Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2321 |
April 09,2010 Rabi Al-Thani 24,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Kulmiye Oo Dhoolotus Kii Ugu Balaadhnaa Ku Muujiyey Cududa Taageerayaashiisa Gobolka Gabiley “Inanka Aan Adeerka U Ahay Waxaan Leeyahay Hadii Gashi Lagugu Leeyahay Anagaa Bixin Doona Oo Alle Na Baday, Dhaqaalaha Ku Baxay Dhakhtarka Xukuumadu Shilin Kuma Laha” Xildhibaan Ibraahin Kacaan “Munaafaqu Markuu Hadlayo Been Buu Ku Sheekeeyaa, Hadii Xil Loo Dhiibo Oo La Aaminana Umada Wuu Khiyaameeyaa” C/Casiis Samaale Hargeysa, April 9, 2010 (Haatuf) – Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa isku soo bax balaadhan oo uu shalay ku qabtay magaalo madaxda gobolka Gabiley, ku soo bandhigay cududa taageerada uu ku leeyahay gobolka Gabiley, iyagoo isla markaana jawaab kaga bixinayey isku soo baxoodaasi xaflad todobaadkii hore xisbiga UDUB ku qabtay magaaladaasi oo ay sheegeen in taageerayaal ka tirsanaa KULMIYE ay ku soo biireen. Xaflada dhoole tuska ah ee xisbiga KULMIYE uu shalay ku qabtay magaalada Gabiley oo ay iskugu soo baxeen boqolaal ka tirsan taageerayaashooda reer Gabiley ayaa waxa isku soo baxaasi khudbado uga jeediyey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee wakiilada C/casiis Maxamed Samaale, Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe, gudoomiyaha ololaha doorashada madaxtooyada ee gobolada galbeedka Baashe Cabdi Gaboobe iyo masuuliyiin ka tirsan KULMIYE iyadoo sidoo kalena aanay ka soo xaadirin gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Mujaahid Maxamed Xasan C/laahi (Jidhif). Ugu horayn Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe (Ibraahin Kacaan) oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee Kulmiye ee laga soo doortay Gabiley oo khudbad kulul oo iskugu jirtay baanis iyo eedayn ku wajahan xukuumada ayaa waxa ka mid ahaa weedhihiisii “Xafladan looma samaynin in cidna muruq loogu sheegto ee waxaanu u samaynay dadkayga Kulmiye bah-weynta ah ee halkan degan, waxanu hubnaa magaaldan iyo inta degan-ba inuu Kulmiye leeyahay, cid ka qaadi kartaa iyo cid kala hoos bixi kartaa aanay jirin ninkii doonaa wuxuu doono ha sameeyo tani waa KULMIYE, hore way u ahayd imikana way tahay. Waxa kale aan uga jeednaa waxay ahayd xaflad maalin dhawayd halkan lagu sameeyay oo dadka la masabiday, laga been sheegay ayaanu doonaynaa dadkii inaga maqnaa ama gudaha ha joogaan ama dibada-ba ha joogaane ee lagu yidhi Kulmiye ayaa laga soo baxay iyadana inay tani beeniso ayaanu u samaynay kusoo biirta Kulmiye waa la arki waxayna noqonaysaa waxaan la qarin oo si cad loo muujiyo, anagu waxaan jirin ku faani mayno wixii jirana cidi naga qaadi mayso. Gabiley iyo gobolkan la inoo magacaabay muxuu intii aynu gobolka ahayn maxaa inoo kordhay waxaan maalintii dhoweyd maqlayey iyadoo lagu faanayo biyaha Botoreed, iyadoo lagu faanayo cusbitaalka Gabiley, iyada oo lagu faanayo Jaamacada Gabiley. Haday Jaamacada tahay iyo haday cusbitaalka tahay dadka ka gaashaantay waxay ahaayeen dadka reer Gabiley ahaayeen gudaha iyo dibadaba. Waxa kale oon cadynaynaynaa idinkuna aad ogaataan markhaatina ah marag-ma doona maalintii qaadhaan jaamacada loo ururinayay intii ahayd madaxda xukuumadda ee ina joogtay ee lacagta is qortay nin ilaa maanta bixiyay ma leh, waxaan leeyahay jaamacadu waa danta inamadeena iyo hablaheena cidna ku eegi mayno sidii hore ay hantida ugu deeqeen ayaa imikana sidii si ka sii badan loogu deeqayaa. Dhakhtarka sida loo dhisay maxaa xukuumadda kaga jira, shillin ay xukuumaddu leedahay dhakhtarka kuma jiro, dhakhtarka waxa aasaasay oo qashinkii ku jiray sanado ka gurayay oo dayrka wareejiyay oo cid walba u qayliyey oo habeen iyo maalin-ba gurayay waxa ahaayeen haweenka Gabiley oo ay hor socoto ururka maandeeq ay hor socoto ayuu ahaa, intaa marka la soo dhaafo wixii lagu dhisay ee maanta aynu eeganaynaa waxay u qaybsanaayeen laba, qaybi waxay ahayd qayb ay Laanqayrta cas ee Imaaraadku inagu caawisay oo kaalmo ay bixsay oo dadka aynu ula sinayn ayay ahayd oo la inoogu dhisay, qaybta weyna waxa lagu dhisay lacagtii ay soo ururiyeen dadkii sama-doonka ahaa, dadkii waxgaradka ahaa ee u dhashay gobolkan iyo intii kale ee kasoo qayb gashay ee dibada joogtay. Waa looga fadhiyaa xukuumadda maanta jirta inay wax qabato waa looga fadhiyaye shillin miyay ku darsatay? maxay maanta ku