Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2183 | October 29,2009 Dul-Qacda 10,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Hay’ada Caafimaadka Aduunka Oo Ka Warantay Sababaha Ugu Badan Ee Ay Dadku U Dhintaan Shan waxyaabood oo laga hortagaa waxay yarayn karaan dhimashada mallaayiin da’yar ah, sidaa waxa sheegtay hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan caafimadka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (WHO).Nafaqo darada, galmada xaaraanta ah, Khamriga, cuntada oo aan si dheeli tiran loo cunin(taas oo sababta buurnida) iyo dhiig karka ayaa loo sababaynayaa inay galaaftaan rubuc(1/4) ka mida 60 million oo dhalinyaro oo dhinmata sanad kasta, sidaasi waxay ku sheegtay WHO warbix ay soo saartay. “Waxa nafaqo daro aad u badani haysataa dalalka faqiirka ah ama soo koraaya taas oo caafimaadkooda halis galinaysa, waxa kale baruur xad dhaaf ahi iyana halis galinaysa caafimaadkooda dalalka qaniga ah ama hore u maray, taas oo horseedaysa in miisaanka culusi dili doono inkabadan dadka miisaankoodu liito” sidaasina waxaa tidhi warbixinta ay soo saaraty WHO Aduunyada ayaa waajahaysa dhibaatooyin aad ubalaadhan oo xaga caafimaadka ah. WHO warbixin ay soo saarto oo ku saabsan dhibaatooyinka caafimaad ee aduunka, ayay ku sheegtay ina ay baadheen 24 waxyaabood oo kamida khataraha ka dhanka ah caafimaadka bani aadamka, kuna ogaadeen in ay siyaasiyiintu caawinkaraan iyagoo u adeegsanaya wax kasta oo ay ku kacayso. WHO waxa kale oo ay sheegtay in sababaha ugu waawayn ee keena caafimaad darada sida sigaarka iyo miisaanka culus ay ku danbeeyaan dalalka hore umaray iyagoo kahelaya dhaqaale aad ubadan. Waxa ay intaa ku dartay WHO fahmida wax yaabaha keenaya caafimaad daradu waxa uu kamid yahay qodobada ugu waawayn ee lagaga hortagi karo aafo caafimaad xumo. WHO oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva ee dalka Swezerland aya taxday khataraha ugu waawayn ee sababa caafimaad xumada( ama dhimashada). Dhiigkarka( 13%), cabida sigaarka(tobacco)(9%), sonkorta ama macaanka (6%) nafaqodarada iyo miisaanka culus(5%). |