Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2198 | November 16,2009 Dul-Qacda 28,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
'"Awdal Kama Jiraan Wax Raadad Ah Oo Lagu Xusuusto Xukuumadda Maanta Dalka Ka Jirta" Waxaan La Yaabay Cabsida Reer Boorama Ka Qabaan Xukuumadda Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan Boorama, November 16, 2009 (Haatuf) - Musharraxa mansabka Madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo haatan Boorama ku jooga booqasho hawleed ayaa dadweynaha reer Awdal ugu baaqay inay kala saaraan dhaliilaha xukuumadda Rayaale looga jeedinayo dhinaca horumarinta iyo waxqabadka oo ay dib uga dhacday Madaxweynaha, loona qaadan in markastoo Madaxweynaha loo soo jeediyo eedo ku saabsan dib u dhaca dalka, in aan reer Awdal loo jeedin, sidaa darteedna loo baahan yahay in la kala saaro qaranka iyo qabyaaladda. Musharrax Madaxweyne ku xigeenka UCID Prof. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo waraysi siiyey Wariyaha Haatuf Ee Boorama Maxamed Cumar Sheekh ayaa sidoo kale waa uu ka warramay ujeedada socdaalkiisa gobolka Awdal iyo arrimo ku saabsan taageerada xisbiga UCID iyo nidaamka maamul ee maanta dalka ka jira iyo hawlaha looga baahnaa ee baylahay. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:- S: Waxaad nooga warrantaa ujeedada socdaalkaaga Boorama? J: Waxaan u imi, waxa jira xidhiidh naga dhexeeya aniga iyo bulshada reer Awdal, ayna waajib igu tahay inaan u imaaddo mar kasta oo aan wakhti u helo. Doorkan si gaar ah ayaan ugu imi inaan la kulmo dhinacyo gaar ah po ka mid ah bulshada, anigoo kala hadlaya dhinaca kaambaynka ololaha doorashooyinka. Waxa ii qorshaysan dad khaas ah oo aan kala hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo gaar ahaan kan gobolkaba. Dhinaca kalena waxaan u imi masuuliyiinta xafiiska xisbiga ee gobolka oo aan doonayo inaan wada fadhiisano, kana arrinsano arrimaha siyaasadeed ee xisbiga iyo doorashooyinka, anigoo socdaalkaygan muhiimadda siinayo dhalinyarada iyo haweenka oo inta badan taageerada xoogga leh siiya xisbiga UCID. S: Beesha Aad ka soo jeedo ee Habar Carfaan odayaasha hormoodka u ahi waxay sheegeen in ay madaxweyne Rayaale si weyn u taageersan yihiin, Adigu taageero intee leeg ayaad ka haysataa shacabka ku dhaqan gobolka Awdal/ J: Marka beel lasoo qaado waan anigu ka dhaqaaqaa waa aabaha iyo hooyada, labada dhinacba aadbaan u qaddariyaa, siiba dhinaca hooyada oo ay soo galaan Abtiyaasha, Ilmo abtiyaasha. Haddaan dib ugu noqdo doorkii siyaasiyiinta iyo hogaamiyeyaasha dhaqanku kasoo qaateen dhismaha Somaliland iyo dawladnimadeed, waxaan soo qaadan karaynaa oo tusaale fiican u ah alla u naxariistee Sheekh Muuse Jaamac Goodaad waa la ogyahay doorkii xoogga lahaa ee uu kasoo qaatay nabadda iyo dib u heshiisiinta Somaliland iyo dedaalkii isaga iyo Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar u galeen siddii lagu keenay xukuumadda maanta dalka ka dhisan ee uu madaxaweynaha ka yahay Daahir Rayaale, hase yeeshee aanu