Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2266 | February 03, 2010 Safar 18,1431 H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Qaraxyada Laascaanood Ku Tilmaamay Qorshe Argagixisadu Ugu Tababaranayaan Weeraro Ay La Maagan Yihiin Magaalooyinka Waawayn Ee Somaliland Waxa Uu Beesha Caalamka Ku Dhaliilay Inay Somaliland Kala Masuugeen Qaybtii Ay Ku Lahayd Tababarada Iyo Hubka Ay Siiyaan Xukuumada Shariif Taliyaha Ciidamada Qaranka Nuux Taani Hargeysa, February 3, 2010 (Haatuf) – Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland General. Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in qaraxyada ay argagixisadu ka wado Laascaanood qorshe ay ugu tababaranayaan weeraro argagixiso oo ay la maagan yihiin magaalooyinka waawayn ee Somaliland. Waxa kale oo uu Taliyaha ciidanka qaranku ku dhaliilay beesha caalamka in Somaliland kala masuugeen qaybtii ay ku lahayd taageerada tababarada iyo hubka ay siiyaan xukuumada TFG ee Sh. Shariif Sh. Axmed ee lagu bixiyo magaca somalida. General Nuux Ismaaciil Taani waxa uu ku tilmaamay mawqifka beesha caalamka ee ku saabsan hagrashada mid cadaalad daro ah oo aan tixgalin siinin qaybtii ay ku lahayd Somaliland taageerada ay u fidiyaan xukuumada TFG-ga. Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani oo qaar ka mid ah warfidiyeenada shalay ugu waramayey xarunta taliska guud ee ciidamada qaranka oo lagu xusayey aasaaska 16 guuradii ka soo wareegtay xiligii ciidamada qaranka dhidibada loo taagay oo ku beegnayd munaasibadeedu 2 February 2010-ka, waxa kale oo uu sheegay in darajadii kala saraynta ciidamadu ay soo dhamaystireen kuna gudo jiraan qaabkii saraakiisha ciidanka loogu qiimayn lahaa. General Taani oo ka hadlaya guulaha ay ciidamada qaranku gaadheen munaasibada 16 guurada waxa uu yidhi “sanad guuradii 16-aad waxaanu ku xusnaa anaga oo marka hore arimihii xadkayaga meel dheer oo fiican ka gaadhnay, anagoo tababaro badan oo noocyo kala duwana ay noo soo dhamaysteen saraakiishi aanu u dirnay iyo anagoo dhismooyin badan ciidankii u samaynay, xerooyinka ciidanka iyo meelo badan oo kale” mar la waydiiyey General Nuux Ismaaciil Taani darajada ciidamada iyo dhismaha maamulka ciidamada waxa uu yidhi “horta marka hore waanu dhamaynay qaabkii darajooyinka loo qaadan lahaa way dhantahay mudaana laga shaqaynayey darajooyinkana waxa lagu bixiyaa koox koox oo taa waanu dhamaynay, laakiin qaabkaa sidii loo buuxin lahaa waanagaa wadna tababaradii saraakiisha si heerka loo gaadho, markay tababaradaasi soo dhamaadaana waa la bixindoona darajooyinka” Mar la waydiiyey General Nuux Ismaaciil Taani saraakiisha tababarada ku soo qaatay dalka dibadiisa waxa uu yidhi “walaahi way fiican tahay oo kuwii wadanka usoo halgamaya (mujaahidiinti SNM) oo iyaguna tababaro soo qaatay oo in woxoo dhan mar la wada siiyo loo baahan yahay, in yar oo ardaydii aan u dirnay koorsooyinka uun maahe, ragii wadanka usoo halgamay oo qaarkood hada tababar ku maqan yihiin, qaarkoodna ka soo noqdeen in mar la wada siiyo ayaa mihiima” Generaalku mar uu ka hadlayey oo la waydiiyey taageerada beesha caalamku ay siiso dawlada TFG ee Sh. Shariif ee iskugu jirta tababarada iyo saanadaha hubka waxa uu yidhi “horta marka hore tababarka waxay ku qaataan magacii somaliya oo waxa la siinayo inaguba waxbaynu ku lahayn inaga oo Somaliland ah waana