Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2380

June 17,2010                                                                                   Rajab05,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

“Waxa Aanu Kuu Sheegayna In Aanay Jireyn Dhab Libaax Danbe Shaanbadiina Kuugu Dhufanay Ee Ku Soo Dhowaw Dadku Waa Kulmiye"

Dr.Gaboose

Oodweyne June 17, 2010 (Haatuf)-Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna musharaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Mujaahid Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo ayaa shalay Gobolka Daadmadheedh xaruntiisa Odweyne si weyn loogu soo dhoweyay, waftigan oo labadii maalmood ee u danbeeyay ku sugnaa magaalda Burco ay shalay uga ambabaxeen magaalada Oodweyne ayaa dadweynaha halkaas ku dhaqani si diiran ugu soo dhaweeyeen, iyada oo loo dhigay Rooga Cas ee soo dhawaynta, islamrkaana Kooxda baamboyda ee ciidanka bilaysku kala qaybqateen soo dhawaynta Muj Axmed Siilaanyo   .

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee gobolka Togdheer Axmed Aadan Yuusuf, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamuud Maxamuud (Siilaanyo) iyo waftiga uu hogaaminayay magaalada Odweyne ay ku sugayeen,Waxana halka loogu sameeyay Casumaad balaadhan oo xoolo badan oo Geel iyo Adhi isagu jira loogu qalay, iyada oo Axmed Siilaanyo meel suuqa dhexdiisa ah loo Goglay Roog Cas oo u ku dul lugeyay kaas oo la dhigay ilaa Guriga loogu talogalay in uu ku nasto iyo masaafo suuqa dhexdiisa ah. Rogaas oo ah ka Madaarada Madaxada lagaga soo dhoweeyo. Waxa sidoo kale arintaa dhinac socday dhalinyaro badan oo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka iyo astaamaha Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ku luqaynayay Heeso soo dhowayn ah, iyaga  oo markay salka dhigeena loo keenay Hadhuubo Caano Geel ah,

Waxana bulshada halka ku dhaqani ay Xisbiga KULMIYE u mujinayaan dareen gaara maadaama oo Gobolku yahay mid ay had iyo goor Wasiirada Hawlaha guud Siciid Sulub Maaliyada Cawil Cali Ducaale ay xooga saaran ayaa doorkan waxa ay u ekayd in reer Oodweyne muujiyeen jawi ay Wasiiradaas ugu quus goynayaan iyada oo Xildhibaanka Xisbiga KULMIYE Gobolka uga soo baxay ee Xildhibaan Maxamed Yuusuf Wabeyo u todobadadii u danbeyay deegaankaas xooga saaray,

waxana ugu horayn halka ka hadlay Odayaal deeganka ah iyo siyaasiyiin deegankaas ka soo jeeda, kuwaas oo Axmed Siilanyo u muUjiyay kalsooni badan waxana ka mid ahaa Siyaasiga Xisbiga Kulmiye ololaha doorashada gobolada bari u qaabilsan Dr Maxamed Cabdi Gaboose, waxana hadaladiisa ka mid ahaa "Gudoomiye waxa aad ku soo dhowaataa Gobolka Daadmadheedh, oo ah Gobol balaadhan sida aad arkaysana dhamaan inta u xukuma sidan oo kale ayay diyaar ku yihiin waxanse ogahay in aan waqtigu inoo samaxayn Gudoomiye waxa aanu kuu sheegayna in aanay jirayn (Dhab Libaax) danbe ee Shanbadiina kugu dhufanay ee waa taas ee ku soo dhowaw dadku waa KULMIYE"

Gudoomiye Axmed Siilanyo oo wajigiisa ay ka muuqato farxad badani oo taageerayaasha soo dhoweyay halkaa kala la hadlay waxa ka mid ahaa hadalkiisa "waxa aanu reer Oodweyne uga mahad celinayna sida weyn ee walaalnimada ah ee aad noo soo dhowaysen. anaga sida ku cad barnaamijka Xisbiga Insha alla hadaanu talada qabano waxa aanu doonayna in aanu dalka ka sameyno isbedel dhinac walba ah waxanu cadaynaynaa in aanu dalka si cadaalad iyo horumar ku jiro u maamulo, gobolkan waxa ka soo jeeda Rag badan oo u dhintay halgankii dalkan waxanu ka shaqayn doona horumarka dalka iyo walaalaynta iyo isku duubnida dadka reer Somaliland,

gobolkan Odweyne waxa jiray mashaariic badan oo xukuumada maantu sheegtay in ay qabanayso, balse beenoobay waxa ka mid ahaa wadada Burco, Odweyne ilaa Hargaysa isku xidha anagu ka been sheegi mayno ee waxbaanu ka qabanaynaa Gobolkani waxa uu hodon ku yahay Xoolaha nool xoolihiina waa la xidhay anagu xidhan mayno ee qofkasta iyo ganacsade kastaba neefkiisa xor buu u ahaan doona, waxa aan idiin sheegaya UDUB markay fashilantay waxa ay meelaha ka tidhaahada KULMIYE haddu soo baxa shaqalaha ayuu eryaya,.taasi waa been shaqaaluhu waa dad muwadiinin ah cid taban karta ma jirto.hadanu talada qabano la arki maayo ciidan danbe oo bilaa darajo ah waxa aanu doonayna in aad codkiina na siisan idina waxa xaq noogu leedihiin in aanu idiin doono"

waxa kale oo halkaas khudbado ka jeediyay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha wakiilada C/casiis Samaale Profosor C/salaan Yaasiin iyo xubno kale.