Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2412

July 25,2010                                                                                   Sha'ban 13,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Roobab Xoogan Oo Ka Da'ayay  24-Kii Saacadood Ee U Danbeeyey  Caasimada Hargeysa Iyo Guud Ahaanba Gobollada Dalka

Hargeysa July 25, 2010 (Haatuf) - Roobab waaweyn ayaa shalay subaxdii ilaa xalay ka da’ayay caasiamda Magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda iyo waliba guud ahaan gobolada dalka, iyadoo dadku shalay subaxdii hore ku soo toosay roob aad wayn oo aan kala go’ lahayn, ayaa Roobkani maansheeyey Hargeysa iyo agagaarkeeda oo bilaabmay abaaro 7:30 Subaxnimo ee shalay ayaa da'aya ilaa 10:00 Subaxnimo, balse markii dambe yara kala googo’ayay ka bilaamay, roobkaas oo xidhay inta badan waddooyinka dhexmara magaalada Hargeysa, ha ugu darnaato waddada Halbowlaha ah oo dhinac marta Dugsiga Sheekh Bashiir iyo halkaas oo gawaadhidu ku xanabnayd ilaa shalay galinkii hore.

Roobka oo bilawgii hore dabaylo watay ayaa ahaa mid dadku ay aad ugu diirasadeen, mana jirto wax dhibaato ah oo uu geystay.

Xilligan oo lagu jiro Xagaagii oo ay dhacayaan Dabaylaha Xagaagu ayaan hore looga baran roob da'a laakin sanadkan inta badan wuu ka da'aa Hargeysa iyo gobolada kale ee dadkaba, waxayna dadku ka raystayn Dabaysha oo Siigo iyo Boodh wadan jirtay oo aan hadda lahayn.

Dhanka kale sida uu warbaahinta ugu waramay maareeyaha warshada laydhka ee magaalada Berbera C/shakuur Cilin, ayaa sheegay inay khasaare weyn u geysteen dabaylo xoogan oo ay wateen roobab ka da’ayay maalmihii u dambeeyay magaalada Berbera. Mr C/shakuur waxa uu intaa raaciyay in roobabkaasi ka da’yey Berbera iyo nawaaxigeedu khasaaraha ay geysteen uu yahay qaar ka mid ah tiirarka sabadaha ka samaysan ee ay ku xidhan yihiin waayirada dabka qaada oo ay dabaylaha roobku rideen, hase yeeshee maareeyuhu waxa uu xaqiijiyey in waayaradaasi dabka qaada aanay waxyeelo u geysan dadka iyo xoolaha ku dhaqan magaalada Berbera.

Waxa kale oo uu maareeyuhu sheegay in guud ahaan warshada laydhka ee Berbera ay hawlaheedu si caadiya u socdaan, basle waxa uu xusay in warshada laydhku ee Berbera bilihii u danbeeyey ay isticmaalaysay hal mishiin oo kaliya ka dib markii uu xumaaday mishiinkii labaad ee warshada dabka u shidi jiray.

Roobabkan maalmahan ka dayey magaalo xeebeedka Berbera iyo guud ahaanba gobolada dalka ayaa ku soo beegmay xili ay dadka ku nool magaalada Berbera ay ku jiraan dabaylaha wakhtigan xagaaga dhaca ee loo yaqaan dabaylaha Maansuunka oo ka soo dhaca koonfur galbeed ee dhaca dhulalka xeebaha.

Roobkanan oo maalmaha u danbeeyey si is daba jooga uga da’yey gobolada iyo degmooyinka dalka ayaan geysan khasaare balse bulshada reer Somaliland ayaa aad ugu mahadisay Ilaahay, taas oo lagu yaqaanay wakhtiga xagaaga inaan roobab sidaa u waawayni hore u di’i jirin, tahay deeq rabi ku manaystey ummadiisa.