oo ay ku dhinteen lix qof oo ay ka mid ahaayeen laba iyagu ahaa kuwii weerarkaasi geystay.