Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2403 |
July 14,2010 Sha'ban 02,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Shacabkeenu Way Barteen Sida Siyaasiga Aan Dantooda Wadin Ay Iskaga Qabtaan Oo Codkooda Ayay Ku Ciil Baxayaan” Abwaan C/Raxmaan Abeeswaraysi Khaas Ah:- Hargeysa, July 14, 2010 (Haatuf) – Abwaanka da’ada yar ee reer Somaliland Abwaan C/raxmaan Ibraahin Aadan (Abees) ayaa dhalinyarada dalka ugu digay inay u soo haajiraan dalalka Yurub, taas oo uu ku sababeeyay in dalkooda ay aaminaan, islamarkaana iska ilaaliyaan inay tahriibaan oo ay biimeeyaan naftooda. Abwaan C/raxmaan Ibraahin,waxa uu ugu baaqay xukuumada cusub in aanay marin wadadii dawladii Rayaale oo dhalinyarada aan xil iska saari jirin, Abwaanku waxa uu intaa ku daray in ay xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay si wayn ugu soo jeedsato horumarinta dhalinyarada dalka. Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey oo u sheegay in ay shacbiga reer Somaliland hada ay barteen sida loo badalo hogaanka waxba u qaban waaya. Abwaan C/raxmaan Abees oo aanu shalay galab kula xidhiidhney khadka Telefoonka isaga oo ku sugan magaalada London ee boqortooyada UK oo uu ku nool yahay hada, ayaa sidoo kale ka xog waramay maansooyinka uu ka tiriyey dhibaatooyinka Tahriibta, Arimaha Jacaylka, iyo Jiifto uu uu kula dardaarmayo iguna ducaynayo xukuumada talada ku guulaysatey ee Madaxwaynaha uu ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Intaa ka dib waraysigaas oo dhinacyo badan ka hadlaya ayaa waxa uu u dhacay sidan:- S:Abwaan Abees waad la socotaa inay siyaasada dalku dhamaan is wada dhalan rogtey oo isbedel wayni dhacay, runtii gabayaaguna wuxuu saadaaliyaa mustaqbalka, adigu Abwaan ahaan maxaad ka tirisay xaaladaas, maxaadse ka odhan lahayd? J:Waa runtaa wadanka waxaa ka dhacay is badel, marka laga hadlayo xaga siyaasada, waana guul dhamaan dadka Somaliland ay leeyihiin waanan ugu hambalyaynaya, Anigu Cabdirahman ahaan waxaan ka tiriyey Jiifto yar oo aan dheerayn, taas oo aan kula dardaarmay hogaanka cusub ee la doortay, isla markaana aan ugu ducucaynayo, waxaanay u dhacday Jiiftadani sidan:- Waa diiwan aduunyadu Door-ba wixii yimaadiyo Sooyalka lagu daro Dugsi guuna weeyi Cashar iyo duruusiyo Deris bay dhigtaa mudan Sidaad ugu dadaashee Daacadnimadu kugu tay Darajada u bixisaa Duunyana waxaa u wacan Adigoo dad beertoo Xishmad daa'in abida Daantaad istaagtaba Dagelkeena oo idil Dadku kugu bariidshaan Waxaan uga danleeyahay Adoo diric la jacelyiyo Noqon kara hal-door weyn Hayska dhigin nin daalina Oo dabin ka boodoo Magaciisa laga dido Dadka qaar waxaa jira Dalqadiyo caloosha U dadaabo xidhanoo Kursiguun la darisoo Xilka dabac yaqaane Dufan jacesha haw dagan Waxaan kaaga digayaa Oo iga dardaarana Danyar baad codkoodii Dowlad aad ku noqotee Daadihi dhamantood, Daranyiyo dhib raagtaa Diihal ku