Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2404

July 15,2010                                                                                   Sha'ban 03,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Khilaaf Ka Dhex Aloosmay Masuuliyiinta Sar-Sare Ee Kulmiye Iyo Madaxweynaha La Doortay Oo Mar Kale Cirka Isku Shareeray

Hargeysa, July 14, 2010 (Haatuf)- Khilaaf xoogan oo ku saleysan xilalka wasiirnimo ee xukuumadda cusub ee madaxweynaha la doortay soo dhisayo ayaa ka dhex aloosmay masuuliyiinta sar sare ee xisbiga Kulmiye iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Khilaafkan oo in dhowaydba soo taagnaa ayaa shalay mar kale cirka isku shareeray kaddib markii guddoomiye madaxda sarsare ee xisbiga Kulmiye ee ay ka mid yihiin, guddoomiye ku xigeenka koowaad, Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye ku xigeenka labaad, C/raxmaan C/qaadir, guddoomiye ku xigeenka saddexaad,C/raxmaan Maxamed Talyanle iyo xoghayaha guud, Keyse Xasan Cige, la sheegay inay madaxweynaha la doortay, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay u soo jeediyeen in aanu xilal wasiirnimo magacaabi karin ilaa uu iyaga ka talo galiyo,hase ahaatee madaxweynaha la doortay ayaa arrintaa gaashaanka ku dhuftay.

Xubnahan ayaa doonayay inay wasiiro ka noqdaan xukuumadda la soo dhisayo,taasoo ay cadaadis ku saareen madaxweynaha la doortay inuu ku daro liiska wasiiradiisa hase yeeshee uu arrintaasi ka diiday Axmed Siilaanyo oo ku dooday maadaama qaar ka mid ah xubnahan xilal doonka ah oo ku jiray guddidii ku soo talo bixisay in la soo dhiso xukuumad kooban oo tayo leh, waxana wararku intaa ku dareen in madaxweynaha la doortay uu xubnahan ka dalbaday inay faro gelinta ka daayaan hawshiisa.

Maalintii doraad ayay shir gaar ah wada galeen madaxweynaha la doortay iyo xubnahan wasiiro doonka ah,iyadoo wararka shirkaasi ku dhow dhowaa Haatuf u sheegeen in kaddib markii madaxweynaa la doortay ka diiday inuu xubnahan ku soo daro golaha wasiirada uu soo dhisayo, ay soo hor dhigeen caqabad hor leh oo sheegaysa in aanu madaxweynaha la doortay si madax banaan u soo magacaabi karin wasiiradiisa ilaa uu iyaga kala tashado, taasoo madaxweynaha la doortay ganafka ku dhuftay dalabkoodii, isla markaana kulankaasi ku soo dhamaaday is af garanwaa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu xubnahan ku yidhi, “waxan ahay madaxweyne la soo doortay ee iila dhaqma siddii madaxweyne loola dhaqmi jiray”,hase ahaatee hadalkaasi ayaa la sheegay inuu u cuntami xubnahan xilal doonka ah oo weli u arkaya inuu Axmed Siilaanyo yahay guddoomiyhii xisbiga Kulmiye.

Masuuliyiintan Kulmiye ayaa sidoo kale la sheegay inay shalay madaxweynaha la doortay u gudbiyeen cabasho la xidhiidha hadal habeen hore uu madaxweyne ku xigeenka cusub, C/raxmaan Saylici, uu ku sheegay inay khaati ka taagan yihiin rag wasiirnimo raadinaya oo leh xisbigaanu u soo dhimanay, waxana hadalkiisa ka mid ahaa “xildoonkii ayaaba aad u badan oo waxaba na wareeriyay anaga oon kursigii ku fadhiisan kii wasiirnimo doonayay ilaa biya tooni doonayay”.

Isla maalintii shalay waxay furteen xubnahaasi  qolkii xafiiskii madaxweynaha la doortay ee  xarunta kulmiye, waxana la sheegay inuu kursigii Axmed Siilaanyo ku fadhistay guddoomiye ku xigeenka koowaad, Muuse Biixi Cabdi oo haatan noqday gudoomiyaha xisbiga Kulmiye  sida uu dhigayo heshiis arrintaas uu kulmiye ku gaadhay shirkii xisbiga ee Burco ka dhacay sanadkii 2008 bishii August.

Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE  Keyse Xasan Cige ayaa wareysi uu siiyay doraad wargeyska Ogaal  Mar la waydiiyay sababta keentay in laga doodo arrintan ay macnaheedu tahay in masuuliyiinta u sarraysa Xisbiga KULMIYE ay dhammaantood qabaan damac siyaasadeed oo la xidhiidha inay ka mid noqdaan Xukuumadda cusub ee la dhisayo, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Dabcan, bani’aadamku kollayba way leeyihiin aragtidiisa, damaciisa iyo hiigsigiisa, waana wax qof walba u gaar ah. waxase iyana jirta arrintii guud ee Xisbinimadii, taladii guud iyo hoggaankii guud ayaa jira. Markaa in laga wada hadlo sidee ayaa wax loo maarayn karaa, meeshay ku jirtaa. Laakiin, qof kastaa damac waa leeyahay.”Sidoo kale, mar la  weydiiyay in ay jiraan kulamo ay arrintan ka yeesheen doraad  iyo waxyaabaha gaar ahaan lagaga hadlay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Horta, siyaasadda KULMIYE lagu yaqaanaa waxa weeye in uu wax dhegaysto oo qof waliba wuxuu doono odhan karo, waxyaabaha aanu Xisbiyada kale kaga duwanahayna waxa weeye in lays dhegaysto oo xor la yahay. Sidaa daraadeed, ilaa hadda waxaanu aaminsanahay in uu dhegaysigii meesha ku jiro, waanaga u bandhignay Umadda nooca dawladdu noqonayso iyo 100-ka maalmood ee u horreeya waxa la qabanayo. Tan lafteeda Madaxweynuhu wuxuu yidhi, waxa wanaagsan in aynu meel walba wax ka eegno oo aynu Aqoonta iyo Bulshadaba eegno, maadaama aynu ballan-qaadyo samaynay oo ay Barnaamijkeenii ku jirtay inaynu isbedel samayno, maaha in wax walba lagu degdego ee waa in dhinac walba laga eego oo marka u dambaysa wax nadiif ahi yimaadaan” ayuu yidhi xoghayaha guud ee Kulmiye, Mr.Keyse Xasan Cige.

Si kastaba ha ahaatee Wararka khilaafkan oo aad u soo if baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha la doortay uu ku adkeystay go’aanka uu ku soo xulanayo xukumadiisa isla markaana uu doonayo inuu ku kala saaro arrimaha xisbiga iyo kuwa dawlada.