Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2412

July 25,2010                                                                                   Sha'ban 13,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay

Waxaa Tarjumay Abshir A/Xasan[Qaybtii 3aad]

Waraaqdaadii taariikhdeedu ahayd 8dii March ayaa halkan degdeg u soo gaadhay, laakiin anigu ma awoodin in aan hore uga soo jawaabo caafimaadkayga oo aan wanaagsanay awgeed. Tan iyo badhtamihii bisha Soon, waxa i hayay xannuun xun oo joogta ah oo iga qabtay garabka midig, tan iyo haddana wax dawo ah oo xannunkan iga jabisa ma helin. Ugu dambayna dhakhtaradu waxa ay igula taliyeen in aan isku daweeyo X-ray jidhka hoos u gasha. 

Waxa aan ku akhriyey waraaqdaadii xiiso. Sawirada dharka dumarka Maraykanka ee aad ii soo dirtay war igu cusub ma aha. Halkan Laahoor badanaaba waxa aanu ku aragnaa dumarka reer Yurub iyo Maraykanka oo noocaas oo kale xidhan. Waxa aan arkay dumarka carabta ee Qaahira, Bayruut iyo Dimashaq ku nooli in ay qaataan oo ay ku socdaan dhar la mid ah kuwa lagu xidho Yurub. Ma malayn karo qof dumar ah oo in uun xishood ku jiraa sida ay u xidhato dharkaas. Xataa iyada oo ay arkayaan qaraabadeedu ayaa aanay juuq u odhanayn iyada oo ku baxaysa sidaa.

Aad baan ugu farxay in aan ogaado sida aad u yasto dharka noocaas ah. Haddii aad karto in aad barato afka Carbiga ama Urduuga oo aad toos u dhigatid amarada faahfaahsan ee Nabi Muxumad (NNKH) kaga hadlay dumarka, waxa aan rajaynayaa in aad ka helidoonto arimahaasi sida ay ugu haboon yihiin  dabeecadda runta ah ee dumarnimo.

Kaalinta bulshonimo ee dumarka reer Galbeedka qasabka lagaga dhigay in ay ka  ciyaaraana ma aha mid waafaqasan xaqiiqda "Xoraynta dumarka", laakiin waxa weeyi cadaadis iyo adoonsi. Kolkaa dacaayadda beenta iyo fooftaran habaabiska ku dhisan awgeed ayay dumarku isku dayayaan in ay dumarnimada ka qaadaan naftooda.

Waxa ay u malaynayaan in ay tahay hoos u dhac haddii ay buuxiyaan kaalintooda dabiiciga ah ee ay kaga jiraan nolosha iyo hawlaha ay dabeecaddu ku aadisay in ay qabtaan. Halkii ay taa ka yeeli lahaayeen ayay ugaadhsadaan hawl-rageed oo ay raadiyaan sharaf been ah. Ilbaxnimada reer Galbeedku waxa ay cadaysay in ay cadaw ba'an ku tahay dumarkeeda. Dhinac, waxa ay ka doontaa in ay u xambaariso culayska ay dabeecaddu keligood saartay, dhinaca kalena, ilbaxnimadani waxa ay dumarka ugu yeedhaa in ay gutaan hawlaha ragga ee noocyada badan. Sidaasi awgeed ayay dumarku laba dhagax dhexdood ugu jiraan. Sidoo kale dacaayadda lafteeda ayaa ku walcisay dumarka si ay u dareemaan in ay naftooda ka dhigaan qaar qurux badan oo soo jiita ragga. Kolkaasay ka dhaqaaqaan akhlaaqdooda iyaga oo xidhanaya dhar jidhku ka muuqdo amaba qaawan.

Waxa loo rogay dumarka wax ay gacmaha raggu ku ciyaaraan. Islaamku waxa uu cadeeyey in uu yahay ilaaliyaha dhabta ah ee xuquuqda dumarka, waayo waxa uu haweenay walba la xidhiidhiyey nin qudha, waxa aanu ka xaaraantinimeeyay ragga kale. Islaamku waxa uu siiyaaa ixtiraam wayn wax yaabaha dabeecaddu dumarka u qayday. Ilbaxnimada reer Galbeedku marka dhinaca kale laga eego waxa ay ka dhigtay dumarka adoomo ay  rag fara badani leeyihiin iyada oo ku lifaaaqday fikrad been ah oo foolxumaysa waxa allaale wixii hawlo ah ee ku haboon  dumarka.

lasoco