Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2198 | November 16,2009 Dul-Qacda 28,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Sheekh Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Xilkii Iska Casileen, Noqdayna Xubnihii Ugu Horeeyay Ee Golayaasha Deegaanada Iska Casila “Markii Aanu Aragnay Wadashaqqayn La’aanta Golaha Iyo Baahiyaha Degmada Ayaanu Go’aansanay Inaanu Iscasil, Saddex Xildhibaan Muddo Afar Sano Ah Ayay Dibadaha Ku Maqan Yihiin, Nin Keliya Ayuun Baa Diiday Sexeexa” Md. Maxamed Cali X C/Llaahi Hargeysa November 16, 2009 (Haatuf) - Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ayaa shaaca ka qaaday inay gebi ahaanba ay iska casileen xilkii golaha deegaanka ee degmadaasi, iyagoo sababna uga dhigay is casilaadooda khilaafaad wada shaqayn la’aaneed oo ka dhex aloosan golahooda, tilmaamayna in qoraalkoodii iscasilaada ay u gudbiyeen gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Sheekh Ibraahin C/llaahi Cabsiiye ogaysiina siiyeen badhasaabka gobolka Saaxil. Waxaana sidaa wargeyska Haatuf u xaqiijiyey xildhibaan Maxamed Cali X C/llaahi oo xalay khadka telephone-ka kula xidhiidhnay, isaga oo jooga magaalada sheikh, kaas oo ka mid ah afarta xildhibaan ee golaha deegaanka degmada sheikh iska casilay oo sheegay in isaga iyo xildhibaanadooda kala ah Xasan Cali Maxamed, Maxamuud Sh. Aadan Xasan iyo Maxamed Axmed Maxamuud ay qoraalkooda is casilaada u gudbiyeen maayarka degmada sheikh iyo badhasaabka gobolka Saaxil, hase yeeshee waxa uu tibaaxay in xildhibaan Maxamed Axmed Maxamuud oo kali ahi uu diiday inuu sexeexo is casilaada. Xildhibaan Maxamed Cali X C/llaahi, oo Haatuf uga waramay nuxurka qoraalkoodaasi iscasilaadu uu xambaarsanaa, ayaa waxa uu ku bilaabay “Ku: Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada sheikh, ogaysiin gudoomiyaha gobolka Saaxil, ujeedo iscasilaad golaha deegaanka. Anagoo ah afarta xildhibaan ee golaha deegaanka markii aanu aragnay baahiyaha iyo duruufaha ka taagan degmada sheikh, markii aanu aqoonsanay wada shaqayn la’aanta golaha deegaanka, markii ay noo muuqatay is fahan la’aanta ka dhex jirta fulinta iyo golaha deegaanka, markii aanu qiimaynay asbaabahaasi ayaa waxanu go’aansanay inaanu xilkii ummmadu noo soo dooratay iska casilo maadaama aan ummada loo qabanaynin baahiyahoodii aasaasiga ahaa” Xildhibaankani isaga oo ka hadlaya afartooda xildhibaan ee qoraalkaasi iscasilaada gudbiyey, balse uu sheegay in xildhibaan maxamed Axmed Maxamuud oo uu sheegay inuu ku xusnaa magaciisu qoraalkaasi uu diiday inuu sexeexo iscasilaada, isaga oo ka hadlayana labada xildhibaan ee isaga ku weheliyey sexeexa magacyadooda waxa uu yidhi “xildhibaan Xasan Cali Maxamed iyo xildhibaan Maxamuud Sh Aadan Xasan iyagu si rasmiya ayay u sexeexeen qoraalka aanu u gudbinay maayarka Ibraahin C/llaahi Cabsiiye iyo gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamed C/llaahi” Mar aanu weydiinay, in maayarka degmada sheikh ka aqbalay iscasiladooda, waxa uu sheegay inuu ka aqbalay, isaga oo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “wuxuu nagu yidhi maayarku waa si wanaagsan” Mar aanu weydiinay, maadaama ay xubnahooda golaha deegaanka degmada sheikh uu yahay tiradiisu 13 xildhibaan sida uu u arko in kooramka golahooda ay saamayn ku yeelan karto iscasilaadoodu, waxa uu yidhi “ saddex xildhibaan oo ka mid ah golaha deegaanka ayaa muddo afar sanadood ah iskaga maqan dalalka Yurub iyo Itoobiya oo aan muddadaasiba degmada ka soo xaadirin” Xubnahan golaha deegaanka degmada sheikh ee gobolka Saaxil ee xilka iska casilay ayaa noqnaya xubnihii ugui horeeyay ee golayaasha deegaanada gobollada iyo degmooyinka dalka iska casila, iyadoo golayaasha deegaankuna lagu soo doortay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday15 December 2002-dii oo xilkii shanta sano ahaa ee loo doortay uu ku ekaa 15 December 2008, balse golaha guurtidu ay muddo lix bilood ah oo ku eekaa 1 July 2008 ay xilka ugu kordhiyeen dabayaaqadii bishii December 2007-dii, taasoo muddadii ka dambaysay aanay golaha guurtidu muddada dhamaatay ee golkayaasha deegaanada dalka aanay wax sharciyada oo korodhsiimo ah aanay ka soo saarin. |