Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2320 |
April 08,2010 Rabi Al-Thani 23,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Daba Huwan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi (Q.2aad) 357. Doofaarrada aan gudnayn 358. U doortay runtaynnu nahay 359. Xaqay garba-duubayaan 360. Ku diirsanayaynnu nahay, 361. Diin-laawaha gaalku dhalay 362. Ku dayday ayaynnu nahay 363. Dayeysan ayaynnu nahay. 364. Sidee duni loogu lumay 365. Maxaa dad ku soo lug go'ay 366. Maxaa ku hungoobey duul 367. Diihaal kula soo dhex dhacay, 368. Maxay duluc guud martaa 369. Maxay dersi yeedhisaa 370. Maxay nin u deexataa 371. Ladnaan ugu duur xushaa 372. Hadhow xagal-daacisaa, 373. Maxaa deg-deg wiil ku yimi 374. Dusheeda ku foos bur-buray, 375. Maxay doqon loogataa 376. Maxay laqan dooxataa 377. Maxay danab liicisaa 378. Maxay dabar liilisaa 379. Maxay dil-dillaacisaa 380. Ummuur kun dabool lahayd, 381. Maxay sado daadisaa 382. Maxay amar duulisaa 383. Maxay dar-dar loodisaa 384. Maxay diric quusisaa 385. Maxay kibir daalisaa 386. Maxay damac beenisaa 387. Maxay nin dabbaal yaqaan 388. Dalluun ku waraabisaa, 389. Maxay dal-daloolisaa 390. Deeqdeeda hadhuub lahaa, 391. Maxay lur u sii dirtaa 392. Ku sii dar ninkii yaqaan, 393. Maxay dab ku sii shiddaa 394. Ninkaanay daweyn karayn! 395. Adduunyadu waa daryeel 396. Daryeelka wixii ku nool 397. Dad bay magantiisa tahay, 398. Dardaaran cad baa ka yaal 399. Daymiyo garashay rabtaa 400. Hog loo dayo bay rabtaa, 401. Runteeda qofkii duwaa 402. Xaquu kaga dayro yahay, 403. Dawgeeda haddaan la-marin 404. Daliil Rabbi looga dhigin 405. Deynkeeda waxaad guddaa 406. Mar aanad u daafad hayn, 407. Ninkii dabinkeeda gala 408. Dib bay u xusuusisaa 409. Digniino horoo badnaa. 410. Abuurtu dahaysanaa 411. Sir iyo duluc raaranaa 412. Daabkeedu aroorsanaa 413. Degaandeg ballaadhanaa 414. Dawgeedu aloosanaa 415. Rugaanrugo durugsanaa 416. Muggeedu daruuranaa, 417. Dijaallada soo if-baxay 418. Weelkay darayaan yaraa, 419. Damiinka waxaa ka dhigay 420. Ummuurahan daalka badan 421. Siday u dul cararayaan, 422. Kashii demman bay legdaan 423. Siday wax u duufsadaan 424. Daliil uma sii hayaan. 425. Hubkooda dayaanka dheer 426. Markay daran-doorriyaan 427. Cid bay ku dullaynayaan 428. Cabsay dad ku beerayaan 429. Korkeenna inay degaan 430. Dusheenna ka soo hadlaan 431. Waxay ugu duur xulaan 432. Kasheenna inay dabraan 433. Hankeenna inay dilaan 434. Jidkeenna inay duwaan, 435. Dawaafka is dhaafayaa 436. Duullaanka cirkee socdaa 437. Dedaal iyo maaha guul 438. Daryeel kuma baadhayaan 439. Wanaag kuma doonayaan 440. Inay cilmi daalacshaan 441. Aqoonta ku sii durkaan 442. Wixii dedan qaawiyaan 443. Dantoodu ka sii gun dheer, 444. Rugaa dirir saran yahay 445. Waxay u docaynayaan 446. Dayaxa u hadhaynayaan 447. Dagaar u cagaynayaan 448. Inay Run ku duudsiyaan 449. Xaqiiqada daah sudhaan 450. Adduunyada dooriyaan 451. Iyagu u daliil noqdaan. 