Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2264 | Febraury 01, 2010 Safar 16,1431 H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Madaxweynaha Malawi Oo Loo Doortay Hogaanka Midawga Afrika Addis Ababa, February 1, 2010 (W.Wararka) - Madaxweynaha dalka Malawi Bingu wa Mutharika ayaa shalay si rasmi ah loogu doortay hogaanka Midawga Afrika, kaas oo kala wareegay hogaamiyaha dalka Liibiya Mucamar Qadaafi oo isagu hore u ahaa hogaamiyaha Midawga Afrika. Shirkan oo ah kii 14aad ee Midowga Afrika ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, taas oo intii aan shirka la gudda gelin madasha shirka la hor dhigay cida loo dooran Doono Guddoomiyaha sanadkan ee Midowga Afrika, taas oo tibaaho hore ay sheegayeen inuu markale uu xilkaasi isu soo taagayo Hogaamiyaha dalka Liibiya Muccamar Qadaafi oo isagu xilkaasi hayey sanadkii lasoo dhaafay ee 2009. Qadaafi ayaa furitaankii shirka si kadis ah ugu dhawaaqay inuu xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika uu si rasmi ah ugu wareejiyo Madaxweynaha dalka Malawi Bingu wa Mutharika. “Walaalkay ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Malawi ayaan si rasmi ah ugu wareejin doonaa xilka Guddoomiyenimada….” ayuu yidhi Col. Qadaafi khudbadiisii furitaanka shirka. Qadaafi ayaa ka gaabsaday in markale uu codsado in xilkaasi loo sii kordhiyo, hase yeeshee waxa arrintan ka biyo diiday inta badan Hogaamiyeyaasha Qaarada Afrika, iyadoo hore dastuurka u yaal Midowga Afrika uu si rasmi ah u qeexayo in Guddoonka Midowga Afrika uu yahay mid wareegto ah oo Hal-kii sano-ba la bedelo. Waxa sidoo kale Qadaafi culays weyn kasoo fuulay wadamada koonfurta Afrika oo iyagu si wadajir ah isugu raacay in dalka Malawi uu u matalo dalalka ku yaal koonfurta Afrika oo sanadkan sharciyan xaq ulleh inay qabtaan Guddoonka Midowga Afrika. Wadamada xubnaha ka ah ururka dalalka koonfurta Afrika oo loo yaqaan (SADC) ayaa ayagu shirkoodii ay ku yeesheen dalka Congo bishii Agoosto ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2009, ku heshiiyey in dalka Malawi uu markan u matalo shirweynaha Midowga Afrika xubinta u sharaxan Guddoonka. Wadamada ku yaal Waqooyiga Afrika, Galbeedka iyo Bariga, ayaa iyguna soo dhaweeyey go’aanka ay qaateen wadamada Koonfurta Afrika, arrintan oo caqabad ku noqotay Muccmar Qadaafi oo isagu helay kaliya taageerada dalal kooban. Muccmar Qadaafi ayaa isagu ku doodayey in hawshii uu bilaabay ay wax badan Qabyo ka yihiin oo u baahnaa inuu sii dhameystiro. Hogaamiyaha Liibiya ayaa hore usoo bandhigay Qorsho uu rabay in Midowga Afrika loo bedalo inay isku darsadaan Wadamada Qaarada Afrika oo laga dhigo (Unites States of Afrika) Qorshahan oo ah mid aanu weli ku guulaysan. Hase yeeshee Qadaafi ayaa u muuqda hogaamiye wax isbedal ah kusoo kordhiyey Midowga Afrika, ayadoo lagu wado in magacyada Guddiyadda Midowga Afrikla iyo Guddoonka wax laga bedalo, taasi oo hada lagu wado in la hirgeliyo. Qadaafi ayaa sheegay inuusan u baahneyn jegada Guddoonka Midowga Afrika, asagoona sheegay inuu sii wadi doono dadaalkiisa xataa haduusan hada xilkaasi heyn, asagoo sheegay inay ka go’antahay in la mideeyo dalalka Afrika. Madaxweynaha Dalka Malawi Mr.Bingu wa Mutharika oo halkaasi asaguna ka khudbeeyey ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay xilka loo doortay asagoo sheegay in xiligan la gaaray wakhtigii Afrika ay horumari lahayd. “…Waxaa la gaaray xiligii Afrikaanku horumarin lahaa Qaaradooda Afrika, macquul maaha in aan nahaano Qaarada ugu Qanisan Caalamka, hadana dadkayagu ahaado kuwa ugu faqrisan adduunka…” ayuu yidhi Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika. Shirka ayaa si socon doona labada maalmood ee soo socda waxaan lagu wadaa in qodobo badan lagu soo bandhigo shirkaasi, ayadoona Wafdiga ka socda Dowlada Soomaaliya ee uu Hogaaminayo Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif lagu wado inuu halkaasi khudbad kasoo jeediyo. |