Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2370 |
June 06,2010 Jumaada Al-Thaani 23,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Steven Gerrard Oo Noqday Kabtanka Xulka Ingariiska Hogaamin Doona Koobka Aduunka Kabtan kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa loo doortay kabtanka xulka Ingariiska Gerrard aya haatan u hogaamin doona xulka ingiriiska koobka aduunka ee jimcadaha fooda inagu soo haya furmi doona dalka Koonfur Afrika. Kabtanimada Gerrard ee xulka Ingariiska ayaa ka danbeysay ka dib markii uu dhaawacmay Rio Ferdinand oo hore u ahaa kabtanka xulkaa England waxana Ferdinand la xaqiijiyay in aanu ka qeyb geli doonin koobka aduunka madaama dhaawac culusi ka soo gaaray Jilibka. Gerrard ayaa sidoo kale Tababare Capello u qorsheeyay inuu laagi doono rigoorayaasha inta lagu guda jiro koobka aduunka waxana ay arintaasi ka danbeysay ka dib markii Frank Lampard uu cunay labadii rikoodhe ee ugu danbeyey ee loo dhiibay. Sidoo kale Macalinka talyaaniga ayaa u diiday Steven Gerrard inuu la kulmo mas'uuliyiin ka socota kooxda Liverpool si ay uga wada hadlaan dhibaatooyinka kooxda heysata madaama uu tagay tababarihii hore Rafa Benitez. Cappelo ayaa ku andacooday aanu ogolaaneynin in Gerrard iyo Carragher lagu furo dhibaatooyinka heysta kooxda ay u ciyaaraan Liverpool taas oo keeni karta in moraalka ay u hayaan koobka aduunku uu hoos u dhac ku yimaado. Gerrard ayaa markii ugu horeysay fursad u heli doona inuu hogaamiyo dalkiisa. Gerrard oo hada da’diisu cago cagaynaso 30-sano ayaa fursad noocan oo kale ah sugayay waqti badan isagoo ahaa kabtanka labaad, waxana Gerrard laftiisu uu sheegay inuu ka xun yahay dhaawaca soo gaadhay saaxiibkii Ferdinand balse uu ku faraxsan yahay inuu xulkiisa u hogaamiya koobka adduunka. Gerrard oo ku caanbaxay kabatanimda kooxda Liverpool, ayaa lagu tilmaamaa ciyaartoy dadaal badan oo naftiisa u hora magaca kooxdiisa Liverpool iyo xulka ingiriiska ba Gerrard ciyaraha sida weyn loogu xasuusto ayaa waxa kamid ah kulankii Final-ka ahaa ee horyaalka Champion-ka ee dhacay 2005-tii ciyaartaas oo uu qayb libaax ka qaadtay, ugu danbaytiina uu koobkii faraha ka saaray kooxdiisa Liverpool, kadib markii ay qaybtii hore ee ciyaarta ay kooxda Ac Milan isa siisay koobka, ciyaartana ku hogaaminaysay 3-0. |