452. Nin diidey Inaad Run tahay 453. Ku dooday inaanad jirin 454. Rabbow dunidaada bilan 455. Ammaan kuma daaqi karo. 456. Diddii hungurow diddii 457. Kal daaf hagayaay diddii 458. Dhegaa dedanow diddii 459. Dareenka bukow diddii 460. Adduunyadu maaha dool 461. Dijaallada soo if-baxay 462. Haddaanay war deeqa hayn 463. Sidaan u dayaaba waa 464. Docdaan u kacaaba waa 465. Dushaydiyo hoostu waa 466. Daliil iyo waa Yiqiin 467. Dallaallimadeeda guud 468. Siday u dalaysan tahay 469. Siday u degmaysan tahay 470. Siday u duggaashan tahay 471. Siday u dalleensan tahay 472. Siday u damiin caddahay 473. Siday u dareersan tahay 474. Sidaanay u daadsanayn 475. Da'deeda la-yaabka weyn 476. Siday uga duug la'dahay 477. Siday dalandool u tahay 478. Siday u dekeysan tahay 479. Siday u taqaan didmada 480. Siday u dareen la'dahay 481. Siday u daryeelan tahay 482. Siday u darbaysan tahay 483. Siday u daraandaraan 484. Siday uga dayriyaan 485. Siday laba duul u tahay 486. Siday laba-deeq u tahay 487. Siday degel-degel u tahay 488. Siday degel qudha u tahay 489. Hal-doorba hal-doorka kale 490. Siduu ula daawo yahay 491. Ummuurahan laysku dabay 492. Dawaarahan laysa sudhay 493. Sidii deleb loo dhig-dhigay 494. Wadaagahan laysu diray 495. Lammaanahan laysku daray 496. Hadday is daboolayaan 497. ILaah dejiyaan maqnayn. 498. Cadceeddu dorraad ma dhalan 499. Kulkeeda dawaa ku shuban 500. Ifkeeda Run baa ku duxan 501. Dayuxu marin buu hayaa 502. Xil loo diray buu hayaa 503. Daw buu ku aroorsan yahay 504. Dilluu ku hoggaansan yahay, 505. Dooggiyo dhirtu maaha baad 506. Caleen iyo maaha daaq 507. Ka sii duluc dheer intaas 508. Waxaa ku dareersan nuur 509. Run bay ku dalaysan tahay 510. Wadduur culus baa ku taal 511. Daymaan lagu faaqidayn 512. Dareen akhriyaan la-hayn 513. Indhaha damac baa hor yaal 514. Waxaan dahab meel ka gelin 515. Waxaan magac Doollar sidan 516. Diinnaar iyo lacag ahayn 517. Yaqiin kama sii dayaan, 518. Damiirku hadduu qallalo 519. Hadduu dufan-raadis yahay 520. Daliilka hortiisa yaal 521. Waxaa kaga beegan daah 522. Dadkuna badi waa sidaas 523. Dakano gacal bay qabaan 524. Dagaal ramatay noqdeen 525. Dabrayn iyo weerar bay 526. Runtii kaga duuban tahay, 527. Xaqiiqada daahirka ah 528. Dulmay kaga hoos jiraan 529. Abuurta ma daawadaan 530. Denbay kala boobayaan 531. Dushooda ma eegayaan 532. Dux bay kaga fooraraan 533. Si bay u dar-jiidhayaan 534. Dunuunuc bukay liqeen 535. Dalqay wax ku eegayaan 536. Dil bay u hamuumayaan 537. Dibnay la haliilayaan 538. Dedaal ma haleelayaan 539. Daryeel ma hanbaynayaan 540. Dardaaran ma dhuuxayaan 541. Digniin ma dhabaynayaan 542. Dharaar kama doodayaan 543. Halkay ku dambaynayaan 544. Dayow kama toosayaan. 545. Wax-diiddo markay jirtaa 546. Wax-doonkuna meel-mar yahay 547. Naftana dabar baa xaslada 548. Dibsooduna waa ammaan 549. Digtooni haddaan la-hayn 550. Dagnaaniba way jirtaa 551. Dannaanni miyuu xunyahay 552. Markaan danan loo maqlayn. 553. Xilkii dadnimay gabeen 554. Xuquuq dadnimay rabaan 555. Naf daallina bay rabaan 556. Inaan dulmigeedu qaban 557. Dawgii noloshay rabaan 558. Inay shar ku daydayaan 559. Xumaan qof ku daalayaa 560. Wanaag damaciis hayaa 561. Dammiinka halkii ahayd 562. Siday uga soo durkeen 563. Miyay dib u soo noqdeen 564. Siday u duleed-baxeen 565. Ayay u dabayshadeen 566. Waxay dumiyeen Runtii 567. Waxay u dumeen Runtii 568. Markay dumiyeen Runtii 569. Nin daacad hoggeeda qoday 570. Miyuu ka danbaynayaa. 