Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2198 | November 16,2009 Dul-Qacda 28,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Wasiirka Caafimaadka Oo Sheegay In Gaadhigii Lagu Caawiyey Cusbitaalka Guud Uu U Kaxaystay Si Uu Lambarka Gaadiidka Dawladda Ugu Soo Sameeyo “Gaadhiga Saddex Cisho Oo Aan Taarikada Dawlada U Soo Samaynayay Ayaan Watay” Cabdi Haybe Hargeysa, Nov.16, 2009 (Haatuf) - Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe Maxamed, ayaa sheegay in gaadhigii lagu caawiyey cusbitaalka guud uu u kaxaystay si uu Lambarka gaadiidka dawladda ugu soo sameeyo, wax khilaaf ahina ka dhexaynin isaga iyo agaasimihii cusbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Yaasiin Carab Cabdi ee uu khamiistii todobaadkii hore xilka ka qaaday, isagoo ka gaabsaday inuu ka hadlo khilaafka ka dhashay gaadhiga ay hay’ada UNDP ku caawisay haweenka lagula kaco kufsiga ee la keeno cusbitaalka guud, kana muquurtay inuu jawaab rasmiya ka bixiyo halkuu ku dambeeyay khilaafkii ka dhashay gaadhigaasi iyo baabuurka uu hada wato ee UNICEF ugu deeqday barnaamijka talaalka EPI. Wasiir Cabdi Haybe, oo shalay shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay ayaa sidoo kale dareen cadho leh ka muujiyey su’aalihii ay suxufiyiintu shirkaasi jaraa’id ku weydiiyeen, hase yeeshee isaga oo shucuurtiisa ay ka muuqato cadho ka dhalatay xilka qaadista agaasimaha cusbitaalka iyo dhaliilaha looga soo jeediyey gaadiidka ay hay’adaha samafalku ugu deeqaan hawlaha caafimaadka ayaa waxa uu yidhi "Waxaan Shirkan Jaraa’id u qabtay waxa jiray ayaamahanba sheekooyin malo-awaal ah oo lagu qorayay Jaraa’idka oo aad moodo waxay doonayaan inay iskaga soo qoraan jaraai’idka iyagoo aan xaqiijin runtu waxay tahay. Waxa ka mid ahaa arrimahaas Gaadhi Saaka Jaraai’idka ku sawiran oo loo keenay cisbitaalka guud oo loo soo iibiyay Haweenka la kufsado iyo waxyaabahaasi. Waxa jira nin dhakhtar ah oo laga bedelay maamulkii Cisbitaalka guud ee Hargeysa, oo isagana la buun buuninayo.Agaasimaha Cisbitaalku waa shaqaalaha Wasaarada Caafimaadka Qofka shaqaalaha ahna halkii looga baahdo ee kolba baahidu taallo ayaa loo bedeli karaa." Wasiirka oo ka hadlayay asbaabaha uu u bedelay Agaasimaha Cisbitaalka oo lagu tilmaamo inuu horumar gaadhsiiyay cisbitaalka waxaanu yidhi "Imikaba laba dhakhaatiirta Cisbitaalka ka tirsan ayaanu Ceerigaabo u bedelay Agaasimuhuna kuwaasi uun buu la mid yahay, mana jiro dhakhtar shaqaalaha kale wax ka sitaa, meel gaar ah oo laga xukumaa oo aan Wasaarada ahayni ma jirto. Dr. Yaasiin waa shaqaalahayaga waxaanu u soo bedelay xafiiska Tallaalka oo hoos u dhacay oo aanu doonayno in kor loo soo qaado markaa dhakhtarka lama eryin ee waxa loo bedelay Wasaarada gudaheeda." Wasiir Cabdi Haybe, wuxuu sheegay in la buun buubiyay Gaadhi loo keenay Cisbitaalka Guud, oo la sheegay inuu isagu kaxaystay isla markaana ay isku khilaafeen Agaasimihii hore " higa qudhiisa ayaa been abuur laga sameeyay. Gaadhiga saddex cisho oo aan taarikada dawlada u soo samaynayay mooyaane waa ka dhex yaala Geerashka Cusbitaalka Guud waxaana jiray in dad doonayeen in ay gaadhiga u sameeyaan taariikada gaadiidka shicibka, Gaadhigu mid Wasiirku u baahan yahay ma aha, Wasiirku baabuuro wuu haystaa." Intaas ka dib waxa Wasiirka la weydiiyay su’aalo su’aalaha oo u dhacay sidan S: Waxa lagugu eedeeyey inaad cisbitaalka guud ee Hargeysa u haysatid Il-dhaqaale oo dihin, Cisbitaalkuna intii uu Dr. Yaasiin haystay uu horumar gaadhay, Arrimahaasi maxaad Iskaga bedelaysaa? J: Su’aasha aad I weydiinaysaa ma aha mid meesha taalla, Anigu dhaqaale aan u baahan nahayna ma jirto¸Cisbitaalka dhaqaale ha kaa soo galo Anigu meesha uma joogo, adeer Illaahay sidaasi ayuu igu ogyahay, ummadda ayaanan u shaqaynayaa. Laba Sanadood ayaan Wasiir ahaaye ma aan dhaqaale weydiiyo, waxaad ka hadlayaasaana wax meesha yaala ma aha? S: Waxa Wasiir la sheegay inaad wali haysatid furihii Gaadhiga, maxaad ugu wareejin weyday maamulka Cisbitaalka? J: Furaha waxa haya darawalkii gaadhiga lagu qoray cisbitaalka guud ayaanu yaalaa. Gaadhigana ma laha Agaasimaha Cisbitaalku. |