reebtee Wixii ay ka dayrsheen Ee yada daraadeed Digo rogosho loo biday Daraad tay ka diireen Maanta yey dareemin Dastuurkiyo habkooda Diinta uga dhig xeerka Waxaan dabuubta kaga baxay Hadalkana ku dayray Duco iyo midh roone Aaminta igu dara Alle dariiqa tooskaa Dawgiisa kugu beeg Daa'inka awoodlee Xilkaad duudka saartay Mid daryeela kaa dhig Xaqu daafacaadiyo Marna dabarka ku noqoy. S: runtii qof kastaa cid ayuu (Role Model) ka dhigtaa ama uu jecel yahay, adigu Abwaanada marka laga hadlayo yaad ku dayataa ama aad jeceshahay? J:Haa waa dhab taasi, Anigu waxaan ku daydaa oo (Role model) ii ah Abwaano badan laakiin waxaa ka mid ah oo aan soo qaadan karnaa, Abwaan Mohamed Hashi Dhamac (Gaariye), Abwaan Mohamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) iyo Abwaan, Hassan Haji Abdilahi (X.Ganey) S:Ma jeceshahay in aad dalkii hooyo ku soo guryo noqoto, mase u xiistey dhulkaagii hooyo, maxaadse kula talin lahayd dhalinyarada wali hiyi kacsan ee wadamada Yurub uu soo jarmaadaya ama u soo tahriibaya? J:Runtii qof kasta oo bani’aadam ahi wuxuu ugu jacelyahay in uu ku noolaado dalkiisa iyo dhulkiisa hooyo, shakina kuma jiro in aan aad iyo aad ugu hiloobay dalkayga iyo dadkayga waanan jacelahay imika inan imaado sida ugu dakhsaha badan isha allah ayaan ku talo jiraa, Waxaanan dhalin yarta u sheegi lahaa inaanay Yurub waxba ku soo yaacin ee ay wadankooda aaminaan oo ay u firkiraan sidi ay isaga wax uga soo saaran lahaayen, Waxaa jira Maanso aan leeyahay oo la yidhaahdo Guhaad oo ka hadleysa tahriibta waxaa ka mid ah oo aan su'aashan ku xidhi doona:- Hadii gurigaaga maalyo Hantidu guradaada taalo Guunyadu dhinacaaga daaqdo Lodiyo gees dheertu joogto Geeliyo adhigana aad buuxdo Gaadid kama fiicna kaase Gamaaniyo maydal leeday Hor-weyniyo gaane maala Waxaad goobtaan maqnaynbee Miyaan garowgeenu hayn Gasiiniyo galad ilaahay Miyaan gadanoo badh deyno Maxaa gacma hoorsi keenay Maxaad u gumeyn hankaaga Isagoon guuluhu ku baahin Maxaad u yaboohsan gaajo? S:Abwaan maadaama oo aad tahay abwaan dhalinyar ah bal xaga jaceylka oo ay dhalinyaradu xiisayso maxaad ka tidhi, adigase Abees ahaan badwaynta jacaylka ma gashay? J:Waa runtaa walaal dhalin yarta uun baan kala wadaaga hadba waqtiga ay ku jiraan, jaceylkana waan ka sameeyey heeso kooban hadaan idin soo xulo mid ka mid ah waxaa ka mid hadaan tuducyo ka mid ah sheego:- Fidmo kama horeysoo Fitin weeyi caashaqu Haduu faraqa kuu galo Inkastuu fariidyahay Ka foojigan ficiiyoo Ka filroon asaagii Qof uu fooda saaruu Kalgacaylku guud furay Fadhi lagala quusay Fiintaaba sheegta Fooraha xagaagiyo Fadka soo da'aayee Fajac wuxuu ku sii dhigay Adigoon fileynbuu Leeb iyo falaadh kulul Feedhahaaga darayaa. S: waxaad ku sugan tahay qurbaha gaar ahaan dalka Ingiriiska markaa door intee leeg ayaad uga qayb qaadataan hawlaha horumarinta dalka? J:Walaahi siyaabo badan bay dadka reer somaliland