|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2412 |
July 25,2010 Sha'ban 13,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Kooxda Morny Milk Oo U Dabaal Degtay Sanad Guuradeedii 4-Aad Xuska sanadguuraddii afraad ee ka soo wareegtay kooxda kubbadda cagta ee Morny Milk ayaa habeen hore lagu qabtay Hotel Banaroma ee magaallada Hargeysa. Munaasibadan oo lagu guddoonsiiyay qalab isboorti oo iskugu jira kabo, dirays iyo kubaddo, ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha kooxda Morny Milk, Mustafe C/raxmaan C/laahi (Mustafe gargaar), Faadumo Siciid, abwaan sheekeeye, Xasan Waraaba-cade iyo qaybo ka mid ah bahda isboortiga. Ugu horeyn waxa halkaa ka hadlay guddoomiyaha kooxda Morny Milk, Mustafe Cabdiraxmaan Cabdilaahi, oo isagu si qoto dheer uga waramay marxaladii kala duwanaa ee uu la soo maray kooxdan Morny, isla markaana ka xogwaray duruufaha qalafsan ee wakhtigan haysta dhalinyarada Somaliland, taasi oo uu eedeeda dusha u saaray Xukumaddii Daahir Rayale ee hogaanka haysay, waxaanu kula dardaarmay inay dedaalkooda halkaasi ka sii wadaan. Guddoomiyaha kooxda Morny Milk, Mustafe C/raxmaan C/laahi (Mustafe gargaar), waxa uu farta ku fiiqay Dayaca ciyaaraha dalka ka muuqda oo uu sheegay inay halkii ugu hooseysay marayaan. Waxa kale oo uu sheegay in kooxda Morny Milk tahay kooxda keli ee dirays u gaar ah leh, waxa kale oo uu ugu baaqay ganacsatada reer Somaliland inay maal geliyaan ciyaaraha dalka. Mustafe wuxu codsi u diray madaxweynaha la doortay,Axmed Siilaanyo iyo xisbiga talada qabanaya ee Kulmiye oo uu ku tilmaamay dad aqoon la bidayo oo ciyaaraha u dhaami doona sida ay hadda yihiin. Waxa kale oo uu madaxweynaha cusub ka codsaday inuu guddi u saaro horumarinta ciyaaraha isla markaana dhalinyarada mooralkooda kor loo qaado. Ugu dambeyntii Mustafe Gargaar wuxu ku baaqay in si cilmiyeysan loo dhiso xidhiidhadii ciyaaraha iyo Olombikadii isla markaana shuruucdii lagu hagi lahaa la dardar galiyo. waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay Xasan Waraabe Cadde, oo u hambalyeeyey sanadguurada afaraad ee Kooxda Morny, isaga oo soo jeediyay ganacsatada Somaliland inay Naadiyada dhiiri galiyaan oo ay maalgashadaan, xukuumadda cusubna ugu baaqay inay u soo magacowdo dad aqoon u leh isboortiga, isla markaana halkaasi ka balan qaaday inuu kooxdan Morny siin doono shan kubadood, ugu dambayntii waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Marwo Faadumo Siciid oo tilmaamtay, sababaha uu u horumari laayay ciyaaraha Somaliland, iyada oo tilmaamtay in aanay jirin wax ciyaaro ah ama xidhiidho ah oo ay sameeyeen xidhiidhka kubada cagtu, iyada oo munaasibadaasi ka balan qaaday inay samayn doonto guddi ka howlgala sidii ay naadiyada oo uu ka mid yahay morny ay ula soo ciyaari lahaayeen wadama jaarka aynu nahay, iyadoo ay sidoo kalena ay haddalo ay gubaabo iyo dhiiri galin iskugu jirta ay ka soo jeediyeen, Abwaan Sheekeeye, tilmaamayna inay Xukuumaddi hore ku fashilmatay xoojinta iyo horumarinta Ciyaaraha Somaliland. |