Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2183 | October 29,2009 Dul-Qacda 10,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ilmo Yar Oo Wiigii Laba Goor Jidhkiisa Quraan Ku Qormayo Mucjiso aan hore nooceeda loogu arag aduunka ayaa ka dhacday Gobol ku yaala Koonfurta wadanka ruushka,meel u dhaw meelihii uu ku dagaalami jireen chechnyiiintu.mucjisadan oo ilaahay xagiisa ka timid baraarujin iyo xasuusna u ah umada islaamka ah ,waxa uu ILLAAHAY subxaanahuu watacalaa ,fariintan iyo aayadahan inoogu soo gudbiyay oo uu ku soo qoray wiil yar oo loogu magac daray ,ALI YAKUBOV oo ku dhashay tuulo ka mida gobol ku yaala koonfurta wadanka ruushka sidaan hore usoo sheegnay . Hooyada wiilkan yar oo la yidhaa Madino Yakubov ayaa wakaaladaha wararka mar ay waraysteen u sheegtay in wiilkan yar maalinta isniinta ah ay jidhkiisa gaar ahaan lugta midig iyo mar mar gacanta midig ku soo qormayaan xarfo luuqada carabiga ah oo markii loo geeyay culimada islaamka ee deegaankaasi, ku fasireen ama ku macneeyeen sidan, kalmadii u horaysay magaca ilaahay oo carabi ku qoran (ALLAH) ,qoraalkii labaad waxa uu ahaa ,ALLAAHU KHAALIQU KULA SHAY,(ilaahay ayaa abuuray wax kasta )waxa kale oo ka mid ahaa qoraaladii ku soo qormayay habeenkii wiilka yar maalmaha u dhexeeya isniinta iyo jimcaha oo ku beegan khamiis saacadaha danbe (TACLAMUUNA MAA ACLAMU ,LADAXIKTUM QALIILAN ,WALA BAKAYTUM KATIIRAA)ilaahay waxa uu wiilkan yar ku soo qoray jidhkiisa ,(hadii aad ogtihiin waxaan ogahay ,waxad qosli lahaydeen in yar ,waxaydaan ooyi lahaydeen in badan ,). Mar uu ka hadlay arintan masuul ka tirsan deegaankaasi waxa uu yidhi :waa mucjiso iyo astaan cad oo xaga ilaahay inooga timid ,si aynu buuqa iyo dagalka uga dayno deegaankeena . Dhinaca kale waxa ku dawakhay oo wax ay ku sheegaan garan waayay dhamaan dhakhaatiirka wadanka ruuskha oo ah kuwo aad uga muuqda dhakhaatiirka aduunka.waxayna qaarkood ku tilmaameen in waalidkii dhalay ay ku qoreen qoraalkan ,lakin markii loo keenay ee ay indhahooda ku arkeen qoraalka oo muda yar ka dib soo baxaya mudo ka dibna baa''''baya ,ayay ka aamuseen. mudo badan ayay hooyadu qarin jirtay qoraalka ,laakin waxa ay umada usoo bandhigtay iyo wakaaladaha wararka markii uu soo baxay qoraal sheegaya tus umada waxa wiilkaaga ku soo qormay ,waxa kale oo la sheegay hooyad iyo aabuhu in ayna ahayn dad diin lagu tiriyo ama ku dhaqma lakin waxa muslimiin kad dib markii wiilkooda yari la yimid mucjisadan isaga oo sagaal(9) bilood jira ,ugana magaca sareen ALI halka hooyadiina la baxday Madiino. Hadaba muxu dareemaa marka wiilka yar qoraalku ku soo baxayo,hooyada wiilka yar, waxay sheegtay in aan cidina xajin karin ama aan la hayn karin marka uu qoraalku ku soo qormayo maalinta isniinta ah .ama habeen u dhexeeya isniinta iyo jimacaha oo lagu qiyaasay khamiista ,waxay tidhi madiino ,waxan ku ridaa xoolkiisa markaan xajin karin waayo ama aan u adkaysan waayay ,heerkulka jidhkiisu marka uu gaadho 40 afartan .mana daawan karo marka uu ku soo qoramayo qoraalku ayay tidhi hooyadu.ALi Yakubov waa wiilkii labaad ee hooyadani dhasho waxa ay ka hor isag dhashay gabar yar |