ee halkan dagani ugu qayb qaatan horumarinta dalka, waxaan xusi karaa iyaga oo ehaladooda halkan wixii ay karayaan uga soo dira, oo dad badan oo somaliland ku nooli ay ku noolyahiin wixii ay u soo diran qurbo joogtu, Iyaga oo markasta fikirkooda iyo aragtidooda u soo gudbiya hadba dawlada markaa talinaysa, Isla markaana uga olaleeya halkan sidii loo icitiraafi lahaa wadankeena somaliland. S: Abees Gabayada aad tiriso badanaa waxa ka dhex muuqda ama laga dheehan karaa arrimo jaceyl, taas maxaad tafaasiil naga siin kartaa? J:Walaahi maadama aan dhalin yar ahay kuna dhex jiro dhalin yarta ayaan hadba ku cabiraa dadkaa aan la sheekaysanayo wixii ay yidhaahdaan suugantayda, dhalinyartuna inta badan waxay u soo istaagan hadba wixii iyaga markaa ku haboon, taas baa keenta suuganteyda inta jaceylka inaan dhalin yarta u soo bandhigo S:Ma jiraan gabayo aad Somaliland u sameysay oo aad ugu talo gashay? J: Gabayo xaalado kala duwan ka kala turjimayo way jiraan waxaa ka mid ah Gabaygayga Xilgarad ee ka hadlaya qaraxii foosha xumaa ee ka dhacay hargeisa. S: ma noo sheegi kartaa inta gabay ee kaa soo maaxday ilaa hada? J:Marka gabay iyo Maanso dheer laga hadlayo ilaa kontameeyo ayay noqonaysaa qiyaas ahaan, hadii lagu daro heesaha gaagaban ee jaceylka ahna ilaa boqol iyo dheeraad way noqonayaan walaal. S:Maxaad u soo jeedinaysaa siyaasiyiinta Somaliland iyo shacbiga Abwaan ahaan? J:Waxaan u soo jeedin lahaa siyaasiyiinta weliba kuwa imika wadanka loo dhiibay, shacabkeenu way barteen sida siyaasiga xun ee aan dantooda wadin ay iskaga qabtaan oo codkooda ayay ku ciil baxayaane wixii ay idiin doorteen qabta oo balanqaadyadii aad gasheen fuliya, hadii kale shan sano waa beriye waydun iska tagi idinkuna, Shacabkana waxaan leeyahay waajibkiinii waad gudateen halkaa kaga hayo oo hadba maalintaa kaa is tidhaahdaan kan baa dadka iyo dalkaba hor marinaya doorta. S:Waxa dalka ka dhacday 26-kii June ee bishii hore doorasho, sidee ayaad qurbo joog ahaan u aragtaan, maxayse ka badali kartaa xidhiidhkii Somaliland iyo wadamada Yurub ayaad is odhan kartaa? J:Walaahi wadankan aan ku noolnahay aad baaan uga dareeney, waxaaban marmar moodi jirney xamaasada iyo hadal heynta inaan wadankii joogno, aad iyo aad baanan u dareenay, Doorashada xorta iyo xalaasha u dhacaday wax badan bay ka badalaysaa fikirkii iyo aqoontii loo lahaa Somaliland, Waxaanay taasi suuragelinaysaa in dano siyaasadeed oo badani u fulaaan Somaliland. S: xiliga firaaqadaada maxaad qabataa ama aad jeceshahay inaad wakhtiga ku qaadato? J:Xiliga aan firaaqada ahay badanaa waxaan jacelahay inaan wax akhriyo, gaar ahaan buugaagta Somaaliga iyo Suugaanta, Mararka qaarna waxaan daawada Tv ga, Waxa kale oon jacelahay inaan baxo hadday ii suura gasho oo aan u tago asxaabtayda oo aaan u sheeko iyo haasaawo doonto. Dhinaca kale Abwaan C/raxmaan Ibraahin Aadan (Abees) waxa jira