|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2412 |
July 25,2010 Sha'ban 13,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Bileyska Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Looga Shakiyey Argagixiso Oo Laga Qabtay Markaska Tabliiqiyiinta Ee Bariga Hargeysa “Ninkan Oo U Dhashay Somaliya Wuxu Sitay Dhowr Moobil, Intii Aan Xabsiga Loo Taxaabin….” Sheekh Caydaruus Daa’uud Hargeysa, July 25, 2010 (Haatuf) – Nin looga shakiyay inuu ka mid yahay ururada Argagixisada ayaa maalintii doraad lagu qabtay masaajidka weyn ee Markaska, kaas oo ku yaala bariga magaalada Hargeysa. Ciidamada bileyska oo ku sugnaa Markaska ayaa gacanta ku dhigay ninkan oo ka soo jeeda dalka Somaliya, isla markaana sitay dhowr Mobil oo uu ku hadlayey. Masaajidka Markaska ayaa waxa xiligaasi ka socday kulanka sanadlaha ah ee Ijtimaaca ee oo ay iskugu yimaadaan kumaan qof oo Muslimiin ah oo ka kala yimaada wadamada Islaamka. Sida uu Haatuf u sheegay Sheekh Caydaruus Daa’uud oo goob joog ahaa markii bileysku qabanayey ninka laga shakiyey, kaas oo sheegay in ciidamada booliska ay qabteen xili uu ninkaasi galay luuq ka mid ah masaajidka kaddibna markii ay ciidankii booliska ee ku sugnaa masaajidku ay u yimaadeen ee ay baadheen ka heleen dhawr telefoon oo ah kuwa gacanta lagu qaato. “Intii aan xabsiga loo taxaabin ninkaas ciidanka ayaa su,aalo waydiiyey, dabadeed waxa ay arkeen in ninku uu hadal adag yahay markii ay weydiiyeen xaga uu ka keenay Mobiladana waxa uu u sheegay dad dhawr ah oo uu magacyadooda sheegay, intaa kaddib dadkii ayey la doondooneen waxaanay aakhirkii ogaadeen ciidamada boolisku in dadkan uu sheegay ninkan la qabtey aanay jooginba masaajidka intaas kaddib waxa ay ciidanka amaanku xabsiga u taxaabeen ninkaas” ayuu yidhi Sheekh Caydaruus Daa’uud. Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidho taliska bileyska ee Hargeysa ayaanay noo suurto galin in aanu ku helo khadka tilfioonka. Qabashada ninkan looga shakiyay Argagixisada ayaa ku soo beegmaysa xili laba maalmood ka hadhsan yihiin wakhtigii loo cayimay xilwareejinta labada madaxweyne oo ku beegan maalinta Salaasada ee bishan July tahay 27. |