|
Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo
Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee
Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga
Afrika
Kulmiye oo cadeeyey
mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
Madaxweyne Obama Oo
Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub
Xukuumadda Madaxweyne
Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay
Koox Suxufiyiin Ah Oo
Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka
Iyo Nabada
Sirdoonka Iyo Habka Uu U
Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo
Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009
Dhalinyaradu Marnaba Ma
Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda
Dawladdu Xayaysiiska Caano
Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso
Wadooyin Ay Iska Kaashadeen
Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka
Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey
Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka
Curtay Somaliland
Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad
Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna
Galay
|
|
Bayaankii Shirkii Aqoonyahanka
Gadabuursi (Tol) Ee Ka Dhacay Canada
Boorama,
July 25, 2010 (Haatuf) - Horraantii bishii April ayey xubno ka tirsan
bulshada Gadabuursigu caddeeyeen in ay ka weecdeen arrintii ahayd,
kabkab la caadaystay, oo ay u gudbeen in ay lafo-guraan, gunteedana u
dhaadhacaan sababaha runta ah ee ay ka soo farcamaan aafooyinka bulshada
ku habsaday, si ay u helaan xal waara oo ku salaysan aragti fog.
Haddaba markii ay shirkoogii ugu horreeyey ku qabteen bishii Abriil 1-3,
2010 magaalada Minneaplois, Minnesota, ee dalka Maraykanka, waxa ay
dhammaantood si wadajir ah farta u saareen in ay guul darro hoggaan
la’aaneed tahay sababta lafdhabarta u ah dhibaatooyinka dadka
Soomaaliyeed haysata ee ay ka mid yihiin dhaqaale burburka, majara
habowga bulshada iyo lumista milgaha dhaqanka. Sidaa awgeed waxa ay
go’aansadeen in ay “…ambaqaadidda dariiqa dheer ee dib u noolaynta
hoggaankii dhaqan iyo in lala yimaaddo fikir cusub oo lagu casriyeeyo…”
baylahda ugu horreysa ee bulshadoodu u baahan tahayna ay ka dhigtaan in
wax laga qabto, arrintaas oo ay ku xarriqeen bayaankoogii Minneapolis.
Haddaba guddigii shirweynihii Minnesota lagu unkay ayaa kulankiisii ugu
horreeyey ku yeeshay magaalada Ottawa ee dalka Kanada, waxaanay soo
saareen bayaankan hoos ku xusan:
Bayaankii Tolka ee Gatineau
Kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Maaraynta Golaha Hoggaanka Tolka
Gatineau, Quebec, Canada, July 2nd – 4th, 2010-07-20
(Degdeg u baahi)
Maantaba malkaa inagu qummane, yaan la gees marine,
Marka aanad hammon noloshu waa, mooyi dabadeede,
Madhax ma laha aadmigu wuxuu, kuu mitamiyaaye,
macaluul wax kaagama taraan, maal laguu guraye,
midigtaadu waxay xoogsataa, maydha kaa jara e’
(Abdillahi Suldaan Maxamed, Timacadde, 1971)
Fikradda TOL waxay qiraysaa xidhiidh soo jireen ah, ahmiyad gaar ahna
waxay
siinaysaa
amuuraha soo socda: iyada oo si mug leh u ilaalinaysa daryeelka qofka
iyo bulshada isla markaana dhawraysa waajibaadka guud ee ka saaran
bulshooyinka kale (ha noqoto ta ood ahaan ugu dhaw iyo ta meesha ugu fog
degan dadka Soomaalida) oo ah nabadda, cadaalada bulshada iyo deeqda
(Prof. Axmad Samatar, 2010)
Uubo-biyoodka sooyaalka ee ay hubaal tahay in ay cardaaduqaha ka
dhigayso dhammaan dadka aan lahayn adayga iyo dabacsanaanta birta oo
kale, waxa run ah in bulshadaas oo kale aanu jiritaankeedu sii waarayn
(Theodore Mommsen, 1908)
Iyada oo aan la iska indha tirayn kala duwanaansha xaalka dadka
Soomaalida, waxa hubaal ah in ay intooda badani ku jiraan xilli aad u
madaw. Dhammaan tusmooyinka waayaha jiritaankooda ee dhinacyada
deegaanka, dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda iyo ammaanka. Dadkuna waxa
ay tilmaamayaan sida ay u sii kordhayso jilicsanaanta bulshada, oo ay ka
marag kacayso amma aan si fiican uga arki karno xaqiiqada naxdinta leh
ee ah in dadweynaha kala-badh in-ku-dhaw ay haysato macaluul in-ba meel
ay u gaadhsiisantahayba.
