|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2412 |
July 25,2010 Sha'ban 13,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Saxaafada Caalamka Oo Soo Bandhigtay Fursadaha Somaliland Uga Banaan Go’aanka Maxkamada Caalamiga Ah Ku Xukuntay Madaxbanaanida Kosovo “Go’aankani Waxa Uu Saameyn Weyn Ku Yeelanayaa Wadamo Badan Oo Raadinaya Aqoonsi Caalamiya Oo Somaliland Ka Mid Tahay” Wargeyska Het Laatste Nieuws Brussels, July 25, 2010 (W/Wararka)-Saxaafada caalamka ayaa si weyn indhaha ugu haysay ku dhawaaqista go’aan in badan laga sugayay Maxkamada Aduunka ee ICJ (International Court of Justice) taasoo ugu dambeyntii doraad Duhurkii ku dhawaaqaday in Kosovo yahay wadan madax banaan. Madaxweynaha Maxkamda ICJ Mr Hisashi Owada ayaa ku dhawaaqay in Madxbanaanida Kosovo aanay ka hor imanaynin shuruucda caalamiga ah sidaa darteedna Kosovo tahay wadan xor ah isla markaana aanay shuruucda caalamiga ah diidanayn in wadan ku dhawaaqo Madaxbanaanidiisa. Arintaan ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyay Dawlada iyo dadka reer Kosovo waxayna ka nixisay Dawlada Serbia ee ay ka go’day Kosovo. Kosovo ayaa hore madaxbanaanideeda ugu dhawaaqday sanadkii 2004 February. Go’aankan ayaa waxa taageeray 10 ka mid ah qareenada (Judges) ICJ waxana diiday 4 sidaasaanu ku ansaxay Go’aankaasi oo guul ah wadamo badan oo Somaliland ka mid tahay. Haddaba saxaafada caalamka oo ka hadashay fursadaha Somaliland uga banaan go’aanka ICJ- da ayaa waxaanu halkan idiinku soo bandhigaynaa qaar ka mid ah jariidadaha caalamku waxay ka qoreen dhawaaqa maxkamada caalamiga ah iyo fursadaha uga banaan Somaliland. Dagbladet Wargeyska Dagbladet oo kamid ah Wargeysyada ugu waa weyn dalka Norway ayaa warbixin uu ka qoray go’aanka ICJ ku soo qaatay Qadiyada Somaliland sida ay albaab cusub ugu furmay waxaana uu qoray “ go’aankan ICJ waxa uu so jiidanayaa wadamada Somaliland iyo West Sahara oo ka go’ay Wadamadda Somalia iyo Morocco” isagoo qoraalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Somaliland waxay ku dhawaaqeen madax banaanidooda 1991 oo ay ka go’een Somalia waxay sidoo kale qabteen Afti dadweyne oo 97% ogalaadeen madaxbanaanida Somaliland waxa sido kale ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah. Het Laatste Nieuws Sidoo kale Wargeyska Het Laatste Nieuws ee ka soo baxa dalka Belgium ee xarunat midawga Yurub,EU, ayaa Maqaal ka qoray sida wadamo badan ay faa’ido ugu tahay go’aanka ICJ waxanu wargeysku qoraalkisa ku yidhi “ go’aankani saameyn kuma laha oo kaliya wadamada Serbia iyo Kosovo ee waxa uu saamayn weyn ku yeelanayaa wadamo badan oo raadinaya aqoonsi caalamiya oo ay kamid yihiin Somaliland, Northern Cyprus, Nagorno-Karabakh, South Ossetia, Abkhazia iyo Transnistria, oo dhamaantod hore ugu dhawaaqay Madaxbanaanidooda laakiin aan helin aqoonsi caalamiya wadamadan waxay u tahay faa’iido go’aanka ICJ. U-TV iyo The Guardian Sidoo kale U- TV oo ah telefishan ku yaala dalka UK gaar ahaan Northern Ireland. Ayaa website kiisa ku qoray warbixin uu ka soo xigtay wargeyska caanka ah ee The Guardian ee ka soo baxa dalka UK waxana uu qoraalkiisa ku bilaabay “ wadamada goonida u goostay iyo Kuwa madaxbanaanidooda ku dhawaaqay ee ay ka mid yihiin Taiwan , Xinjiang iyo Somaliland waxay si weyn uu soo dhaweynayaan g’oaanka iyo sharciga ay gaadhay ICJ. Arrintani waxay bar bilaw cusub u noqon kartaa aqoonsiga Somaliland raadinaysay tan iyo sanadkii 1991-kii markii ay madax banaanideeda dib ula soo noqotay. |