Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2325 |
April 14,2010 Rabi Al-Thani 29,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Obama Oo Ka Digay In Nuclear-Ku U Gacan Galo Argagixisada Washington, April 14, 2010-(W.Wararka)-Kaddib markii uu shalay soo gaba gabeeyay shirkii toddobaabkan magaalada Washington uga socday afartan dal oo intooda badani haystaan hubka Nuclear-ka ayaa Madaxwayne Obamaha Wadanka Maraykanku waxa uu ka digay khatarta ka dhalan karta haddii hubka Nuclear-ku gacanta u galo kooxaha argagixisada ah. Madaxwayne Obama ayaa shirka Lagaga hadlayo Amaanka Hubka Nuclierka kula hadlay 40 wadan oo ka mid ah kuwa haysta Nuclearka iyo qaar la tuhunsan yahay inay qarsanayaan Nuclear-ka. Obama oo ka hadlayay shirka ayaa Waxa uu yidhi” Ururadda Sidda Alqaacidda kama habranayaan inay isticmaalaan hubka nuclierka. Sidoo Kale Koonfurta Kuuriya iyo Iran-na way isticmaalayaan.” Shirwaynahan waxa lagu marti qaaday laba dal oo Lagu tuhunsanyahay Horumarinta Quwadda Hubka Nuclierka. Labaddan dal waxa uu Maraykanku u arkay inay Carqaladaynayaan heshiiska aan dhidibadda adag ku taagnayn ee Hubka Nuclierka. Obama waxa uu shalay la kulmay madaxweynaha Shiinaha Hu Jintao, taas oo labada madaxweyne ka wada hadleen siddii dalka Iran loo saari lahaa cadaadis weyn si ay uga joogsato horumarinta hubka Nuclear-ka, waxana la sheegay inay labada nin isku afgarteen in talaabo laga qaado Iran. Dhanka kale, Liiska Wadamadda La Martiqaaday waxa laga reebay Wadanka Suuriya, Oo Maraykanku aaminsan yahay inay leedahay hami ay ku horumariso hubka Nuclierka. Hase ahaatee, hogaamiyeyaasha wadamadda leh Nuclierka sidda, Hindiya, Paskistan iyo Shiinaha ayaa ku jira ka qaybgalayaasha shirkii ugu waynaa ee hogaamiyeyaasha caalamku ku yimaadan caasimadda Maraykanka Qarniyo. Inkasta Oo Su’aasha ah, Maxaa laga yeelaya Quwadda Hubka Nuclierka ee Iran, aanay ku jirin Agendaha Shirka, Waxay qaybka noqondoontaa dood kasta oo laga furo shirka. Madaxwayne Obama oo Markale ku celiyay khatarta Hubka Nuclierka Oo gacanta u gala Kooxaha argagixisadda ah ayaa yidhi” Khatarta Ugu wayn Amaanka Maraykanka, Mid dhaw, Mid dhexe iyo mid fogba waa in Hubka Nuclierku gacanta u galo kooxa Aragagixisadda ah.” Waxa kale oo uu sheegay Obama, in haddii ay gacanta ku dhigaan hubkan kooxahaasi, khatartu Maraykanka iyo aduunkoo dhanba saamayn doonto” Madaxwayne Obama ayaa Koonfur Afrika Ku Amaanay inay noqotay wadankii Ugu horeeyay ee ka tanaasula samaysiga hubkan khatarta ah. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa” Koonfur Afrika waxay sharaf ku mudatay ka tanaasulka barnaamijkeedii hubka nuclierka ee ay ka tanaasushay sanadihii 1990-naddii, sidaasna ay mudantahay ku dayasho. Waxaana Mahad iska leh Madaxwayne Jacob Zuma ” Dhanka kale, Dawladda Israil, waxa matalaya kuxigeenka Raiisal wasaaraha. Waxaana la sheegay in ay ka war warsantahay in dalalka Turkiga iyo Masar ay madasha ugaga faaidaystaan inay Soo bandhigaan Arimo la xidhiidha Quwadda Nuclierka ee Israil. Wadamada Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa ogolaaday in cadaadis la saaro Iran si ay u joojiso tayaynta Nuclear-keeda hase ahaatee Ruushka ayaa iyagu ka dhago adeygay arrintaasi. Khamiistii Todobaadkii hore, Madaxwayne Obama iyo Madaxwaynaha Ruushka Dmitry Medvedev, ayaa kala saxeexday heshiis lagu dhimayo hubka Nuclierka, Ilaa 1,550 gantaal. Ugu danbayntii Madaxwayne Obama ayaa bilowgii todobaadka saxeexay siyaasad cusub oo uu u dajiyay Quwadda Nuclierka ee Maraykanka. Taas Oo Sheegaysay in la yareeyo hubka Nuclierka, La Joojiyo tijaabooyinka Nuclierka iyo in Aan loo isticmaalin Nuclierka wadamadda aan haysan. |