Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2245 January 10,2010                                                                    Muxaram 24,1431 H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Guddoomiyaha Kulmiye Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey In Doorashada Ay Carqaladeynayso, Doonaysana Siddii Muddada Xilka Ay Guurtidu Ugu Kordhin Lahayd

“Waxanu U Aragnaa In Dawladu Ay Wado Olole Ay Ku Ridayso Guddoomiyaha Guurtida Kuna Carqaladeynayso Siddii Doorashooyinku Ay Dib Ugu Dhici Lahaayeen, Intuu Maqnaa Ayaa La Doonayay In Laga Sii Faa’iidaysto”

 Guddoomiyaha Kulmiye, Axme Maxamuud Siilaanyo

Hargeysa, January 10, 2010-(Haatuf)-Guddoomiyaha Kulmiye, Axme Maxamuud Siilaanyo ayaa dawladda Somaliland ku eedeeyay inay carqaladeynayso qabsoomida doorashada madaxtooyada  kuna tilmaamay isku shaandheynta guddi hoosaadyada golaha Guurtida lagu sameeyay olole ay dawladu ku dooneyso siddii guddoomiyaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan “Saleebaan Gaal” xilka looga qaadi lahaa, golaha guurtiduna muddada xilka ay ugu kordhin lahaayeen.

Guddoomiyaha Kulmiye, Axmed Siilaanyo oo toddobaadkii hore dabayaaqadiisii socdaal ku tagay dalka Mareykanka isla markaana idaacada laanta af soomaaliga ee VOA-da shalay galab kaga hadlay mawqifkiisa ku wajahan muranka sharci ee ka taagan isku shaandheynta guddi hoosaadyada Guurtida lagu sameeyay ayaa isagoo ka hadlaya Axmed Siilaanyo arrinkaasi waxa uu yidhi “ Guurtidu waa meelaha taariikhda iyo magaca weyn ku leh qaranimada Somaliland waananu ka xunahay waxa ka socda, in badan waxay dawladan maanta jirtaa rajeynaysay in mar walba maamulka Guurtidu uu noqdo mid la jaan qaadaya doorashooyinkii dib u dhacayay maadaama Golaha Guurtidu yihiin kuwa awooda sharci u leh inay Madaxweynaha muddada u kordhiyaan, mar walba waxay xukuumaddu ka dhiganaysay in salaanka loo koro muddo kordhinta ay ka dhigato in badan bay xukuumaddu isku dayday oo kharash badan ay gelisay oo sidday doonto u isticmaashay, in dhoweytase gudooomiyihii iyo xildhibaanada goalahaasiba waxay go’aansadeen inay ummada dhex dhexaad u noqdaan, imika waxa igu maqaalo ah, Guddoomiyihii oo maqan in la damcay in laga sii faa’iideysto, hawshaana waxanu u aragnaa in dawladani ay ka dambeyso, cid kale oo ka dambeysaana aanay jirin, dhowr jeer ooh ore ayaa la isku dayay in xeer hoosaadka golaha guurtida la bedelo balse way u suurto geli weyday, waxa loo socdaana waxay tahay siddii fursad loogu heli lahaa tiro yar oo guddoomiyaha lagu bedelo”.

Axmed Siilaanyo mar la weydiiyay sababaha iyo ujeedada ay dawladu u dooneyso bedelaaada guddoomiyaha Guurtida waxay uga gol leedahay waxa uu yidhi, ujeedadu waxay tahay waxanu u aragnaa maadaama ay doorashadii soo dhowaatay in mar kale ay dawladu rajeynayso in doorashadaasi ay qabsoomi weydo, guurtiduna ay mar kale xilka u kordhiso, si ay doorashada carqalad u geliso, waxan rajaynayaa in aan shacbiweynaha reer Somaliland aanay aqbalin guurtiduna aanay yeelin”.

Dhinaca kale Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in muddada uu socdaalka ku joogo dalka Mareykanka uu rajeynayo in kulamo uu la yeesho masuuliyiinta dawlada Mareykanka iyo jaaliyadaha reer Somaliland, taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee dalka Mareykanka uguna xog warami doono xaalada guud ee Somaliland ay wakhtigan xaadirka ah mareyso.