xaqdaro beesha caalamku inaga galayso, waayo markay siinayaan inaga ayaaba nabad galyo haysana oo in wax laynoo qabto inagaa istaahilna markaa taasi waa xaqdaro ay beesha caalamku galayso” Generalku mar uu ka hadlayey in beesha caalamka ay kala xidhiidheen sidii ay Somaliland mucaano ugu fidin lahaayeen waxa uu yidhi “waan u sheegnay oo waan la xidhiidhnaa qoloda u qaabilsan milatariga in xaqdaro tahay in naloo qaybiyey wixii magaca somaliya lagu bixiyey waanu sheegnaa oo garbay u arkaan laakiinse wali wax nagamay soo gaadhin” Generalku isagoo ka hadlaya qaraxyada isdaba jooga ah ee baryahan danbe ka socda xaruunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood waxa uu yidhi “Dadka reer Laascaanood waa dad wanaagsan laakiin waxa jira dad fidmo wadayaal ah oo waad ogtahay markii hore xamar bay ahayd, Puntland baa lagu soo danbeeyey dabadeedna ilaa Sool bay soo gaadhay qaraxyaduna waa kuwa aduunka ka dhaca, Ciraaq, Bakistan, Yemen Ethiopia-na waa kuwii dhawr jeer ka dhacay, markaa fidmo wadayaalka tuugta ah ee qaraxyada samaynaya ee magaca diinta ku adeegsanaya meel kastaba way joogaan waana kuwaas uun, waxaanan leeyahay Tuug kula jooga tabtaa ma waayo ayaa la yidhi, nin xun oo kula jooga oo Tuug ahi wuxuu sameeyo ma waayayo waana lagu daba jiraa, kolay Tuug inkastaba ha baxsadee waa kii la qabto markaa waa lagu daba jiraa raadad badanina way jiraan, waana la wadaa baadhitaankii” General Nuux Ismaaciil Taani mar la waydiiyey halka uu marayo baadhista falkii qaraxyada ahaa ee lagu dilay taliyihii qayb 12 aad marxuum Cismaan Yuusuf Nuur waxa uu yidhi “Arintaa waxa u xidhan 14 qof oo gudidii loo saaray ay kiisas ku soo oogayaan, maxkamadiina waa la mudeeyey markaa wixii kiiska lagu helana waa lagu qaadi, wixii aan lagu helina waa la sii dayn, laakiinse kiiska waa la baadhay waana la mudeeyey waana la qaadayaa” Sidoo kale waxa iyaguna hambalyo u diray dhamaan ciidamada qaranka Somaliland iyo xaasaskoodaba taliyayaashi hore ee ciidanka qaranka Ismaaciil Maxamed Cismaan (ismaaciil shaqale), iyo Cabdi samad X. C/laahi “anagoo ah taliyayaashi hore ee ciidamada qaranka, munaasibada sanad guurada 16 aad ee ciidamka qaranka waxaanu hanbalyo u diraynaa dhamaan ciidanka qaranka, taliyaha ciidanka qaranka General Nuux Ismaaciil Taani iyo dhamaan saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo askarta ciidanka qaranka Ilaahayna waxaan uga baryeynaa bishaa bisheeda maalinta maalinteeda nabad qab iyo horumar inay ku gaadhaan” Dhinaca kale munaasibada sanad guurada 16 aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidamada qaranka Somaliland oo lagu qabtay shalay xarunta taliska guud ee ciidamada ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale, wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Maxamed Axmed Filanwa,taliyaha ciidanka booliska General Maxamed Saqad dubad, xildhibaano, jananadii hore ee ciidamka qaranka Ismaaciil Maxamed Cismaan (ismaaciil shaqale), Cabdi samad X. C/laahi, saraakiisha ciidamada qaranka, u qaybsamaha arimaha milatariga ee Ethopia Somaliland u jooga marti sharaf iyo dadwayne farabadan. Fanaaniinta qaranka ayaa iyaguna xuska munaasibada sanad guurada 16 aad ee ciidanka qaranka ku soo bandhigay ruwaayad ka turjumaysay qiimaha uu dalka u leeyahay ciidanka qaranku iyo rukunka uu kaga jiro haykalka dawladnimo . |