Marka la soo dhaafo xaalka guud, waxan ku qanacsanahay in jiidaha
qaarkood ay aad uga liitaan meelaha kale. Waxa kuwaas ka mid ah bulshada
Gadabuursiga oo deggan dhul baaxad leh oo ka mid ah Geeska Afrika.
Haddaba in kasta oo qaar ka mid ah bulshadani ay guulo muuqda ka
gaadheen meheradaha ay haystaan, waxa marag ma doon ah in aanay guulahaa
teelteelka ahi aanay waxba ka tarin hurumarka iyo daryeelka guud ee
bulshada. Dhab ahaantii waxa lagu doodi karaa in iskaba dhaaf horumare
ay haliso ugub ahi soo food saareen jiritaanka bulshada. Waxa hubaal ah
in halisahaa badani ay ka soo unkamayaan meelo badan oo qeexidooda,
lafa-gurkooda iyo kala mudnaantooda aan weli la gudo gelin. Runtuse waxa
ay tahay in ay jirto arrin isa soo taraysa oo ah in la isla oggolyahay
talada ugu culus ee soo foodsaartay bulshada isla markaana furaha u ah
sidii tallaabo wada jir ah oo wax-ku-oola loogaga hortegi lahaa halistaa
soo kordhaysa ay tahay sidii loo heli lahaa hoggaan karti leh oo loo
wada dhan yahay. Hoggaan kulmiya bulshada dhaqankeedii soo jireenka ahaa,
caqligeeda iyo aqoonteeda si loo curiyo aragti cusub, wax tar leh oo
dadka isku keenta, laguna dhaqan geliyo karti hor leh, dhiirranaan iyo
qumanaan.
Waxa haddaba loo baahan yahay in la caddeeyo xidhiidhka kooxdan ka
dhexeeyaa nooca uu yahay. Waxa dadka halkan ku kulmay ay ku qanacsan
yihiin in arrintoodani ay kala soocday xidhiidhka ku dhisan maskax
qabiil/ qolo iyo tolnimo. Haddaba isagoo tilmaamaya faraqa u dhexeeya
labada, ayuu Prof. Axmad Samatar ku sheegay hadalkii uu ka jeediyey
Shirweynihii Minnesota, isagoo yidhi:
“Ta hore (qolonimo) waa waxa Somaalidu ugu yeedho qabiil waxayna ka soo
kalahdaa caqli yari iyo fogeyn la fogeynayo dadka aan soo gelin
abtirsiinta qabiilka; ta labaadse waxay ku fadhidaa fikradda Tolnimo
waxaanay qiraysaa xidhiidh soo jireen ah, ahmiyad gaar ahna waxay siinaysaa
amuuraha soo socda: iyada oo si mug leh u ilaalinaysa daryeelka qofka
iyo bulshada isla markaana dhawraysa waajibaadka guud ee ka saaran
bulshooyinka kale (ha noqoto ta ood ahaan ugu dhaw iyo ta meesha ugu fog
degan dadka Soomaalida) oo ah nabadda, cadaalada bulshada iyo deeqda.
“Marka la soo koobo, qabiilku had iyo jeer waa xumaan side, waana
burburiye, waxaanu dadka dhaxalsiiyaa kala jajab hoose iyo nacayb loo
qaado dadka aan qabiilka ka mid ahayn.Dhinaca kale, TOL wuxu keenaa is
bahaysi ay ku dheehan tahay in wanaag loo qabo dadka reerood (dadyowga
kale). Waxan rumaysan nahay in aragtidaasi ay isbedel ku dhalin doonto
sida ay Soomaalida maantu isku xidhiidhiso, aanay ku habboon tahay
xidhiidh kasta oo korinaya ururinta dadyow kala duwan.”
