Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2314

April 01,2010                                                               Rabi Al-Thani 16,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Maxaa Ka Hortaagan Dawlada Somaliland In Ay Ka Shaqayso Dhamaan Gobolada Dalka?

Sida la wada ogsoon yahay Somaliland waxa ay ka mid ahaan jirtay dhulwaynihii gumaysigii Engiriisku maamuli jiray qarniyadii 18-19.Taariikhdu markii ay ahayd 1960 ayaa ay madaxbaani ka heshay gumaysigii Engiriiska.1dii July 1960 ayaa labadii gobo lee ay kala maamuli jireen gumaystayaashii Engiriiska iyo Talyaanigu ay midoobeen,ayna dhibidada u aaseen dawlad Somaliyeed tii ugu horaysay. Waxa ay Labadaas gobol (British Somaliland protectorate and Italian Somaliland protectorate) ku heshiiyeen in la mideeyo maamuladii iyo ciidamadii labadaas gobolkas hoos iman jiray.Mudo markii ay labadii gobol si heer sare ah u wada shaqaynayeen ayaa sanadii 1969 waxaa afgambi aan dhiig ku daadanin taladii dalka kula wareegay  Maxamed Siyaad Bare. Maamulkii Maxamed Siyaad Bare oo socday 21 sano aya dhamaan qabaa’ilkii somaliyeed kala fogeeyey, kana dhex abuuray aaminaad daro iyo cadaawad aan dhamaad lahayn, taasoo markii danbe keentay kala aargoosi ay qabaailku ku dhaqaaqaan.Sanadii 1991 ayaa dhamaan qabaailka wada daga Somaliland ku kulmeen magaalada Burco,waxa ayna ku dhawaaqeen in ay ka go’een Somaliya inteede kale, kuna soo dhiseen dawladii ugu horeysay ee ay yeeshaan dadka reer Somaliland,dawladaas waxa ay u badnayd Jabhadii SNM oo markaas dalka gacanta ku haysay.labo sano kadib ayaa ay mar labaad qabaailka Somaliland oo dhami iskugu yimaadeen  magaalada Borama,waxa ay halkaas ku dhiseen dawladii labaad ee uu dalku yeesho, dawladani waa ay ka salbalaadhnayd tii Burco lagu soo dhisay. Hadaba laga soo bilaabo 1993 ilaa maanta dhamaan dawladihii iskaga kala danbeeyey maamulka dalka midna umay suuragalin in ay maamulkeeda gaadhsiiso dhamaan gobolada dalka.Waxa is waydiin mudan, maxaa ka hortaagan dawlada Somaliland in ay gaadhsiiso maamulkeeda dhamaan gobolada dalka.

Waxa aan odhankaraa, waxyaalaha hortaagan waxa u sees ah qodobadan:

Ø      Cadaalad daro xoogan oo ka dhexjirta habka saamiyada kuraasta dalka loo qaybsaday.Waxa wax aad iyo aad laago waabo ah habka beelaha wada daga Somaliland loogu qaybshay kuraasta Baarlamaanka iyo kuwa wasiirada ee dalka.Hadaba hadii loo kuurgalo habka saamiga beelaha wada daga Somaliland ay u kala haystaan kuraasta dalka, waxa laga dheehankaraa isku dheeli tir la’aan iyo kala badsasho aan macquul ahayn,taasoo keentay in qaarka mid ah beelaha ugu waaweyn dalka oo helay saami aad uga hooseeya saamigii xaqa ay u lahaayeen ku qasabtay in ay diidaan kana hor yimaadaan gooni isu taaga dalka..  Beelaha badhkood ayaa qaatay saami ka badan intii ay xaqa u lahaayeen, halka kuwo kalena ay aad iyo aad ugu dayacanyihiin uguna dulmanyihiin.Hadii arinkan si fiican loo falanqayn lahaa,la iskuguna keeni lahaa dhamaan beelaha dalka wada daga inta aan ku dhaqankiisa la ansixinin, waxa hubaal noqon lahayd in sida hada wax u socdaan si ka fiican ama ka wanaagsan wax u socon lahaayeen,maamulka dalkuna uu wada gaadhi lahaa dhamaan gobolada dalka.Hadii tusaale ahaan beelaha daga cidhifyada dalka iyo kuwa daga badhtamaha si isleeg ay u kala qaadan lahaayeen saamiyada barlamaanka iyo kuwa golaha wasiirada, waxa si fudud looga dhaadhicin kari lahaa gooni isu taaga Somaliland beelaha ka soo horjeeda,beelahaasoo inta badan aan lagala hadlinba xaqa ay u leeyihiin in ay helaan saami la mid ah kan ay haystaan beelaha kale.

