Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2346 |
May 09,2010 Jumaada Al-Awal 24,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Heshiisyada Uu Madaxweynuhu Soo Galaa Waa Kuwo Isaga U Gaara Safaradiisuna Waa Tamashle, Dadkii UDUB Doortay 7 Sano Ka Hor Ayaa Ka Markhaati Furaya Inay Ku Hungoobeen” Hargeysa May 10, 2010 (Haatuf) - Guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa naqdiyey socdaalada Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ugu baxo dibadaha, kuna sheegay inay yihiin safaro tamashle ah, isla markaana dano-gaar ah uu dalka kaga maqan yahay. Waxa kale oo uu guddoomiye ku xigeenka KULMIYE Muuse Biixi intaa ku daray in xukuumadda Rayaale ay caadaysatay heshiisyo xaaraan ah oo ay la gasho shirkaddo iyo Company-yo shisheeye, kuwaas uu ku tilmaamay heshiisyo sharci daro ah oo aan marnaba Baarlamaanka la horgaynin si loo ansixiyo. Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sidaa ku sheegay shir jaara’id oo uu shalay ku qabtay xarunta Kulmiye ee magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda hadda talada haysaa ay neceb tahay ehelka dadkii halgamaaga ahaa ee ka qayb qaatay xorayntiisii dalkan. Sodoo kale Muuse Biixi waxa uu tilmaamay in dadkii UDUB doortay ay ka markhaati kacayaan sidda ay ugu hingoobeen, waxaanu Kulmiye ahaan rajo weyn ka muujiyey doorashada Madaxtooyada. Ugu horayna giddoomiye ku xigeenka Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo shirkaas jaraa’id ka akhriyey qoraal isaga oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan:- Walaalayaal, waxaanu halkan ka soo gudbinaynaa dhawr qodob oo ka soo baxay wada tashi hoggaanka Xisbigu lahaa maalmahan u dambeeyey, kuwaas oo kala ah: Isu Diyaarinta Doorashooyinka Madaxtooyada Ee Bisha June Loo Muddeeyey. Safarka Madaxweynaha. Tabashooyinka Xisbiga Kulmiye Ka Tirsanaayo Xisbiga Udub Iyo Xukuumadda Isku Milmay. Talo Soo Jeedin. Isu Diyaarinta Doorashooyinka Xisbiga KULMIYE isaga oo la jaanqaadaya dareenka shacbiga reer Somaliland, isagoo og in dalku u baahan yahay is-bedel maamul oo khayr leh, isagoo ku qanacsan in is-bedelku ku yimaado hab dimuqraadi ah iyo codbixin, wuxuu ugu baaqayaa Ummadda reer Somaliland inay u diyaargarawdo doorashada soo socota. Xisbiga KULMIYE wuxuu ku boorinayaa in shacbigu qaataan kaadhadhka cusub ee codbixinta ee komishanku soo bandhigayo. Waxaanu codsanaynaa in loo dhabar adaygo hawshaa, in Guddiga Doorashooyinka Qaranka lala shaqeeyo, hawsha loo fududeeyo, in laysu dulqaato iyo in laga fogaado wax kasta oo nabadgelyada carqaladayn kara, isla markaana si wada jir ah looga hor tago cid kasta oo dib u dhac iyo dibindaabyo ku keenaysa geedi socodka doorashada. Xisbiga KULMIYE wuxuu Ummadda Somaliland u balanqaadayaa in uu diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada si nabad ah oo dimuqraadi ah oo waliba dulqaad ku jiro, gacan buuxdana siinayo Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Hay’adaha amniga. Safarka Madaxweynaha Ee Mad-Madowgu Hadheeyey. Walaalayaal Madaxweynuhu muddo sideed sanadood ah ayuu safaro badan oo aan midho yeelan gaalaa bixinaayey. Madaxweynuhu safaradaa kama soo helin ictiraafkii dalkii u baahnaa. Kuma soo gelin heshiisyo dawlado ama hay’ado caalami ah oo dhaqaale u kordhiya dalka. Madaxweynuhu wuxuu in badan inoo sheegi jiray in uu heshiis la soo galay shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay oo dalka ka dhisi doonna warshado, sida kuwii uu dhagax dhigay Berbera duleedkeeda. Walaalayaal, waxa isweydiin mudan sideedaa