gabayo badan oo uu noo soo gudbiyey oo ka hadlaya dhinacyo badan, hadaan soo qaadano qaar ka mid ah maansada la yidhaa Taran-hiif oo ka mid ah maansooyinka ay xigmadu ku dheehan tahay ee Ilaahay ku manaystey Abwaankan da’ada yar waxa ay ka hadlaysaa Xasadka, waxanay tidhi Taran-jiif:- Maansada habkeediyo Holinteedu fara badan Waa hangool faraariyo Kala haysta laba faraq Dhumuc iyo hanaaniyo Halna way wadaagan Nin walbaa hog gaariyo Halka uu la doontuu Ugu hiil baxaayoo Adigoo humaagiyo Sawiraaya haadbaa Misne halaq ordaayiyo Good loo hibeeyaa Nimaaan haaban karanoo Heli karin odhaahdaa Suugaanta hodankaa Hal abuur u nacayaa !!! Nimaan hagar baxeediyo Hilinkeeda marinoo Heensayn aqoonbaa Ku haraaday maansada Horta anigu yaabee Hal midaan abuureyn Yaa yidhi higaadiyo Nala jiibi heelada? Yaa hooto caagiyo U soo dhiibay haashka? Aduunyadu hab badanaa Hadba waxaad la yaabtiyo Hurgumooyin daranaa Ma hadaa abwaan dhaba Hoos fadhiiso lagu yidhi Midaan hibada eebiyo Hawraarta maansada Lagu wada hanuunin!!! Ninka ragii halaasaha Halaagiyo balaayada Hawshiyo dhibaatada Halistiyo colaadiyo Hagardaamo oo idil Habuu kaga baxaaye Ma ogtahay halyeygu Xaq haduu ku joogo Ma habsoodo weligii Hiyigiisa shidanbuu Haqab beel ku gaadha Libta kaga hal dhaliyaa. Waa habeeno dunidiye Haduu noolyay geesigu Halkii godob lagaga galey Ma hilmaamo weligii Wuxuu hibasho dheer qabo Wuxuu hiil ka sugo niman Waqtigaa hirdamayiyo Ka war dhawro himilada Xasanow haraagtee Wuxuu hiila gudashada Ku reebaa haraadkiyo Hamuumtiyo lurtuu qabay Hangashiyo xabaalaha. Adigoon warba u hayn Ruxuu haduu ku xaasido Hadyo jeer ku daba galo Hawadiyo dushaa sare Hadal gefo u ku dhigo Hadii uu awoodana Heeristaada jacelyahay Adna hugunka yeedhmada Dareen kugu hilnaadiyo Hareer daar ma weydide Sii hubi markaan idhi Waxa lagugu hiifay Adigoon hungo u dirin Hubsashado haday tidhi Hab kaleeto maaha Waxaa lagugu heere Xisdi baa hogaanka ah Hana qaadka loo direy. Halkaad hiigsanayso Inad tahay mid hanan kara Hadii uu garwaaqsaday Taran-hiif midhkaa diid Hogogiyo daluun qodan Haraaq boholo ku saar Adigoo hurdoodoo Hadh qabow iskaga jira Kolba halaq miciyo dheer Huga kugu laab-laab Xasanow hayeeshee Haabkiisa muu gelin Haduu daacadyahay wiil Hiq inaanu odhanayn Goor aan humaagiyo Fadal hoorayaa jirin Hir buluuga mooye Cirku yahay mid haayira Qoraxduna hilaabtiyo Ay tuurtey heerayada Falaadhaha is haybsaday Dhulka holac ka kiciyeen Adoon daar huluulan Ama hadhac istaagin Hadaad diido nuurka Alleylahe habaasow Hacoo baan ku qoraya. Wuxuu yahay hogaygu Hal baan halal u geeye Halka hadhey bal i sheeg Adigoon halkale iyo Halal kale tibaaxin? Halka kale wuxuu yidhi Cadceed soo huraysoo Kugu soo hawaartana Hal far talow ma qarisaa Ma hirbaa la gaadhaa Ma hilaac baxaayaa Orod lagu haleelaa? Miyaan hurinta gabaygu Haybad eebe bixiyiyo Hadyad gaara laga dhigin Hadmaa adiga