Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2338 |
April 29,2010 Jumaada Al-Awal 15,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Tirada Ciidamada Amisom Ee Ku Dhaawacmay Weerarkii Isqarxinta Ahaa Oo Sii Korodhay Iyo Uganda Oo Ka Hadashay Kampala, April 29, 2010-(Haatuf)- Afhayeen u hadlay ciidamada milatariga ee dalka Uganda oo lagu magacaabo Kornayl Felix Kulayigye oo warbaahinta kula hadlay caasimada dalkaa ee Kampala.ayaa ka dhawaajiyay in Shan askari oo u dhashay dalkiisa oo ka tirsan ciidamada AMISOM ay ku dhaawacmeen weerarkii shalay lala beegsaday saldhiga ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Af-hayeenku waxa kale oo ka sanqadhiyay in ciidamada dalka Uganda ee ka tirsan AMISOM ee ku sugnaa saldhiga qaraxa lala beegsaday ay qudha ka jareen saddexdii nin ee fulineysay weerarka is qarxinta ah oo uu sheegay in ay ka tirsanayeen ururka Al Shabaab oo isku dayayay waa sida uu hadalka u dhigaye in ay xoog ku soo galiyaan xerada ciidamada AMISO, baabuurka ay wateen oo ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa. Afhayeenku waxa uu xaqiijiyay in askartaa ku dhaawacantay weerarkaasi hada lagu dawaynayo cusbitaal ku yaala caasimada Kampala, isaga oo afhayeenku xusay in aanay jirin wax askar ah oo kaga dhimatay weerarkaa ismiidaaminta ah. Si kastaba ha ahaatee, tiraba 37 Askari oo ka tirsan Amisom oo 17 ka mid ahi ay u dhasheen dalka Uganda ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha dalka Soomaaliya, tan iyo intii ay ciidamadaasi soo galeen magaalada Muqdisho bishii March ee sanadkii 2007dii. |