571. Intuu bahalaa dugsado 572. Intuu Dubur hawd ka xulo 573. Ayuu qofku doonayaa 574. Dugaaggu inaanu cunin. 575. Naftiisa qofkii dulmiyey 576. Deyrkaaga Rabbow ka baxay 577. Muxuu halis daaqayaa! 578. Addoonku Rabbow ma dayo 579. Deeqdaada intuu hantiyo 580. Duntii maqan buu tebaa, 581. Wax uu deg-deg kaaga filay 582. Haddaanay ku soo dul quban 583. Cadhuu la dakaamayaa, 584. Dibnuhu baryaday karaan 585. Daryeel kama mahad ceshaan, 586. Jiilaal la-darbaysan yahay 587. Diihaal iyo gaajo kulul 588. Haddii beri roob ka da'o 589. Qof doogey markaas illow 590. Siduu u ducayn yiqiin, 591. Xusuusba ka sii durduri. 592. Nin duunyadu mool ku tahay 593. Dadkiisuna maansha yahay 594. Ayaa misna kuugu duda 595. Waxaanu u daafad hayn, 596. Qofaad shar u diiddan tahay 597. U doortay si khayr ku jiro 598. Ayaa misna kuugu duda 599. Waxaad uga daacad tahay. 600. Sifaadkaaga deyr ma xidho 601. Dareenku ma gaadhi karo 602. Garaadku ma duubi karo 603. Dibnuhu ma macnayn karaan 604. Qof doonay inuu dhex galo 605. Ku daaley, ma dhaafi karo. 606. Dunjiga khalqigaagu yahay 607. Haddii gelin laysu dumo 608. Raggiyo dumar laysu guro 609. Jinkiyo insi laysku daro 610. Hadday ku dedaal galaan 611. Intay dar-dartoodu tahay 612. Hadday orod dooddiyaan 613. Hadday fadal deeddamaan 614. Muggood daran-doorriyaan 615. Haddii badda loo dar-daro 616. Dawaad milan looga dhigo 617. Dureemada loo qor-qoro 618. Waxay ku danbaynayaan 619. Inay dib u soo gurtaan. 620. Astaamaha dawladnimo 621. Markay derejiyo Run tahay 622. Adaan cidi kaaga dayan. 623. In daalacan Baad taqaan 624. Intii dedan Baad og tahay 625. Horraysana Waad digtaa 626. Dambaysana Waad sugtaa, 627. Intii daran Baad kartaa 628. In doora Rabbaad u Tahay 629. Dulleynna Adaa ku filan 630. Daryeella Adaa ku faxan 631. Sidaad damacdaaba fudud, 632. Dardaar-werintaada guud 633. Adaa naxariis ku daray 634. Dannina Boqor Baad ka Tahay 635. Dayrona Hodan Baad ka Tahay 636. Denbina Dhaafaad u Tahay 637. Dulqaadna Allaad u Tahay 638. Baryana Deeqlaad u Tahay, 639. Adaan talo kaa deg-degin 640. Dorraato wax Kuu ekaa 641. Adaan dib u qoomamayn 642. Adoo isla doonay laba 643. Adaan midi Kaa durkayn 644. Adaan waxba Kaa dib-jirin 645. Adaan damac fuushanayn 646. Adaan waxba daba ordeyn 647. Aday dani Kuu dhan tahay 648. Adaan xagal-daac lahayn, 649. Wixii hadhay baa dellegan 650. Daalaa-dhacu waw astaan, 651. Waxaa doqonniino badan 652. Intuu dadba kow ka yahay, 653. Waxaan dalab waayi karin 654. Intuu durey hoog ku yahay, 655. Hadduu dib-qallooc yar yahay 656. Naftuu damqayaan is bixin. 657. Sidii dur-durkaan socdaa 658. Si baan u dur-durinayaa 659. Hortayduna waa der-deran 660. Hareeruhu waa del-delan 661. Gadaashuna waa dam-daman 662. Aboor iyo waa dun-dumo 663. Daddaabba-xidh baan tog nahay 664. Darmaan falan baan sudh nahay 665. Dameero jin baan intaas 666. Dib uun ugu guurayaa, 667. Shax baan degayaa hog-hogan 668. Hog baan ka il duufayaa, 669. Wadaamo dugeed ayaan 670. Darroor ka gufeynayaa 671. Qabyaan ku dul meerayaa 672. Iyadu dal-dalool ku nool, 673. Markaan gudin daab u helo 674. Ayuu dumayaa habeen, 675. Dab baan dab cunsiinayaa 676. Dab baan ku bakhtiinayaa, 677. Ummuur dedan baan haddana 678. Dabool kale