Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2412

July 25,2010                                                                                   Sha'ban 13,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Khabiirkii Soo Saaray Sanduuqa Madow Ee Diyaaradaha Dived Warren Oo Ku Geeriyooday Dalka Australia

Khabiirkii soo saaray ama maskaxdiisa ka keenay Sanduuqa madow ee diyaaradaha ee sheega hadii diyaarada wax ku dhacaan hadalkii ugu danbeeyey ee ka baxayey qolka diyaaradaa Mr: David Warrren ayaa ku geeriyooday dalka Australia,

David Warren oo u dhashay dalka Australia ayaa ahaa ninkii maskaxdiisa ka keenay Sanduuqa Madow ee diyaardaha, Warren oo da’diisu gaadhasay 85-sano Warren ayaa Aabihii ku dhintay shil diyaaradeed sanadkii 1934. isagoo warren kamid ahaa koox culimo ah oo baadha diyaaradaha magaalada Melbourne ee dalka Australia,

Dived Warren ayaa soo saaray sanduuqa Madow ee diyaaradaha kaas oo duuba hadalkii ugu danbeeyey ee ay ku hadlayeen duuliyayaashii waday diyaaradaa uu ku xidhnaa hadii ay dhacdo. iyadoo markii ugu horeysay lagu tijaabiyey sanduuqaa diyaarad Rakaab sanadkii 1953 taas oo ka caawisay khubaradii baadhayey sababta ay diyaaradaasi u dhacday,

Warren ayaa markii ugu horeysay si Rasmi ah u soo saaray sanduuqaa oo sanadkii 1956 iyadoo uu qaatay mudo afar sanadood ah intii uu ku jiray tijaabada intaa kadibna waxa lagu isticmaalay sanduuqaa madow diyaaradaha Caalamka oo dhan oo aad looga faa,iiday, Wasaarada Difaaca ee dalka Australia ayaa sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in maanta caalamka oo dhan laga isticmaalo Sanduuqaa uu soo saaraay caalimka u dhashay dalkooda Austrlia,

 Shirkada Diyaaradaha ee dalka Australia ee Qantas ayaa u bixisay mid kamida diyaaradaheeda oo ah AirBus 380 magaca ninkaa caalimka ah ee Dived Warren isagoo Dived oo ku dhintay 85 jir uu ka tagay xaas iyo afar caruur ah iyo todaba caruura oo uu Awoow u yahay.