Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2322

April 11,2010                                                               Rabi Al-Thani 26,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Taarikhdii SNM Iyo Mucjisooyinkeedii Guusha

Yusuf X.Maxamed Mire (Qurbaawi)

Mujaahidiinta sawirkoodu ka muuqdo halkan waxay ka mid ahaayeen haldoorkii SNM sidii aynu soo sheegnay dilkooda laga soo maleegay Taliskii Siyaad Barre.

Geerida mujaahidiintaas oo xili isku dhawdhaw fushay 1987 ilaa 1988, marka laga reebo Maxamed Mooge Liibaan oo la dilay 1984-kii.

Bal aynu ogaano midba sida uu u go’ay.

  1. Cabdilqaadir Koosaar waxa si badheedh ah loogu toogtay Saldhigii Koonfureed ee Mustaxeel 1987-kii. Cabdilqaadir waxa uu ahaa guddoomiyihii saddexaad ee ururka xoraynta Soomaaliyeed ee SNM 1983 ilaa 1984-kii.

  2. Aadan Sheekh Maxamed waxa uu ahaa guddoomiye ku xigeenkii ururka SNM 1983-1984, Wasiirkii Gaashaan dhiga 1984-1985, waxa lagu dilay magaalada Jigjiga isaga iyo Mujaahid kale oo la odhan jiray Macalin Siyaad 1987.

  3. Mahdi Cali Faarax waxa uu u dhintay Beerka isaga oo tuhun uun lagu qabay in si uun beerkiisa wax loo gaadhsiiyey, waxa uu ahaa taliyihii xarunta tababarka guud ee Awaare 1984-1986, halkaas oo ahayd warshadii ciidamadu ka soo bixi jirtay.

  4. Ibaraahim Ismaaciil Koodbuur waxa uu ahaa taliyihii hawlgalkii Birjeex 1983, noqdayna abaanduulihii ururka xoraynta ee SNM 1984-1985, waxa uu u dhintay xanuun halis ah oo beerka kaga soo booday, taas oo uu ka dhashay tuhun in la sumeeyey.

  5. Mujaahid Yaasiin oo halkan aynaan sawirkiisa ku haynin waxa uu ahaa tababarihii miinada ee ururka xoraynta, waxa lagu dilay tuulada Qabri Bayax halkaas oo gudun qoorta lagaga gooyey.

  6. Maxamed Mooge waa haldoorkii fanka soomaaliyeed iyo macalinba halgankana waxa uu u ahaa muraayad lagu soo hirto, waxa uu si kama’a ah ugu dhaawacmay xarunta tababarka aware 1987-kii. Waxa hor loogu waayey warqadii fasaxa ahayd ee jidka Awaare iyo Dhagaxbuur lagu marin lahaa, habeenkaas oo uu magaalada Awaare lagu bariyey ayaa cadawgu dhabo gal uga galeen goob u dhaxaysa Awaare iyo Dhagaxbuur, gaadhida lagu qaaday oo ahayd gawaadhidii shacabka lagala wareegay, gaadhigaas oo lagu magacaabi jiray Xaawa iyo Aadan ayaa dhagaxbuur lagu qaaday isaga oo ay sideen mujaahidiin iyo saraakiil kale oo ay ka mid ahaayeen Aadan Ali Guhaad, Geel-qaad iyo Daauud.