|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2216 | December 07,2009 Dul-Xaja 20,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Faras Iska Daaye Anigu Diina Umaan Fuulin Jagadaasi Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha, Waxaanan Ahay Kulmiye, Mana Ihi Nin Maalinba Xisbi Gala” Proffesor. Ismaaciil Muumin Aare Hargeysa, December 7, 2009 (Haatuf) – Proffesor. Ismaaciil Muumin Aare oo ka mid ah guddida filinta xisbiga Kulmiye ayaa beeniyey inuu loolan ugu jiro jagada uu ka geeriyooday wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf, kaas oo tilmaamay inaanu ka mid ahayn xubnaha jagadaasi u cararaya, gaashaankana ku dhuftay in aanu isagu marnaba ku fakarin in jagadaasi uu doonto, tilmaamayna inuu xisbiga Kulmiye uu isagu ka tirsan yahay guddidiisa Fulinta, una socon xisbi kale inuu ku biiro. Isagoo dhinaca kalena tilmaamay in wasiirka macdanta iyo biyaha ee hore Qaasim Sheekh Yuusuf caa’ilad qoys ahaaneed, muddo dheerna ay saaxiibo soo ahaayeen. Proffesor. Ismaaciil Muumin Aare waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay Wargeysa Haatuf ugu waramayey Xarunta oo uu nagu soo booqday, taas oo uu jawaab kaga bixiyey, war uuu wargeyska Haatuf cadadkiisii shalay ku soo ban dhigay musharixiinta loolanka ugu jirta jagada banaan ee Macdanta iyo biyaha oo aanu madaxweyne Rayaale masuul cusub u magacaabin. Profesor. Ismaaciil Muumin oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “anigu jagadaasi wasiirka macdanta iyo Biyuhu ka geeriyooday mar kaliya kuma fikirin, kumana talo jiro inaan jagadaasi xilkeeda doonto, Faras iska daaye, Diina umaan Fuulin inaan jagadaasi Macdanta iyo Biyaha Xilkeeda doonto, anigu siyaasiyan xisbiga kulmiye ayaan ahay oo guddidiisa fulinta ka tirsanahay ummadda reer Somaliland iyo beeshayduna xisbiga Kulmiye ayay igu ogyihiin oo aan ka tirsanaan doonaa, mana ihi nin maalinba xisbi gala, marxuumka Wasiirka Macdanta iyo biyaha Ilaahay ha u naxariistee waxa uu ahaa masuul aanu caa’ilad isku dhaw nahay oo muddo dheerna aanu saaxiibo ahayn, kumana fikirin anigu inaan jagasiisaasi, wakhtigan xaadirka ah oo aan tacsidiisii fadhino aan doonto, cid beeshayda ka tirsna oo xukuumadda si ay ugu soo jiido iila timid inaan jagadaasi wasiirnimo doontana, haba yaraatee ma jirto, waxaana qabaa in jagadaasi cidda loo magacaabayo tala bixinteedu ay wax garadka beesha iyo jifada ay u taalo, go’aan qaadashadeeda kama dambaysta ah ee xilkaa wasiirnimo awoodeeda uu iska leeyahay madaxweyne Rayaale oo aan filayo in uu wakhtiga munaasibka ha soo magacaabi doono buuxinta jagadaasi”. |