Kulankan kowaad ee Guddiga Tolku wuxu daba socdaa Shirweynihii Minnesota
ee qabsoomay horraantii sannadkan, halkaas oo lagu doortay koox ka
kooban aqoon yahanno, dad xirfadley ah iyo hoggaamiyeyaal bulsho.
Kulankanina kubbadii ayuu hore u sii riixay isaga oo nidaam u sameeyey
arrintan muhiimka ah ee tolka, qeexayna aragtidiisa iyo geeddi
socodkiisa. Halkan waxan ku soo koobnay dhacdooyinkii kulankii Guddiga
Tolka ee lagu qabtay magaalada Gatineau ee dalka Canada:
Bayaan:
Iyada oo kulankii koowaad ee Guddiga Tolka ee lagu qabtay Gatineau,
Canada, bishii July 2-4, 2010 ujeedadiisu ahayd in uu sii ambqaado
fikradihii iyo aragtiyihii laga kasbaday Shirweynihii lagu qabtay
Minneapolis, Minnesota, USA, bishii Abriil 2010.
Ay kooxdii
xidhiidhinta ee Gatineau-Ottawa ay isku-duba-rideen munaasabad xusuus
mudan oo lagu alkumay meel qurux badan iyo cunto fiican, gacmo furan iyo
deeqsinimana ku soo dhaweeyeen walaalahooga tolka.
Guddiga
Tolku ay qabteen dood laxaadle, kana baaraandegeen aragtida, geeddi
socodka iyo xeerarka uu ku dhisnaan doono Guddiga cusub ee tolku.
Ay xubnaha
Guddiga ee kulanka ka soo qayb galay ay ka mahad celiyeen lana dhaceen
kulanka tolka Ottawa oo la qabtay maalintii gebagebadii, July 4, 2010 oo
si daacad ah oo saaxiibnimo ah la isku laabxaadhay fikradana la isku
dhaafsaday bulsho weynta taas oo ku dhammaatay madadaalo dhaqan oo
fiidnimadii ka dhacday hudheelka bilicdasan ee Chateau Cartier and
Conference Center, Gatineau, Quebec, Canada.
Aan ku faro
adaygayno aragtida ah Tolka ku nool Geeska Afrika iyo adduunka oo
mideysan, hodan ah, oo nabad kuwada nool, nabadna kula nool dadka ay
oodwadaagga leeyihiin iyo deegaankooga dabiiciga, awoodina kara in ay
kor u qaadaan ilaaliyaana xuquuqdooda ay wadaagaan ee bulsho, dhaqaale,
hantiyeed iyo aadami ee dadkooda.
Aan
aqoonsanahay, adkaynaynana waajibka naga saaran in aan fidino midnimada
ku salaysan wanaag wadaagga ee qaybaha kala duwan ee tolka.
Aan qirsan
nahay, ixtiraamayno, adkaynaynana xuquuqda iyo masuuliyadaha
bulshooyinka aan ollogga (deriska) nahay ee aan wadaagno degaanka ee
masiirkoodu uu ku xidhan yahay masiirka tolkeena.
Aan ku fara
adaygayno in aan samayno dariiqad noqon karta kaabad fududaysa sidii la
iskugu xidhi lahaa xikmadii hoggaan dhaqameedkeena iyo waayaha
firfircoonida iyo xawliga ku socda ee casriga ah.
Aan qirsan
nahay baahida loo qabo in la isku xidho tolku meel kasta oo uu adduunka
ka joogaba si loo raadsado fikrado, loona helo talo; aanan si qoto dheer
u lafa-gurnay dabeecadda iyo baaxadda kadaraha ugu waaweyn ee tolka hor
taagan, loona helo khariidad lagu gaadhi karo aragtida Golaha.
Guddiga
Tolku wuxu guddonsaday go’aamada soo socda:
Magaca
Guddiga Tolku wuxu noqon doonaa Golaha Hoggaanka Tolka (GHT)
Dhismaha
Golaha Hoggaanka Tolka ayaa la falanqeeyey, waxana la diyaariyey, laga
dooday oo la isku raacay xeerarkiisa.
Golaha
xubnihiisa ayaa la ballaadhiyey oo laga dhigay 30 xubnood, iyada oo
Ugaas Cabdirashiid Ugas Rooble uu yahay xubin sharaf.
