Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2198 | November 16,2009 Dul-Qacda 28,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Khilaaf Ba’an Oo Ka Dhex Taagnaa Guddoomiyaha Iyo Xoghayaha Wajaale Oo Sababay In Khasnadii Dakhliga La Jabiyo “Marka Qofkii Khasnada Hayay La Siiyo Laba Amar Oo Marna Uu Guddoomiyuhu Amro Marna Xoghayuhu Amro Ayaa Taasi Waxay Sababtay In Khasnadii La Jabiyo” Guddoomiye Ku Xigeenka Wajaale, C/Raxmaan Xuseen Wajaale, November 16, 2009-(Haatuf)- Guddoomiyaha degmada Wajaale ee gobolka Gabiley, Maxamuud weyne iyo xoghayaha degmadaaasi Cabdi Abiib oo muddooyinkan u dambeeyay uu ka dhex aloosnaa khilaaf ba’an oo wada shaqeyn la’aaneed ayaa shalay gaadhay halkii u sareysay kaddib markii la sheegay in khasnajjigii degmadaasi uu ka amar diiday guddoomiyaha kana baxsaday goobtii xafiiska la sheegay in guddoomiyaha degmada Wajaale, Maxamuud Weyne uu gebi ahaanba jabiyay khasnadii iyadoo ilo xogogaal ahina sheegayaan in khasnajiga baxsaday uu ka dambeeyay amarkiisa xoghaye Cabdi Abiib. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Haatuf u sheegay in khilaafka guddoomiyaha iyo xoghayuhu uu ka dhashay kaddib markii uu guddoomiyuhu ku talaabsaday inuu bedelo laba ka mid ah hawl wadeenada cashuuraha dawlada hoose ee degmadu u wakiilatay inay xogogaal u noqdaan dakhliga kasoo baxa kastamka kaddibna la sheegay in xoghayaha degmadaasi Cabdi Abiib uu ka hor yimid talaabada uu guddoomiyuhu ku bedelayay hawl wadeenadaasi. Guddoomiyaha degmada Wajaale Maxamuud weyne iyo xoghayaha dawlada hoose oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno ayaanay arrintaasi noo suurto gelin. Hase ahaatee guddoomiye ku xigeenka degmada Wajaale.C/raxmaan Xuseen oo aanu xalay khadka tilifoonka kula xidhiidhnay isagoo jooga degmada Wajale isagu qiray inuu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya guddoomiyaha iyo xoghayaha oo ku saabsan kala dambeynta awaamiirta xaga maamulka iyo wada shaqeynta tibaaxeyna in arrinkaasi uu keenay talaabada lagu jabiyay khasnadii dawlada hoose tilmaameyna in khasnajigii markii xafiiska laga waayay ay guddi ahaan jabiyeen khasnadii isagoo intaa ku daray in khasnajigu ku dawakhay amaro iska soo hor jeeda oo ay guddoomiyaha iyo xoghayuhu kala siinayeen. Guddoomiye ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi“ marka qofkii khasnada hayay la siiyo laba amar oo marna uu guddoomiyuhu amro marna xoghayuhu amro ayaa taasi waxay sababtay in khasnadii la jabiyo, guddoomiyuhu ma buu joogin, laakiin waxa joogay taliye ku xigeenka bileyska, madaxa immigration-ka Wajaale Jaamac Borama, khasnajiga dawlada hoose, markii la waayay ninkii khasnajiga ahaa ayaanu jabinay khasnada, ninkii khasnada hayay ayuu xoghayuhu ku yidhi ha iman, khasnadii weynayd may ahayn tan la jabiyay, madaxa immigration-ka Jaamac Borama anagaa u yeedhnay si uu markhaati noogu noqdo oo guddi aanu u saarnay arrintan ayuu ka mid ahaa oo xisaabiyaha iyo aniguna aanu goob joogayaal ka aheyn, koleey dad wada shaqeynaya way is qaban karaan oo khilaaf waa iman karaa, khasnada saaka 10-kii subaxnimo ayaa la jabiyay”. Degmada Wajaale oo ah xarun ganacsi oo muhiim u ah ganacsiga labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxay ku caan baxday khilaaf joogto ah oo mar kasta u dhexeeya maamulka ay xukuumaddu u soo magacawdo degmadaasi. |