sheeganaysaa Inankaan adeerka u ahay baan la hadlayaa, waxaan leeyahay adeer haddii gashi lagugu leeyahay anagaa Alla na baday oo bixin, waxa laguu magacaabay dadka inaad u adeegto oo aad wax u qabato oo aad raad kaga tagto, waanad u da’yar tahay halkii wax laga qabanayayna waad joogtaa wakhtigaaga ha ku lumin Udub iyo calankeeda iyo xafladeeda Maanta maamulka jooga, bilayska waxaan leeyahay adeer waanu idinla shaqaynaynaa nabadgalyadana waanu jecelahay dantayada iyo ta dadkayagaa ku jirta waanu ilaalinaynaa dadkayaga Kulmiye-na nabadaanu wax ku helaynaa anagu qaska kuma helayno, dagaal kuma helayno ee waxaanu doonaynaa si xaalala oo sharaf leh inaanu ku wax ku helo sidaa awgeed magaalada iyo magaalooyinka kale iyo dadka ku nool Anaga lexejeclaa nagaga jira dooni mayno dhagax la tuuro, dooni mayno rabashad, dooni mayno buuq idinkuna intiina ka soo baxa.maalin dhawyd warqad baa la noo soo qoray oo waxa lagu soo qoray waa xaaraan kalimaadka la isticmaalayo marka hore ninka xafiiska joogaa waa inuu ka fiirsado, waxa xaaraan ah in xisbiga Kulmiye uu maalinta khamiista iyo Jimcaha uu qabsado xaflad waa xaaraan, maxaa xaaraan ka dhigay?anagu waxaan shrcigu noo ogolaan samayn mayno wixii sharcigu ogol yahayna waan samaynaynaa, cidna uma jeedno cidna kuma dhibayno laakiin xuquuqdayda waanu ku camal falaynaa oo waanu samaynaynaa” Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada C/casiis Maxamed Samaale, oo halkaas khudbad ka jeediyay, ayaa waxa ka mid ahaa hadalkiisa “ Qur’aanka Kariimku qofka bani’aadmiga ah wuu nooleeyaa, qofku markuu Ilaahay ku xidhan yahay ee diintiisa uu ku xidhan yahay ee dadnimadiisa u ku xidhan yahay samawaadku ku xidhan yahay markaa cid dhulka joogtaa waxba ma yeeli karto waayo awooda ugu saraysa Kownkan Ilaahay baa leh markaa qofka Ilaahay isku xidha Ilaahayow qofka yidhaahda cid ka awood badani ma jirto” “ anigu inaan kaambaynkii siyaasada galo wakhtigeedaan la sugayaa laakiin degaankan iyo gobolkan iyo magaaladan oo asal ahaan aan kasoo jeedo waxaan u imid inaan kelmed xaqa halkaa ka idhaahdo” “walaalayaal dadka munaafaqinta ah ama qofka bani’aadamka ah ee mararka qaakood isagoo muslim ah iimaankiisa uu qish ku jiro ee been ummada u sheegaya sifaadkiisa Ilaahay ka waramaa, sifaadkiisana been joogta ah baa ka mid ah qofka iimaanka lihi beenaale maaha balankiisa kama baxo. Xadiiska Rasuulka (SCW), calaamada munaafaqiintu waxa weeye buu yidhi Rasuulku waa nin marka u war sheegayo beenaale ah oo been sheegaya, Ilaahay baynu ka magan galay, waa mid marka uu balanqaado balankiisu been yahay oo uu jaban yahay, haddii la aamino oo xil loo dhiibana wuu khayaameeya ummada, anaigu markaan xadiiskaa ka waramaya waa hebel iyo xisbi hebel odhan maayo laakiin ummadu iyada la rabaa xadiisku wax buu qaadaya ummad buu tilmaamaya ashkhaas buu tilmaamaya ummadu iyadaa siday dooonto u macnaysan laakiin anigu shaqsi kama hadlayo. Hadraawi ayaa beri waxa la yidhi, Hadraawi markaad gabyayso gabaygaagu dawladad wax ka sheegtaa hada gabayga Hadraawina dawladi iyo shaqsigii ma soo qaadayo, markaasa wuxuu yidhi., anigu cid kama hadlee laakiin dadku iyagaa siday doonayaan u macnaysta buu yidhi, Runta waxa aad u diida qofku markuu maamul iyo talo intii hayo waxa uu hayana uu been ka sheegayo” Sidoo kale waxa isu soo baxaad ka hadlay Dr. Axmed Ibaahim Obolos ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka ka taagan wakhtigan dalka sida Dhaqaalaha Xumada, iyo wadooyinka, Biyo la’aanta iyo caafimaadka, waxaanu ku eedeeyey xukuumadda inay ku guuldaraystay inay waxa ka qabato baahinaya aasaasiga ah ee bulshada u baahan tahay. Dr. Obolos waxa uu u jeediyey inay dadweynaha reer Gebilay u diyaar garoobaan isbedel sidii ay u samayn lahaayeen isla markaa ugu codayn lahaayeen Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye. Dhinaca kale waxa iyagu xafladaasi Dhoolatuska ahayd hadalo kala duwan oo la xidhiidha xaalada dalka iyo Gobolka Gebilay, ka jeediyey Guddoomiyaha Olalaha Gobolada Galbeedka ee Xisbiga Kulmiye Baashe Cabdi Gaboobe, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gebilay,kuwaasoo dhamaantood sheegay in loo baahan yahay inuu dalka ka dhaco isbedel dadku u baahan yahay iyo halkaasi eedeeymo kala duwan uga soo jeediyey Xukuumadda iyo Xisbigeeda UDUB oo ay sheegeen inay ku Guul daraysteen inay waxa ka qabtaan xilkii ay ummada u dooratay. |