Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2252 | January 18,2010 Safar 3 ,1431 H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Jabhada ONLF Oo Weeraro Dhimasho Iyo Dhaawacyo Keenay Ku Soo Qaaday Deegaanada Hawdka Kililka 5aad Ee Itoobiya Hargeysa January 18, 2010 (Haatuf)-Jabhada ONLF ee ka dagaalanta kililka shanaad ee Itoobiya ayaa la sheegay inay habeen hore mireen dadweynaha dagan deegaanka Daba-raqas oo ka tirsan deegaanada Ayqaad ee hawdka kililka shanaad ee itoobiya, oo la sheegay inay ku dileen nin lagu magacaabay Ismaaciil Yuusuf Jaamac kuna dhaawaceen Axmed Tuur-Caws iyo gabadh ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaas. Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah madaxdhaqameedyada deegaankaas oo wargeyska Haatuf xalay nagu soo booqday islamarkaana nooga xog-waramay xaalada colaadeed ee kasoo cusboonaatay deeganadaasi ayaa iasagu walaac ka muujiyey saamaynta ay ku yeelan karto Itoobiya iyo Somaliland deganaanshahooda. Ugu horayn Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka hadlaya arimahaasi waxa uu hadalkiisii ku bilaabay “waxa aan caawa ka hadlayaa in aan war kusoo kordhay ka waramo, waxa ka dhacay meesha la yidhaahdo Dabaraqas oo ku taala kililka shanaad deegaanka la yidhaahdo Ayqaada dagaal ay soo qaadeen jabhada la yidhaahda OLNF halkaas oo ah deegaan ay dadku yaalaan oo beeshu aad u taalo oo deegaankaasna ay ku taalo magaalada Dabaraqas halkaa waxay kusoo qaadeen dagaal ay waliba xili habeenimo ah oo mir ah kadib halkaa ragbay ku laayeen qaarna waa ku dhaawaceen rag iyo dumarba leh waxa ku dhintay AHN nin la odhan jiray Ismaaciil Yuusuf Jaamac waxa kale oo ku dhaawacmay Axmed Tuur Caws iyo gabadh iyaduna halkaa ku dhaacantay, dagaalkaasi markii uu dhacay ee dhimashadaasi ay dhacday waxa is abaabulay oo qoryohoodii qaatay dadkii deegaankaas iyo beeshii halkaa daganayd oo ah beesha Isaxaaq halkaa waxa warku igu soo gaadhay in maantana (shalay) ay ka dhacay dagaal kale oo kii daba socday habeen hore. dagaalkaa ilaa imika inta aynu ognahay meeshu ma laha isgaadhsiin waa meel kililka shanaad ku taala” “dagaalkaa maanta (shalay) dhacay igaadhsiin la’aan awgeed hadana sida la soo xaqiijiyey oo fooniyayaal si tuugo ah meelahaa lagaga soo hadlayaa ay noo soo sheegeen ninka la yidhaahdo Maxamed Rooble Qaare oo dhaawaciisu aad u culus yahay iyo Maxamed Warsame Geele oo isaguna dhaawacan waxa naloo sheegay labadaa nin dhaawacoodii la soo sido, meeshaas waxa ka taagan dhibaato dagaal oo aad layskugu hub urursanayo. Hadaba waxa aan doonayaa in xaalada dalka kusoo koradhay ee deegaankaasi ka dhacday aan dadka reer Somaliland ku wargalino iyo dhibaatada ay ku hayaan markastaba OLNF shacbiga kililka shanaad waxaynanu hore u wada ogsoonahay in dhimashooyin ay hore gaysteen oo laba nin oo baabuur watay oo nin la odhan jiray Ismaaciil Axmed Jaamac oo waliba meel tuulo ah ay si fool xun ugu dileen iyadoo la wada arkayo arintaasi waa arin dhibaatadeeda leh oo soo noqnoqonaysay muddooyinkan-ba, dawlada Ethiopia iyo Somalilandna arrintaasi waxay u baahan tahay in laga sameeyo gurmad iyo wacyi gelin oo dawlada Itoobiya ay itaalkeeda wax kaga qabato oo ay u gurmato shacbigeeda maalinkasta lagu hor gumaadayo. Dawlada Somaliland-na waxaa meesha ka dhacaa waa wax ina wada saamayn kara, markaa xaalada deegaankaasi ka taagan ee colaadeed ha laga war hayo masuul iyo shacbi-ba si degdeg ahna halooga gurmado dhibaatadaasi OLNF-tu ka wada deegaanadaasi, iyada oo aynu hore u wada ogayn baabuurta faraha badan ee shacbigana lahaa ee ay duhurka cad gubeen dadkii watayna inta badan laayeen” |