Guddi
Fulineed ka kooban 10 xubnood ayaa la doortay, kuwaas oo noqonaya
Masuuliintii Fulinta ee ugu horreeyey Golaha Hoggaanka Tolka.
Goluhu wuxu
guddoonshay in la abaabulo shirweyne tol oo lagu qabto meel ku habboon
oo ka mid ah jiidda aan ka soo jeedno waqtiga ugu dhaqso badan ee ay
suurtogal noqoto.
Goluhu wuxu
guddoonshay in la diro weftiigii ugu horreeyey GHT oo ka kooban saddex
xubnood oo ay soo maraan meelaha ay deggan yihiin tolku si ay u soo
qiimeeyaan waayaha tolka, sheeko wadaagna ula soo yeeshaan hoggaankii
dhaqanka iyo bulshada guud ahaanba, si ay u soo ururiyaan fikrado iyo
talooyin. Waxaanay u soo sahamin doonaan shirweynaha tolka ee la qaban
doono.
Liiska
xubnaha Guddiga Fulinta:
1) Professor Axmad Ismaaciil Samatar, Guddoomiye
2) Yusuf Aadan Qaalib, Guddoomiye Ku-xigeen
3) Cabdiwaaxid Sh. Cusmaan, Guddoomiye Ku-xigeen
4) Dr. Hodan Muuse Rabbiile, Xoghaye
5) Rooda Xaaji Miisaan, Lacag Haye
6) Bashiir Sh. Cumar Good, Agaasimaha Isgaadhsiinta
7) Abdi Dahir Aye, Maamulaha Website-ka
8) Professor Xuseen Warsame, Hoggaamiyaha Guddiga Waxbarashada,
Dhaqanka iyo Tababarka.
9) Professor Maxamad Faarax Good, Hoggaamiyaha Guddiga Qorshaynta
iyo Hantida
10) Dr.Cali Baxar, Hoggaamiyaha Guddiga Xidhiidhka Qurbo-Jooga.
Liiska xubnaha Golaha Guud:
1) Cibaado Xuseen (Ontario, Canada)
2) Maxamad Faarax (Alberta, Canada)
3) Dr. Cali Ibraahim Baxar (Texas, USA)
4) Eng. Rashiid Cige Guled (Illinois, USA)
5) Dr. Hodan Muuse Rabiile (Texas, USA)
6) Xaliimo Xasan Saad (Ontario, Canada)
7) Dr. Cabdiraxmaan Bayle (Tunis, Tunisia)
8) Cabdiwaaxid Sh. Cusmaan Qalinle (Minnesota, USA)
9) Professor Xuseen Axmad Warsame (Alberta, Canada)
10) Professor Maxamad Faarax Good (Wardi) (Massachusetts, USA)
11) Safiya Cabdillaahi Ismaaciil (Texas, USA)
12) Xaliimo Jaamac Hadi (Texas, USA)
13) Professor Axmad Ismaaciil Samatar (Minnesota, USA)
14) Mubaarak Axmad Nuur (Illinois, USA)
15) Bashiir Sh. Cumar Good (Abu Dhabi, UAE)
16) Yuusuf Aadan Qaalib (Texas, USA)
17) Rooda Haji Axmad Miisaan (Texas, USA)
18) Cabdi Daahir Aye (Texas, USA)
19) Lul Axmad Cusmaan (Ontario, Canada)
20) Abdulqaadir Ismaaciil Jaamac (Minnesota, USA)
21) Abubakar Xaamud Jibriil (Minnesota, USA)
22) Jaamac Cusmaan (Ontario, Canada)
23) Xasan Aadan (Ottawa, Canada)
24) Xasan Muuse Khaliif (London, UK)
25) Cabdiramaan Daahir (London, UK)
26) Dr. Cilmi Nuur (Sweden)
27) Dr. Yacquub Aadan (Sweden)
28) Cabdillaahi Cusmaan (Australia)
29) Maxamad Dugsiiye (Alberta, Canada)***
30) Jago banana ( waa la buuxin doonaa)
***Maxamad Dugsiiye wuxu Golaha ku soo biiray intii bayaanka la soo
saaray dabadeed cod wadajir ah ayaana lagu soo dhaweeyey.
|