Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2412

July 25,2010                                                                                   Sha'ban 13,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Dowladda Ingiriiska Oo Markii Ugu Horaysay Ku Baaqday In Ciidamo Afrikaan Ah Loo Soo Diro Somalia

London, July 25, 2010 (W.Wararka) - Dawladda Ingiriiska ayaa ku baaqday markii horaysay in Ciidamo faro badan oo African ah loo diro gudaha wadanka Soomaaliya si ay ugu biiraan Ciidamada uruka Midowga Africa ee jooga gudaha Wadanka Soomaaliya oo dagaallo kula jira ururka Al-Shabaab.

Hadalka ka soo yeedhay dawlada Ingiriiska ayaa ku soo beegmay Xilli uu ka socdo caasimada Ugandha ee Kampala  kulankii 15-aad ee Ururka Midowga Africa, mas’uuliyiin ka mid ah maamulka wadanka Ingiriiska wax ay sheegeen in muhiim ay tahay Ciidamo faro badan oo loo daad gureeyo gudaha Wadanka Soomaaliya, oo ay ka soconayaan dagaallo xooggan oo u dhexeeya ururka Shabaab iyo Ciidama Midowga Africa iyo kuwa dowladda KMG oo dhinac ah

Henry Pillingham oo ah Wasiirka arimaha Qaarada Africa ee Dalka Ingiriiska ayaa waraysa uu siiyay Wakaaladda wararka ee Reusters waxa uu sheegay in ay si wayn u soo dhawaynayaan aragtida ah in ciidamo faro badan loo diro Wadanka Soomaaliya oo ay iminka joogaan ciidamo ka kala socda wadamada Burundi iyo Uganda, wasiirka arimaha Afrika u qaabilsan Ingiriiska Mr Henry Pillingham   isago arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi  “Waxaan si aad ah u soo dhawaynaynaa ajandaha lagaga hadlayo Shirka AU-da ee ka socda magaalada Kampala loogana hadlay arimaha amaanka Soomaaliya, waxana ka war warsanahay suuro galnimada ah in meesha laga saaro jiritaanka dowladda KMG Soomaaliya oo dagaalo kula jirta Alshabaab oo haysto qaybo badan oo kamid ah Soomaaliya, hadaba sidaasi daradeed waxaa haboon in xoogagaas la saaro taageerida dowladda KMG, in ciidamo loo diro Soomaaliya iyo in lasoo celiyo xasiloonidii iyo kala danbayntii Soomaaliya “

Hadalka dowladda Ingiriiska ayaa ku soo beegmaya xilli Ururka Midowga Africa uu ka dhawaajiyay in ciidamo ka socda wadamada Jabuuti iyo Gani ay sheegeen in ciidamo ay u soo diri doonaan Soomaaliya.