Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2377

June 14,2010                                                            Jumaada Al-Thaani 31,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Beel Ka Mid Ah Beelaha Gobolka Togdheer Oo Xisbiga Kulmiye Cududoodii Taageero U Muujiyey

Burco, June 14, 2010 (Haatuf) – Beesha reer Biniin oo ka mid ah beelaha deegaanka Gobolka Togdheer gaar ahaan  bariga Burco ayaa sheegay in ay ku biireen Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye isla markaana ka baxeen xisbiyada kale oo ay awal hore kala taageeri jireen.

Beeshan reer Biniin ayaa sidaasi ku sheegay shir Jaraa’id oo ay shalay Cuqaashooda ,Odayaashooda, Waxgaradkooda iyo Xildhibaanadoodu ku qabteen Huteelka City Plaza ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Ugu horayn waxa madasha ka hadlay  Caaqilka guud ee beesha reer Biniin Chief  Caaqil Maxamed Cali Maxamed, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Waxaan maanta halkan ku cadaynayaa aniga oo ku hadlaaya afka beesha Biniin Axmed oo markii hore kala taageeri jiray axsaabta qaranka in aanu maanta ku midawnay in aanu ku biirno Xisbiga Kulmiye kana baxnay xisbiyadii kale .

Khilaaf ayaa jiray reerka u dhexeeyay waananu ka heshiinay shirar aanu yeelanay ,waxaananu ku heshiinay oo aanu xisbiyada kale u sheegaynaa markaanu qiimaynay xaalada wakhtigan waxay beeshu go’aan ku gaadhay in aanu iskugu luga duwano xisbiga Kulmiye “

Caaqil Cawil Cabdi Faarax oo isna ka mid ah cuqaasha beeshan oo isna madasha ka hadlay ayaa yidhi .”Beesha jajab ku saabsan axsaabta qaranka ayaa markii hore soo kala dhexgalay waananu ka heshiinay waxaananu wax la qabnay beelaha kale sidaa awgeed waxaanu isku afgaranay miyi iyo magaalaba in aanu maanta codkayaga siino xisbiga Kulmiye hadaanu nahay beesha Biniin Axmed waayo ? Dalku isbedel ayuu u baahanyahay”

Oday Maxamuud Xasan Muuse oo isna ka mid ah odyaashii shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay awal hore  beeshooda in lagu xaman jiray xisbiga Kulmiye balse ay kala taageeri jireen axsaabta. sidaa darteedna ay maanta cadaynayaan in ay Kulmiye ku biireen isla markaana waxa uu sheegay doorashada in ay ku guulaysanayso cidii uu ilaahay u qoray, balse waxa uu  dadka reer Somaliland usoo jeediyay in ay nabadooda ilaashadaan .

Xil. Baashe Muuse Maxamed oo isna hore u ahaan jiray maayir ku xigeenka Burco kana soo baxay Xisbiga Udub oo xafladaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in uu go’aansaday isaga iyo taageerayaashii beeshiisuba in ay Udub ka baxaan kuna biiraan Kulmiye markii ay saluugeen siyaasada Udub, iyada oo u inta ku daray in Xisbiga maanta waxgaradkii Somaliland isagu tageen u yahay KULMIYE.