saarayaa, 679. Bar baan kula doodayaa 680. Bad aan bado daalin karin, 681. Naf baan isla doonayaa 682. Is-diiddo dhexdeeda taal, 683. Duunkayga baqaa ku jira 684. Dareen cabsiyaygu badan, 685. Hadduu dacaw meel ka ciyo 686. Didmaan isla boodayaa, 687. Malyuun dakhar baan qabaa 688. Doogtooda ma ciidmi karo, 689. Waxaan ahay ruux u dagan 690. Cadaawiyo duullan baas, 691. Kal dooxani way habtaa 692. Dar-daaran haddii la-faro 693. Digniintu hadday caddahay 694. Damiinku ma dhuuxi karo 695. Dorraad ma xusuusan karo 696. Waxaan dibindaabyo falay, 697. Shalay kama daacad noqon 698. Dantayda wixii ahaa, 699. Haddeerna si dawgu yahay 700. Dib baan ka illaawayaa. 701. Dad baan ahayoo Rabbow 702. Kolley denbi way ag yaal 703. Hawiyo damac baa i-sida 704. Hiyiga falan baa i-dira 705. Dareenka xun baa i-shidan 706. Ta ii daran baan jec lahay 707. Kas baan ahay daymo dhow 708. Kal baan ahay doonis badan, 709. Inaan dumey maan ogeyn 710. Inaan degey maan arkayn 711. Sidii qori daad la tegey 712. Wed baan dul sabbaynayaa, 713. Intii dabin ii xidh-xidhan 714. Intii belo ii dahsoon 715. Intii dalag loogu dhaco 716. Dalluumaha ii qarsoon 717. Rabbow debecaaga saar. 718. Miisaanku doc buu jiraa 719. Docdii halistuu jiraa!!! 720. Intaan dawan laysu tumin 721. Dayaanku intuu neg yahay 722. Intay belo deyran tahay 723. Intay weli duur-xul tahay 724. Duul-duulka ku kooban tahay 725. Hadday tahay maalin daran 726. Ka sii daran baa jirtee 727. Intay weli doobir tahay 728. Dib iyo noqoshaan rabaa 729. Dan iyo nolol baan rabaa 730. Dawiyo nabad baan rabaa 731. Xil daahirah baan rabaa 732. Naftayda inaan u diro 733. Wax uu dugsadaan rabaa 734. Hankayga inaan ku dayo 735. Dagaal xaqa baan rabaa 736. Deeqdaada inaan ku helo 737. Damiir xalan baan rabaa 738. Deynkaaga inaan ku gudo. 739. Rabbow ifka nooga door 740. Dedaalkana noo rumee, 741. Rabbow danbe noo ogow 742. Wixii tegey duudsi yeel, 743. Rabbow dunidaada weyn 744. Dabaylo fayow ku xeer, 745. Intii dulin baas dhex taal 746. Rabbow diga-xaadh ku fiiq. 747. Rabbow magac dawladeed 748. Intaan dugsanayn Yiqiin 749. Rabbow dumi waa hungee. 750. Dastuurrada baaddilka ah 751. Intaan xaqa daafacayn 752. Ka reeb dambas waab dhex yaal. 753. Rabbow dalka kaanu nahay 754. Intii degel muummin yaal 755. Wanaag ku dallaallimee 756. Islaamka ka soo dabbaal 757. Waxay ku dulloobayaan 758. Dijaallada soo if-baxay 759. Qof deyma leh haw shidhayn, 760. Haweenkuna waa duggaal 761. Deeqdaada badh bay yihiin 762. Waxaa lagu daaqayaa 763. Siday u dul leeyihiin 764. Shar daalacan baa jiree 765. Iyagu dedan bay dhasheen 766. Dunuubta ninkay badhxaan 767. Rabbow ducadayda sii 768. Samaa dumar noogu dhiib, 769. Raggana dummaddooda saar 770. Waxay dumiyeen Rabbow 771. Haddaanay xumaanta deyn. 772. Rabbow dalandoolka dhow 773. Shil noo dihin maalintaas 774. Rabbow naga sii dabool 775. Hortaadana noo dalee 776. Degaankana nooga yeel 777. Daryeelku halkuu Run yahay. 778. Haddanay dir-sooc lahayn 779. Falkaagu u daw-bannayn 780. Cibaadadu waa ku daal, 781. Badbaado qof doonayow 782. Kashaada dareen ku beer 783. Dareenka samaa ku beer 784. Indhaha dib u soo Muslimi 785. ILaahay Dartiis ku eeg 786. Daliilka hortaada yaal. |