|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2243 | January 07,2010 Muxaram 21,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Marxuum Fagadhe Wuxuu Ahaa Siyaasi Ka Koray Dharabta Qabiilka Profesor. Maxamed Siciid Gees Maraxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) wuxuu ahaa siyaasi ka koray Dharabta beesha. Siyaasiyiinta somalidu waxay siyaasadooda ku saleeyaan xifaalaha beesha iyo afaaro qabiil, oo lama yimaadaan aragti midho dhal ah oo umadooda baahan guud ahaan dan u wada ah oo horumar, nabad iyo wada noolaansho sidii loogu hogaamin lahaa ma raadshaan waxa ay ku doonaan magac beeleed iyo beelbaan wax u raadinayaa iyo sad-bursiiyo qadhaabka yar ee dakhliga umada ah sidii uu ugu badsan lahaa. Marxuun Fagadhe waxa uu ka mid ahaaa faro ku tiriska ku dadaalay horumarinta bulsho waynta Somaliland ama somaliyeedba iyo horumarinta xoriyaadka muwaadiniinta taas oo ka soo jeeda mudada dheer ee uu ku jiray halganka, baadi doonka xuquuqda shaqaalaha iyo aragtida hanti-wadaaga ee lafdhabarteedu yahay danaha xoogsatada Marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ahaa aabihii dhismaha maamulka Somaliland iyo nabadayntii beelaha Somaliland, oo ilaayo maanta meel kale oo Somali dagto aanay cidi ku guulaysan in ay dhisto maamul nabad iyo horumar u horseeda umadda ku hoos nool, ayaa waxa uu ugu yidhi maalin isagoo ka sheekaynaya marxuum Fagadhe “Fagadhe waxaan ku jeclahay waa nin isku kalsoon oo Somaliland u haysta inaan cidina ka xigin oo waliba gacan ku dara cidii afka lasoo gasha, waa ninka qudha ee Dhulbahane ee aan ku hubo in uu aaminsanyahay Somaliland”. Xamaasada uu u hayey Somaliland iyo kalsoonida uu isku qabay waxa dhacday in Marxuum Madaxweyne Cigaal oo magaalo madaxda dalka Talyaaniga ee Rome kula shiraya madax ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dawlada Talyaaniga isaga oo uu marxuum Fagadhe weheliyo oo markaa ahaa wasiirka arimaha dibada, ayaa nin ka mid ahaa qoladii Talyaaniga ahayd uu wax ka sheegay Somaliland aan dhab ahayn, marxuum Fagadhe inta uu is ilaaway ayuu feedh kula kacay ninkii Talyaaniga ahaa, taas oo dirqi lagaga qabtay oo ku kaliftay marxuum madaxweyne Cigaal in uu warqad raali galin ah uu u qoro wasiir ku xigeenkii arimaha dibada dawlada talyaaniga oo shirkaas fadhiyey. Marxuum Fagadhe dadweynaha Somaliland iyo aqoonyahankiisaba waa ay u aqoonsan yihiin kaalinta lama ilaawaanka ah ee uu kasoo qayb galay nabadaynta iyo dib u dhiska Somaliland. Wuu ka duwanaa siyaasiyiinta wali jiifta dharabta beesha, kama uu helin marxuum Fagadhe markii xanuunka iyo da’duba ay la kulantay abaalka xukuumada iyo mucaaridkaba hase ahaatee taariikhdu ma ilaawi doonto wixii uu gashaday umada somaliyeed meel kasta ha joogtee. Alle haw naxariisto marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), samir iyo iimaana haka siiyo dadkiisa iyo eheladii iyo dhamaan umadda somaliyeed meel kasta ha joogtee. |