xidhiidhkoodu fiicnayn ilaa xukuumaddii Marxuum Cigaal, lana xusuusan yahay in aanay isku dhaweyn xukuumadda, labadooduna ma filayn in tacabkii dawladdaasi ka galay uu u shaqayn waayo siday filayeen. markaa waad garan kartaa mawqifka beeshu inuusan ahayn sida aad moodeysaan, oo aanay waxba ka dhaxayn xukuumadda, waxaadse sax ku tahay wakhtigii marxuum Cabdi Xasan Buuni uu ka tirsanaa golaha wasiirada, isagoo Cabdi xasan Buuni ahaa nin weyn oo siyaasi ah wuxuu xukuumadda beesha uga soo jiiday taageero badan, sidaa darteedna markaad dhinacyadaasi ka eegto beeshu way ku kala qaybsanayd taageerada xukuumadda oo dhallinyarada iyo haweenkuba aniga ayey ila socdeen, ilaa maantana ila socdaan, sabatoo ah waxay donayaan waa isbeddel siyaasadeed oo aan anigu ku hogaaminayo, iguna raacsan yihiin, haddii isbeddelkaasi dhacana gobolka ugu baahi badan leh isbeddelkaasi waa gobolka Awdal oo intii aan joogay magaalada Boorama anaa meelo badan soo maray, dad badana waraystay anaana la sheekaystay, waxaanse la yaabay sida ama wax lala yaabo ah sida daweynaha magaaladu uga baqaan dawladda. Waxaan dareemay sidda qofka aan dawladda ku xidhnayn uga baqayo in la terorise gareeyo. Masuuliyiinta dawladda, ardayda, baayac mushtarka ayaad arkaysaa inay gabanayaan marka lasoo hadal qaado dawladda. Waxa caalamka dalalka kale Madaxeyneyaashoodu ugu faanaan degaanada ay kasoo jeedaan ugana sameeyaan wax lagu xusuusto, haduu yahay Obama iyo haduu yahay madaxeyne kale oo afrikaan ah, meelaha ay kasoo baxaani waa kuwa miisaan culus ku leh dawladahaasi, laakiin maamulka xukuumadda Rayaale wax calaamad ah oo uu ku leeyahay Gobolka Awdal ma jirto, inta badana aad moodayso in aanay wax xidhiidh ah lahayn. Tan saddexaad marka lasoo qaado arrimaha horumarka tacliinta, dhaqaalaha, deegaanka iyo wax kastoo lasoo qaadaba wax kasii dhaca mooyee wax u kordhay ma jiraan toddoba sano kaddib markii la doortay xukuumada maanta. S: Waxay inta badan beelaha reer Awdal ay ku celceliyaan in taageero weyn ay u hayaan Madaxweyne Rayaale iyo xisbiga UDUB, Adigu taageero intee le’eg ayaad ka haysataa xisbiga UCID ahaan? J: Waxyaalaha qaarkood markay dhacaan,way iska dhacdaa in madaxweynaha oo an lug ku laayn lagu eedeeyo ,madaxweynuhu waa madaxweyne qaran ee maaha madaxweynaha reer awdal,ilaa xukuumaddi marxuum Cigaalna ay jirtay fikirka dhaliisha ee beel amam gobol lagu nisbeeyo,waxan arrimah caynkas ah keenay xukuumadda oo ad moodayso inay wax xidhiidha la lahayn shicib ,fikirka caynkas ahna ka dhaadhicin lahayd ,halka dadka qaarkoodna anay weli fahmin qarannimada .Haddii dadku waayaan waxa lagu qabtay cashuurihii laga qaaday ,waxa laga qabtay shaqo la'aanta iyo waxa kasta oo xukuumadda looga baahnaa hadii dadku waayo dhaliil oo keli ah maahaa waxay xaq u leeyihiin inay mudaaharadaan ,sharciga iyo dastuurkuna u bannaynayo,marka dareenka caynkaas ah wax sababu ah xukuumadda oo gudan weyday xilka dadka ka saaran ,iyo dadweynaha qaar ka mid ah oo an fahmin dawladnimada.la soco cadadka dambe . |