Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2412

July 25,2010                                                                                   Sha'ban 13,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

17 Dhakhtar Oo Ka Qalin-Jabiyay Jaamacada Hargeysa

Hargeysa, July 25, 2010-(Haatuf)-Munaasabad balaadhan oo lagu maamuusayay 17 dhakhtar oo ka qalin jabiyay kuliyadda caafimaadka ee jaamacada Hargeysa, ayaa habeen hore lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Xafladan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka jaamacada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay aqoonyahan, dhakhaatiir, siyaasiyiin, arday iyo dadwayne kale oo tiro badan kuwaas oo dhammaantood xaflada uga soo qayb-galay si ay u  hambalyeeyaan 17-ka arday ee mudada todobada sanadood ah culuumta caafimaadka ka baranayay kuliyadda caafimaadka ee jaamacada Hargeysa.

Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa hambalyeeyay dhakhaatiirta cusub ee ka qalin jabisay jaamacada Hargeysa, kuwaas oo uu tilmaamay inay u soo dhabar adaygeen 7 sabadood oo ay ku jireen halganka barashada caafimaadka, isaga oo tilmaamay inay wax wayn ka tari doonaan baahiyaha dhakhaatiir la’aaneed ee dalka ka jirta “ qalin-jabintaa aynu joogno waxay farxad u tahay waalidiintii iyo macalimiintii ku soo tabacday ardayda ee mudada dheer ku soo tabcayay gabigayo faxrad ayay noo tahay” ayuu yidhi, waxaanu ku sheegay in dhakhaatiirta cusub ee kuliyadda caafimaadka ka baxay looga baahan yahay inay dadaal u galaan sidii ay dadkooda wax ugu qaban lahaayeen.

Guddoomiye ku xigeenka jaamacada Hargeysa, Dr. Mubaarik Ibraahim Aar oo isaguna hadal ka soo jeediyay xaflada qalin jabinta ayaa aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay barashada caafimaadka iyo waxyaabaha looga baahan yahay qofka baranaya, waxaanu sheegay in ardayda doonaysa inay qaataan kuliyadda caafimaadka ay ka dhisnaadaan dhinacyada culuumta sayniska si ay ugu fududaato barashada culuumta caafimaadka ee ay barashadeeda u badheedhayaan ama ay doonayaan inay ka jibo keenaan. Prof Mubaarik Ibraahim Aar, waxa uu kula dardaarmay dhakhaatiirta cusub ee qalin jabisay inay ilaaliyaan oo ay ku dhaqmaan akhlaaqiyaadka iyo qiyamka ay leedahay dhakhtarnimadu, isaga oo tilmaamay in dhakhaatiirtan looga baahan yahay inay kaalin mugle ka qaataan tayaynta iyo kor u qaadida caafimaadka dalka.

Madaxa kuliyada caafimaadka jaamacada Hargeysa Dr. Diiriye Ismaaciil  oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka sheekeeyay duruufihii kala duwanaa ee ay soo mareen dhakhaatiirta qalin jabisay isaga oo tibaaxay inay yihiin dhakhaatiir leh aqoontii looga baahnaa dhakhaatiirta casriga ah ee sabankan. Dr. Diiriye waxa kale oo uu sheegay in dhakhaatiirtan qalin jabisay ee ay isugu jiraan 12 wiil iyo 5 hablood kuwaas oo ka mid ahaa tiro aad u badan oo lagu bilaabay fasalkii labaad ee kulliyadda caafimaadka ee jaamacada Hargeysa, isaga oo tibaaxay in 17-kan arday muddo dheer u soo samreen isla-markaana fahmi karaan baahiyaha dhakhaatiir la’aaneed ee Somaliland sidaas daraadeedna looga baahan in inay kaalintooda qaataan.

Waxa iyaguna munaasibada qalin-jabinta ka hadlay Marwo Edna Aaden Ismaaciil, xildhibaan Muxumed Aw Axmed iyo Dr Axmed Maxamed Gaas, dhammaantoodna si balaadhan uga hadlay baahida loo qabay dhakhaatiirtan cusub ee soo qalin jabisay, iyagga oo dhanka kalena ku hambalyeeyay dhakhaatiirta ka baxday kuliyadda caafimaadka jaamacada Hargeysa dadaalka ay u soo galeen dhamaystirashada culuumta caafimaadka ee ay dhamaystirteen. Ugu dambayn xaflada waxa abaalmarino lagu guddoonsiyay dhakhaatiirta ka hawl-gala kuliyadda caafimaadka jaamacada Hargeysa iyo ardayda qalin jabisay.