guule Kali ku haneeyey? Ma adaa hadheyn kara Hiimsa hiimsa gelin kara Hawraaryo maansiyo Erayada haldoorka? Taran hiif bal soo bood Ku hinaas waxaan qoro Shinbiraha ku heesiyo Haadka samada duuliyo Haatufkana bal soo rid Hogaan barad anoo ah Oon gelin hayaan dheer Ayaan kaa huleelee Saw haraadi maysid Markaan heeryo laasimo! Hanadkaan la faqayaa Wuu garan hubkeyga Halka aan ku ridayee Doqonow ha fara gelin. Waxa jirta Maanso kale oo iyada la yidhaahdo Astaanta Aduunyada, oo uu Abwaanku ku muujiyey Hibada Ilaahay u siiyey Afkeena Hooyo, waxay ka hadleysa qiimaha iyo wanaaga ay hooyadu leedahay, Iyada oo ku bilaabaysa in aan la soo koobi karin wanaaga iyo macanka ay hooyo leedahay, waxanay u odhanaysaa:- Eray lagu tibaaxiyo Odhaah lagu iftiinshaan Alif laga helaynoo Arar baan dhamaynayn Anshaxiyo wanaagiyo Asluubteeda hooyee Wuxuun baan isleeyahay Maamaday ogaysii inaan ogay xaqeeda Hadii aan aduunkiyo Uunka joogo weligay Gashigiyo Abaalkiyo Amaahdaada hooyo Abidkay ma gudi karo Naxarista eebaa Kugu soo abuure Amin aan dushaadiyo Adhaxdaada saarnaa Ood adigu mooday Inaan gees u ciiray Ayaantii huqdii iyo Afeeftii ku gaadhay Arin aan u dhigi karo Ma asteyn karaayo Uurkiyo sagaalkaan Obacdaada jiifey Umuliyo dhibaatiyo Maxaad eeday fooshii Eebadiyo xanuunkii Adigoo ilmeeyoo La ooyaaya hadimada Sidaad uba ilowdeed Durba aragtidaydii Ishaadii ku faraxdee Ashqaraar la boodaan Amuur loo dhigaa jirin Sida xidid abraaroo Ku abaaday ciidoo Anbadoo la waayoo Dhulka hoose aaday Alla hooyo dheeraa Aagad ku taalaa.. Imisaad sasabiyo Amaan igu deeqday Anigoon filkaygiyo Asagay wax dheerayn Hadii aanad hooyo Edabiyo waxbarashiyo Ii dhigin aqoonta Intaan eega tarayee Intifaacsi leeyahay Layguma ogaaden Hadii aanad hooyo Akhlaaqiyo tarbiyad Igu soo barbaarin Noo dhigin islaamkiyo Furqaaniyo afkeena Awood maan lahaadeen Iftiinkaad arkaysiyo Aqoon lama heleenoo Anbad baa la noqonlaa Aasaska dunidiyo Jiridiyo awooda Egenkeena haysiyo Asalkeeda wacanee Looga soo abtiriyiyo Waxaad tahay astaantii Aadmiga u taagnayd Ifka qurux ku noolow Ajal baan hadhaynoo Naftu waa amaanee Aakhirana fardowsiyo Alla janada kugu soor Aaamin Aaamin. Maanso kale oo iyaduna ka hadlaysa Jacaylka iyo dumarka oo uu abwaanku tiriyey ayaa waxay odhanaysaa:- Haween qurux lagu tilmaamo Hubqaadyo soo hor joogsi Hadaan been cidina sheegin Hogaan baad dumar u tahay... Hadhbaad tahay lagu nastiyo Geed weynoo hadhac qabow Haraad tahay biyo macaano Haraadkiyo oonka biisa Hoygii anshaxiyo wanaga Diintiyo dhaqankiy hidaha Hibaaqeey waxaad u tahay Astaan loogu soo hagaago Habkiyo muuqiyo ilwaada Xishoodkiyo hibada gaarka Alla bixiyoo hadeeyee Dhamaan waad wada hantiday Hufnida weedhaada toosan Habdhiciyo sheekadaada Dulucda hadalkaad tidhaa Fogaa murtideeda hoose Hoygii anshaxiyo wanaga Diintiyo dhaqankiy hidaha Hibaaqeey waxaad u tahay Astaan loogu soo hagaago. |