Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2392 |
July 01,2010 Rajab 19,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Cimri Tegey Ceeb Laguma Sagootiyo Maxamed Cilmi Ma doonayo inaan meel kaga dhaco umadda Somaliland ee sida xaragada iyo gobanimada leh (illayn waa gobe) coodkeeda u dhiibatay iyada oo aanay deero deero hirdiyin. Eesh calaa waddaniyad!! Meel ka dhacu muxuu yahay? Ma doonayo inaan saadaasha iyo ifo-faalaha natiijada doorashada aan ka hadlo oo aan meel kaga dhaco Heshiiskii Hab-dhaqanka “Code of Conduct” ee doorashada ee la wada qaatay lana wada vsaxeexay . Hasa yeeshee waxaan ka hadlayaa tacadiyada iyo xukun qarqoorka weli socda wakhtigan kala guur ah ee hadda lagu jiro. Shaksiyan waa arrin aan aad uga gubtay oo aan u arko xaq-darro iyo arxan-darro dalka iyo dadka quruxda badan lagu hayo. Intaanse taa u gudo gelin aan si kooban u tibaaxo guusha ay Somaliland gaadhay. Ma waxa la arkay doorasho ka dhacday waddan Afrikaan ah oo aan laysku xag-xagan oo aan dhuunta layska lisin? Goob-joogayashii caalamiga ahaa waxay qireen inay doorashadani ahayd mid mucjiso ah oo ka wada fajicisay sida aan laba caliba ku wada hadlin. Tusaale ahaan waxaan soo qaadanayaa tibaax ka soo yeedhay ururka caalamiga ah ee IRI. Ururka IRI waa urur Maraykan ah oo dhidibada loo taagay 1983-kii. Waxa hor-joogayaal ka ah qamaamiir hagta siyaasadaha Maraykanka. Ururkani waxa uu khibrad waafi ah u leeyahay dhidibbo-u-taagidda dimuqraadiyadda isaga oo ka hawla gala tiro ka badan 100 waddan oo caalamka lu yaala. IRI maxay ka tidhi doorashada Somaliland? Waxay yidhaahdeen weligayo hore umaananaan arag arday jamacadeed oo loo tabobaro maamulidda hawlaha doorashooyinka. Ma IRI ayaa dalkan curdinka ah u qirtay guushaa baxadda weyn ee ay dalal tuun weyn oo la ictiraafsan yahay garanna waayeen gaadhina kari waayeen? Maasha’Allah. Ma IRI da Somaliland ka da’da weyn ee ka aqoonyahanka badan ee ka dakhliga badan ayaa Somaliland wax ka baranaysa? Laga barayba lagaa badi. Saddex arrimood ayaan si kooban u faaqidi doonaa oo aan runtii ka adkaysan kari waayay: 1. Dawladda oo mucaaridka ku eedeesay inay codaynta ku shubteen. Waa wax runtii lagu qoslo (haddadan aan maqaalkan qorayo waan ilko-caddaynayaa) oo waxaabaan xausuustay sheekadan . Waxa la yidhi waraabe ayaa nayl yar damaaciyay. Daandaansi ayuu ku bilaabay. Wuxuu ku yidhi: Horta waxaan ku weydiiyay maxaad gugii hore horta ilmahaygii yaraa aad iigaga joogsatay? Nayshiiba tidhi: Maaniga? Oo gugii hore mabaan dhalane oo gugan ayaan dhashayba. Waraabihii ilayn waa nin ujeeddo kale lehe wuxuu ugu jawaabay iska daa haddaa hooydaabay ahyde laakiin dee siku mid baa tihiin. Sidii buu nayshii ku cunay. Waxa la sheegay UDUB oo ku cabanaysa inay mucaaridku ku shubteen. Maana waalan mise Cadanbaa laga heesayaa? Ma waxa adduunka lagu arkay muxaafid ka cawda mucaarid ku shubtay? Waa ugub aan taariikhda lagu haynin mana aha wax caqliga gala. UDUB bay jiib lawn taani, tani kaa marimaysee. 2. Wasiiro lagu xidhay Sanaag oo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay faro-geliyaan hawlaha arrimaha cod-tirinta. Wasiiradu miyaanay ahayn kuwii sharafta badnaa ee ahaa madaxdii maamuuska lahayd? Maxaa isbeddelay? Mar kale maana waalan mise Cadanbaa laga hee? Sidani wasiirnimo maahee waa wadhi-nimo. 3. Xadhigga muwaadiniinta ah biri-ma-gaydada. Munaaqibkii Dr. Ahmed Hashi oo lagu xidhay Hargeisa markuu yur ku yidhi xukuumadda damacday inay wax-is-weydaariso tirinta codadka ee ka socotay Guriga Shaqaalaha. Muxuu galabsaday aan ka hayn inuu difaaco codka oo sida uu xaqu yahay loo tiriyo. Mujaahid Ahmadow odaynimadii aad ka can baxday muujiyoo iska dul-qaado habar dhali weyday aleelo ku waalataye. UDUBay cimri tegey ceeb laguma sagootiyo. Shicbkii Somaliland way hadleen oo way dhawaaqeen si dheer. Xilku waa martee UDUBay macasalaama oo maruun macno yeelo. Ilaahayow danbaabidhada UDUB nooga sahal. Aamiin yaa Allaah. Rafadka xawlaha dhuun-yeedhina ayaa ugu xanuun kulule ee bal haraatidada aan mid kale ka danbayn ka feejignaada. |