Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2338

April 29,2010                                                              Jumaada Al-Awal 15,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Iska key Illow !

(Qiso Jaceyl Oo Dhab Ah)

Horseedin, aniga kaliya ha igu koobnaato nolshan qaraarka badan iyo mugdiga". hadii ay intaa i tiri, ayaan markeygii hadalka qaatay, waxaan ku iri "haye, ma sheekadii niyad jabka ayaad bilowday, soo kuma oran waxaas iska ilow, si kastaba ogow in hadaan ku waayo xitaaa nolosha mugdiga ah aan seegi doono, oo aan adduunka isaga tagi doono, ee Istar ma gacan qabatay mise?", "maya aboowe saas ha sameyn" ayay hadana i tiri, ayada oo sii raacineysa "inaad i fahamto isku day, waxaan kaa fogeynayaa nolol dhib badan, waayo waxaad tahay qof igu dheer kuumana rabo rafaad inaad cimragaaga ku dhameysato".

Runtii in badan ayay isku dayday, inaan iska ilaawo jaceylka aan u hayay, waan dareemi karay inay iyaba i danayn lahayd, balse ay is leedahay wiilka dhib ha u horseedin, kama aanan yelein'e, waxaan hadana ku iri "Nolsha dhibka badan waxay ii bilaaban doontaa marka aad adiga i deyriso, ee i gacan qabo, markaas ayaan labadeenaba farxad deris la noqon karnaa'e", intaa kadib ayaa ayada oo dhulka hoos u eegeysa misna xishood uu ka muuqdo ay igu tiri..........

………Waxaan hadana ku iri "Nolsha dhibka badan waxay ii bilaaban doontaa marka aad adiga i deyriso, ee i gacan qabo, markaas ayaan labadeenaba farxad deris la noqon karnaa'e", intaa kadib ayaa ayada oo hoos madaxa u raaricineysa, misna xishood uu ka muuqdo ay igu tiri " waa yahay waxba kama qabo, hadday noloshaada aniga igu xiran tahay, diyaar ayaan kuu ahay, waadna i heleysaa", intaa hadii ay afka kasii qaadeysay, ayaan ku booday oo labad dhaban ka dhunkaday, "waad mahad san tahay" ayaana ku iri, iyana "adaa mudan" ayay iigu war celisay.

Aniga farxadii ayaa iga badatay, waxaana garan waayay meel aan is geeyo, guushii nolosheyda, ayaa halkaasi ka bilaabatay. Habeenkaasi waxa uu ahaa kii iigu farxadda badnaa 24-ka sano ee aa waqtigaasi dunida saarnaa, anoo aad ugu mahad celinaya misna ka ballan qaadaya inaan faraxad ku nooleysiiyo inta aan awoodo, ayaan kasoo tagay, waxaana wixii marekaa ka dambeeyay aan lasoo dhigtay ballan toddobaadkii laba goor ah.

Waxaa halkaasi igaga bilowday nolol cusub. Habeenkaasi aniga oo faraxsan ayaan gurigeyga isaga soo laabtay. Gurigeena oo dhan waa laga dareemay farxadeeda iyo in wax cusub ay igu soo kordheen. Aabahay oo ahaa nin kaftan badan ayaa igu yiri " Haye, kaabe, caawa aad baad u faraxsan tahay, ma gabadhii aan sodoga u noqon lahaa, ayaad soo heshay", intaan qosol yar dhakac ka siiyay ayaan ku iri "hadaan soo helo qofka ugu horeeya ee la barayo waa adiga". Intaa hadii ay sheeko inoo mareyso, ayaan ka tagay oo aan iska seexday.

Subaxii xigay Jimce ayay ahayd oo shaqo ma aan lahayn'e, waxaan ka toosay tobanka subaxnimo iyo daqiiqado, markaas ayaan banaanka guriga darjiin ku yaala iska fariistay. Cabbaar hadaan fadhiyay, ayaa waxaa ii timi Deeqa, oo ahayd gabadha ka yar Hani, inta ay dhinac isaga key sikisay ayay salka dhigatay, markaasay war igaga bilowda "Hambalyo", "oo maxaad iguga hambalyeyneysaa" baan ku iri, inta ay qososhay, ayay hadana i tiri "Xamzow, adan waxaan kugu nacay is dabaaliska aan meel jirin".

Runtii hadaladeeda ayaan ku weeraray, iyo waxa ay hambalyadan baas ula jeedo, markaasaan aniga oo waxooga is xanaajinaya ku iri " Deeqa, adiga kaftanka inta iga dhaaftid, waxba ma ogi'e ee wax ii sheeg, hadii kale iska key daa". Intaa kadib ayay warka ay qar qarsaneysay daaha ka rogtay, ayada oo i dhaheysa, "Aabe iyo Hani xalay way sheekeysteen guurkana waa ay isla meel dhigeeen".

 Xaqiiqdiii erayadaas aad ayaan uga naxay, durbana waan dareemay in guurka uu yahay mid ani iyo Hani un loola jeedo, balse maan dareensiin Deeqa, waxaana ku iri anoo warka nuxurkiisa ka raaidnaya "Haye maxay is yiraahdeen?".markaa kadib ayay Deeqa Sheeko ii bilowday, ayada oo oraneysa "xalay, markii aan cashada cunnay kadib ayaa aabe u yeeray Hani, waxa uuna ku dhahay (gabadheydiiyee sida aad la socoto, waad weynaatay'e, waxaana rabaa inaan arko caruurtii ugu horeysay oo aan awoowe u noqdo ee maad guursatid),.

Lasoco…….