sanadood ee Madaxweynuhu tamashlaynayey daafaha dunida, maxa faa’iido ah ee la taaban karo ee uu u soo hooyey Ummadda reer Somaliland. Safarkan maanta uu ku maqan yahay wuxuu yaab ku leeyahay isaga oo kaga tagay Wasiirkii qudha ahaa ee Hargeysa ka raacay uu kaga tagay garoonka Dubai, waa arrin curad ah oo la ogaan doono sirta ku qarsoon. Sida dad badani saadaalinayaan, safarkan Madaxweynaha ujeedadiisu ma dhaafsiisna danno isaga u gaar ah iyo shirkado la soo wada faqo. Xisbiga KULMIYE wuxuu si cad ugu sheegayaa cid walba in heshiis Madaxweynuhu ajnebi la soo galo ee aan golaha baarlamaanku ansixin noqon doonin sharci meelmar ah. Tabashada Kulmiye Ee ku Wajahan Xisbiga Udub Iyo Xukuumada Ku Milan Walaalayaal, Sida curfiga dawladnimo yahay ee caalamku ku dhaqmaa, xukuumadi waxay ku fadhidaa aqbalaada mucaaridku ogolaado natiijo doorasho ama heshiis la galay. Doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday 2003-gii, Xisbiga KULMIYE iyo UDUB mid waliba wuxuu helay 41%. Wixii la is-dheeraaday oo sida la sheegay ahaa 80 cod oo doodi ka taagnayd, ayaa Xisbiga KULMIYE isaga oo xeerinaaya xaaladda nugul ee ay ku sugan tahay Somaliland, isagoo xog-ogaal u ah culayskii Ummadda ka soo gaadhay halgankii dib-u-xoreynta dalkan, isaga oo eegaya mustaqbalka da’yarta dalkan curdinka ah, isagoo ilbuuxda ku haya colaadaha ka taagan geeskan Africa, ayaa wuxuu go’aansaday in uu aqbalo in UDUB soo dhisto Xukuumad, isaga oo aan KULMIYE wax shuruud ah ku xidhin. Garashada toolmooni waxay ahayd in Xisbiga UDUB iyo Xukuumadii uu dhisay ay xidhiidh wanaagsan, wada tashi iyo wada shaqayn la yeelato Xisbiyada Qaranka iyo shacbi weynaha. Nasiib daro Xisbiga UDUB iyo Xukuumadii uu dhisay waxay dagaal qaawan oo af iyo addin ah ku soo qaadeen Xisbiga KULMIYE iyo shacbigii Somaliland. Walaalayaal, waxaad markhaati ka ahaydeen weerarkii hubaysnaa ee Xukuumaddu ku soo qaaday Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE, iyada oo ay joogaan Madaxda Xisbigu, waa ka daawateen TV-yada iyada oo tiknikadu ku dhex cartamayso Xarunta Xisbiga KULMIYE. Ummadda reer Somaliland waxay u soo taagnayd Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo boolisku rasaas huwiyey isaga oo lugaynaya jidka weyn ee mara badhtamaha magaalada hargeysa, waxa marag ma doon ah in askarigii guddoomiyaha rasaasta la beegsaday si toos ah xukuumada qaar ka mid ahi u soo amreen, sida uu ku faanayey Wasiirkii dhacdadaa ay ka waraystay BBC-du isla maalintaas. Walaalayaal, waxaynu wada ognahay in hantidii Qaranka, haday dhaqaale tahay, haday warbaahinta Qaranka tahay, haday awoodihii Xafiis iyo ciidanba tahay in Xisbiga UDUB si gaar ah loogu adeegayo. Warbaahinta Qaranka ee Xukuumadu gacanta ku haysaa umma adeegaan UDUB oo keliya ee waxay baahiyaan fidno abuur sidii warbaahintii Rwanda iyo Bosnia markii ay ka soo hurayeen dagaaladu "Afku wuxuu la xoog yahay magliga xawda kaa jara". Walaalayaal balaayadu waxay ka dhacdaa qof gardaran oo cid joog tidhaahda la waayey, Radio Hargeysa iyo TV-ga qaranka wixii ka baxaayey sanadihii u dambeeyey waxaynu kaga badbaadnay dulqaadka shacbiga iyo bisaylka Xisbiyada mucaaridka ah. Walaalayaal, Soomaalidu waxay tidhaahdaa mayd maxaa ugu dambeeyey iyo kaa la sii sidaye 5 bisha May, 2010 Radio Hargeysa wuxuu baahiyey war dhiilo iyo argagax leh oo uu ku sheegay in Madaxda Qaranka qaar ka mid ahi ay gacansaar la leeyihiin Al-shabaab, hadda ogow muwaadin xukuumadu hore ayey inoogu sheegtay in Al-shabaab ay tahay cadawgii qarxiyey Qasriga Madaxtooyada, Xafiiska