Ø      Dawlada oo markasta isku dayda in ay ku soo xero galiso beelaha ka soo horjeeda gooni isutaaga Somaliland hab milatry, halkii loo isticmaali lahaa wada hadal iyo isqancin.

Ø      Dawlada oo ku fashilantay in ay ka dhaadhiciso qadiyada gooni isu taaga Somaliland beelaha wali ka biyo diidan.

Ø      Dawladihii iskaga kala danbeeyey maamulka dalka oo ku fashilmay in ay isku keenaan dhamaan salaadiinta, cuqaasha iyo mutacalimiinta beelaha ka soo horjeeda gooni isu taaga dalka, sidii loola falanqayn lahaa cabashadooda iyo aragtiyadooda ku waajahan gooni isu taaga iyo arimaha dalka.

Ø      Maamulka dalka oo xuduntiisu soo dhaafi laayahay caasimada.

Ø      Dawladihii iskaga kala danbeeyey maamulka dalka oo ku guuldaraystay in ay dalka u sameeyaan taariikh laga midaysanyahay.Sida la wada ogsoon yahay, Somaliland malaha taariikh dadka oo dhami ka midaysanyihiin. In ta badan waxa aad buugaagta dugsiyada dawlada ku arkaysaa taariikh gaaban oo ku saabsan jabhadii la odhan jiray SNM, waa Jabhad ka mid ahaa Jabhadihii la dagaalami jiray maamulkii Maxamed Siyaad Bare. Beelaha wada daga Somaliland waa ay ku kala aragtiyo duwan yihiin fikrada/aragtida laga haysto jabhadii SNM. Tusaale ahaan beelaha badhkood ayaa u arka halyeeyo ama Mujaahidiin u soo halgamay dib u xoraynta dalka, jecelna in labaro jiilasho danbe iyo dadka aan wax badan kala socon halgankii jabhada, halka beelo kalena ka aaminsanyihiin in ay yihiin danbiilayaal ay waajib tahay in madaxdooda maxkamado la soo taago danbiyo ay galeen darteed. Dadkan aragtida danbe qabo ayaa waxa ay u arkaan in aan marnaba lagu soo hadal qaadi karin jabhadii SNM. Waxa wax laga anfariiro ah in lagu soo daro manaahijta dugsiyada dalka lagu barto jabhado lagu kala aragtiyo duwanyahay, waxa kaga haboonayd in lagu soo daro halgankii xornimodoonka ahaa ee ay hogaaminayeen halyeeyadii ay ka mid ahaayeen Sayid Maxamed Xasan iyo Sheekh Bashiir. Halyeeyaashaas oo ahaa geesiyaashii u huray maalkoodii, waqtigoodii iyo naftoodiiba sidii wadanka looga xoreyn lahaa gumaystihii Ingiriiska ahaa. Gumaystahaas oo isku dayey in uu cidhibtiro kacdoonkii xornimo doon ka ahaa, una isticmaalay dhaqdhaqaaqii xornimo doonka ahaa ee ka jiray Somaliland wax kasta oo karaankiisa ah oo ay ku jirto inuu u isticmaalay diyaaradaha dagaalka si loo cidhibtiro kacdoonkaas. Waxa wax lagu faano ah in ay Somaliland tahay wadan African kii ugu horeeyey ee lagu weeraro diyaarado dagaal si loo tirtiro dhaqdhaqaaqii xornimo doonka ahaa ee ka socday dalka. Taariikhdaas qaaliga ahayd oo aan la ogayn meel ay ku danbeysay iyo cid hadal haysa.Hadaba waxa dawlada Somaliland la haboon in ay ku dhawaaqdo gudi heer qaran ah, gudigaas oo ka kooban dhamaan aqoonyahanada iyo waxgaradka dalka si ay u soo ururiyaan taariikhdii dalku uu lahaan jiray,taariikhdaas oo muwaadiniin badani ayna ka war qabin si loogu soo daro manaahijta dalka, laguna barto dhamaan dugsiyada iyo jaamacadaha dalka.

By: xaqsheeg@gmail.com