Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2217 | December 08,2009 Dul-Xaja 21,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Wax Ka Baro Dalka Kuyaal Qaarada Asia Ee Cobodia Cambodia ama boqortooyada kamboodiya waa wadan dhaca koonfur bari Asia, wadankan waxa ka talin jiray qarniyadii 10-aad iyo 13-aad boqortooyo lagu magacaabi jiray Khamer, taas oo dagaal ba’an la gashay boqrtooyadii Siam oo hada looyaqaan Thailand iyo wadanka Vietnam. Sanadihi 1863-kii boqorka kamboodiya markii awoodiisa uu arkay in eey sii liiceyso ayuu maciin biday in uu wadanka hoos geeyo gumeystihii Faransiiska si uu uga badbaado kacdoonada badan ee ka heystay wadamada dariska iyo dalka gudihiisaba. Badka uu ku fadhiso wadanka Cambodia isku geeyntooda waa 181,040 sq km (Dhul : : 176,520 sq km Bad4,520 sq km). Cambodia waxa ay xuduud la leedahay : Laos 541 km, Thailand 803 km, Vietnam 1,228 km. Dhaqaalaha wadanka ayaa ku tiirsan dhoofinta gaaska dabiiciga, timberka, bariiska rabadhka iyo biraha . Cimalada wadanka ayaa ah mid kulul, roobkuna waxa uu da’aa xiliga mansoonka bilaha (May ilaa November), jilaal darana waxa uu jiraa bilaha (December ilaa April). Bilaha Juun iyo Novembern ayaa waxa dhaca biyo fatahaado badan. Wadanka waxaa dib u dhigay dagaalo daba dheeraaday inkastoo xal laga gaadhay sanadkii 1993-kii. Isla sanadkaasna waxa lagu guuleeystay in uu wadanku yeesho dastuur loo dhanyahay oo wadanka iyo dadkaba lagu dhaqo, sidaasna lagu kala dambeeyo. Dadka ku nool wadankan ayaa waxaa lagu sheegaa in ay tiradoodu dhantahay 13,607,069, warbixinta tirakoobtan ayaa ka soo baxday Qaramada Midoobay Wadanka waxa ku nool qowmiyado kala duwan oo kala ah: Khmer 90%,ah Vietnamese 5%, ah Chinese 1%, ah iyo 4% oo dad iskubadhxana Diimaha wadanka laga haysto ayaa sidaa u badneen, waxaana ugu awooda badan ama dadka badankii ay heystaan diinta Theravada Buddhist 95%. iyo 5% oo ah kuwa kale. Kkuwaa oo iskugu jira muslimiin, kiristaan iyo kuwo aan waxba caabudin. Caasimada wadanka waa Phnom Penh. Wadanka waxa uu xornimadiisa qaatay 9 November sanadkii 1953. Waxa uuna ka xoroobay gumestayaashii reer Faransiiska. |