Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2183 October 29,2009                                                           Dul-Qacda 10,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Sheekh Shariif Oo Lagu Soo Dhaweeyey Hoobiyeyaal Ay Ku Weerareen Kooxaha Ka Soo Horjeeda

Muqdisho, October 29, 2009 (W.Wararka) - Madaxweynaha dawladda Taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay weerar hoobiyeyaal ah oo lagu soo weeraray Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho mar uu halkaasi ka soo degayey.

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxa ay maanta dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

Kadib safar uu dhawaanahan Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa waxa uu maanta ka soo degay isaga iyo wafdi uu hogaaminayo garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport ee magaalada Muqdisho.

Madaxwaynaha iyo wafdigii uu hogaaminayay oo ay ku jiraan qaar katirsan golaha Wasiirada ayaa waxa ay safarkooda lugta ku soo mariyeen qaar ka tirsan dalalka Carabta oo ay kamidyihiin Wadamada Kuwayt iyo Yemen.

Intii uu Madaxweynaha ku sugnaa dalka Yemen ayaa waxa uu kula kulmay Amiirka dalka Kuwayt iyo sidoo kale Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kuwayt.

Madaxweynaha oo lugtiisii ugu danbaysay Safar ku tagay dalka Yemen ayaa waxa uu kulan kula qaatay dhigiisa dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax waxayna kawada hadleen labada madaxweyne waa Cali Cabdalla Saalax iyo Madaxewyne Shariif sidii loo adkayn lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Yemen.

C/qaadir Barnaamij oo ah agaasimaha Xafiiska warfaafinta ee Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo lahadlayay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hor kacayo ay maanta ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho islamarkaana uu kulamo la soo qaatay Madaxweynaha dowladda Yemen Cali Cabdalla Saalax,Amiirka Wadanka Kuwayt iyo Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kuwayt.

Dhanka kale C/qaadir Barnaamij oo ah agaasimaha Warfaafinta ee Madaxweynaha dowladda KMG oo la waydiiyay in ay qaadayaan Mas’uuliyada ah in markasta uu madaxweynaha dibadda u dhoofayo ama uu ka imaanayo ay duqaymo iyo dagaalo dhacaan kuwaasoo ay dad rayid ah oo aan waxbo galabsan ay waxyeelo ka soo gaarto ayaa waxa uu diiday iskana fogeeyay in ay qaadayso Mas’uuliyadaas  dowldda KMG isagoo eedaasina dusha ka saaray Xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee soo laabashada wafdigan uu hogaaminayo Madaxwaynaha ay dalka dib  ugu soo laabteen ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xilli Saakay dagaalo iyo duqaymo culus ay ka dhaceen qaybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawc soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.