UNDP iyo Xafiiska Ethiopia ee Hargeysa. Haddaba miyaanay laf jab Ummada ku ahayd in madaxda Qaran ee ay ka mid yihiin C/casiis Maxamed Samaale, Dr. Maxamed Cabdi Gaboos iyo Maxamed Xaashi Cilmi in lagu tilmaamo cadawga Somaliland. Bangiga Qaranka Somaliland wuxuu caadeystay ku tagri falka hantida Ummadda iyo ugu ololeynta Xisbiga UDUB lacagtii Ummaddu ku aamintay. Todobaadkii u dambeeyey Xisbiga UDUB wuxuu weerar abaabulan ku soo qaaday Xafiisyada KULMIYE ee Burco iyo Ceerigaabo, taas oo keentay dhimasho iyo dhaawacba, marka hore waxaan u diraynaa tacsi qoyskii ninkii ku dhintay Ceerigaabo, kuwa dhaawaca ahna Eebe caafimaad taam ah siiyo. Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa falalkan is-daba jooga ah ee ay ku kacayso UDUB inay quus ka taagan tahay codkii shacbiga Somaliland. Sidaa darteed ay UDUB carqaladaynayso doorashada soo socota. Talo Soo Jeedin Xisbiga KULMIYE wuxuu kula talinayaa asxaabta Siyaasiga ah in loolanka Siyaasadeed ee Xisbiyadu uu ku ekaado fikrado kala duwan oo shacbiga loo bandhigo iyo doodo danta ummaddu ku jirto. Kulmiye isaga oo ka duulaya mabda’a dimuqraadiyada iyo dood wadaaga, wuxuu u dhabar adaygi doonaa gardarooyinka ka imanaya UDUB intii suurtagal ah si loo gaadho danta guud. Xisbiga KULMIYE wuxuu u taagan yahay doorasho iyo nabad, wuxuu ka soo horjeedaa fidno, afxumo iyo wax kasta oo carqaladayn kara doorashooyinka. Xisbiga KULMIYE, wuxuu wada shaqayn fiican la leeyahay Guddiga doorashooyinka Qaranka, waana sii adkaynayaa wada shaqayntaas. Kulmiye wuxuu ka codsanayaa KDQ inay ku dhiiradaan waajobkooda qaran ee ah kala hagida axsaabta iyo fulinta Xeerkii anshaxa. Xisbiga KULMIYE, waxa uu shacbiga ka codsanayaa inay codkooda si nabad ah ugu hiiliyaan horumarka dalka iyo mustaqal ka fiican halka aynu manta joogno, muwaadin ogow codkaaga wuxuu dhisi karaa Qaran horumara, muwaadin u dulqaado hawlaha doorashooyinka iyo codbixinta, u dhabar adayg wixii gef ah kaaga yimaada cid qaldan si aynu u gaadhno doorasho khayr leh oo nabad ku qabsoonta." Ugu danbayn waxaan idiin sheegayaa in hogaankii wacyi galinta ee ciidanka booliiska Somaliland Mujaahid (Kaneeco) wuu xanuunsanaya oo cusbitaalka ayuu yaalaa shalay warqadii shaqo ka eriga ahayd baa loo keenay iyadoo lagu eedaynayo lagu eedeeyay xisbiga mucaaridka ee Kulmiye ayaad la joogtay fagaaraha beerta xoriyada maalintii UFO la xusayay, taasi waxay ina tusaysaa dadka maanta Somaliland xukumaa halkay ka taagan yihiin halgankii iyo dadkii wadankan u soo halgamay, aad iyo aad baanu uga xunahay in qarankan Somaliland dadka maamulaa ay Mujaahid Kaneeco sidaa ugu abaal gudaan, laakiin waxa garab taagan Kulmiye iyo halganka waday gudo iyo dibadba, waananu garab taaganahay ee u soo duceeya in uu Ilaahay Caafimaad siiyo S: Socdaalka madaxweyne Rayaale ee aad carabaabtay aad ku tilmaantay tamashle, sidanu ka war qabno qodobka 53aad farqadiisa 3aad ee dastuurka somaliland waxa uu tilmaamayaa in golaha wakiilada kala xisaabtamayo u weydiinayo, islamarkaana uu dabagalayo heshiisyada uu soo galo iyo safarada uu tago gudbinteeda, balse tan iyo intii uu madaxweynuhu xukunka hayay idinkuna aad xisbi mucaarid ahaydeen, oo ka hadlayseen in madaxweynuhu safarada uu tagaa ay bar-kuma-taal yihiin, balse aad ilaabaysaan Baarlamaanka iyo ciddii rasmiga u ahayd inay hawshaas galaan taasi iyada maxaad u tilmaami weydeen oo saddexda dhadhaar aad isugu miisaami waydeen, si aanay ugu muuqan dhaliil madaxweyne oo iyaga ku kooban? J: Madaxweynaha iyo heshiisyada uu caalamka lasoo galayo, madaxweynaha waxa waajib ku ah iyo xukuumadu heshiisyada caalamka ee ay soo galaan inay hor geeyaan baarlamaanka si uu u ansixiyo markaas ayuu noqonayaa sharci inaga iyo ciddii lala soo galay ina wada qabta oo go’aan ku ogolaado. Hadaba haddii la soo helo hal heshiis oo xukuumada iyo madaxweynuhu baarlamaanka geeyeen oo baarlamaanku ansixiyeen waa guul Somaliland usoo hoyatay, inta aanu ognahay ma jiro heshiis qudha oo la hor-geeyay Baarlamaanka, sidaa datreed waxa u soo galaa waa Private waa shaqsi. Waa dan gaara maaha mid caam ah, waxaanu cadaynaynaa horena u sheegnay Kulmiye ahaan oo cod dheer iyo cid walba ugu sheegaynaa heshiis kasta oo uu madaxweynuhu aduunka la soo galo oo aan Baarlamaanku ansixinin maaha sharci dalkan ka hirgalaya waayo sharciga waxa hir galiya baarlamaanka, ta kale in badan baad aragteen baarlamaanka isagoo codsanaya in heshiisyada lala galo Caalamka la hor keeno, laakiin waxa ka dhago adagyga golaha fulinta markaa labada hay’adood la simi maayo oo dhadhaarkii Fulinta oo madaxweynuhu kow ka yahay ayaa ka dhago adaygay sharciyadii dalka. S: Waxaad sheegtay in wasiirka boosaha Isgadhsiinta Cali Maxamuud (Sandule) oo ka mid ahaa safarka madaxweynaha uu Faransiiska ku tagay in uu ku hadhay garoonka Dubia, ayna tahay arrin aan hore uga dhicin wadanka, arrintaasi maadaama xisbiga Kulmiye aad adigu gudoomiye ku xigeenkii aad tahay, maxaad ka aaminsan-tahay sababta hadhitaankiisa wasiirka? J: Arrintaa wasiirka boosaha ee lagaga tagay garoonka Dubia, waxa qudha ee aanu u aragnaa inay tahay, waxa la yidhi ninka aad kabaha ka tolanayso kabihiisaa la eegaa, markaa xukuumada talo laga sugayaa in madaxweynaheedii wasiirkii hore Hargeysa uga raacay inuu kaga tagay Dubia, waxaanu u aragnaa inay tahay dawlada kala socota iyo talo kala daadsan, maxay u dhacday iyo maxaa ay tahay sababta looga tagay oo ninkani galabsaday ma hayno, waase su’aal taagan waxaanan jecelahay in qoladiina saxaafadu aad ogaan doontaan oo idinku soo tabin doontaan S: Xisbiga Ucid waxay shalay(doraad) ku soo saaray in aanay raali ka hayn in muraaqibiin xisbiyadu ay leeyihiin ay tagaan goobaha laga qaadanayo kaadhadhka cusub, taa Kulmiye muxuu ka aaminsan yahay? J: Haddii ay Ucid tidhi muraaqibiin in ay tagaan goobaha ma ogolin, anagu go’aanka Ucid ma lihin, anagu waxaanu u tagnay oo aanu qaadanaa komishanka doorashooyinku waxay nagu amraan, GDQ waxay yidhaahdeen xisbiyada waanu u ogolahay haday keensanayaan muraaqibiin goobaha kaadhadhka cusub, anagoo amarkaa raacayna xisbi ahaan oo aan door-bidnay in cid xisbigayaga ah goob joog ka ahaato oo ay noo soo kormeerto inay si fiican u socoto ama ay noo soo tabiso haddii ay arkaan wax ka xumaada intii hadhowto markay dhamaato aanu ka caban lahayn, markaa waxaanu raacaynaa awaamiira guddiga doorashooyinka. S: Kulmiye marar hore ayuu kalsooni ka muujiyey ka muujiyay doorashada hadaladaada inta badan waxa ka muuqday in aad dorashadaas ku guulaysan doontaan, doorashooyinkii deegaanka, madaxtooyada iyo baarlamaanka dhamaantood xisbiga talada haya ee Udub xisbiga Kulmiye wuu kaga adkaaday, rajada maanta aad ka qabtaan inaad ku guulaysataan maxay tahay? J: Waa dhab intaas oo doorasho in natiijadii ay Udub u badnayd, laakiin maanta kalsoonida aanu qabnaa waxa weeye dadkii ku soo hungoobay doorashadii hore oo todoba sano iyo ka hor waxaanu uga digaynay arkay aanu lahayn waar nimankaasi waad ku jabaysaan oo shacbi weynihii Udub doortay ayaa nooga markhaati furay inay ku hungoobeen, sidaa darteed ayaanu kalsooni ku qabnaa. |