Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2412

July 25,2010                                                                                   Sha'ban 13,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Daraasad: Fadhiga Saacadaha Badan Oo Keena Xanuuno Khatar Ah

Darasad cusub oo ay soo saareen kooxda U qaabilsan dalka mareykanka Xanuunka Cancerka ayaa lagu sheegay in markasta oo qofku iska yareeyo fadhiga badan uu Cimrigiisu sii Kordho. iyadoo intaa ku dartay in fadhiga saacadaha badani uu keeno khatar badan, Daraasadan ayaa lagu sheegay in Dumarku ay maalintii in kabadan lix saacadood ay dul fadhiyaan Telefishinka ama Internetka iyadoo daraasadani ay ku ogaadeen culimadaasi inay fadhiga faraha badan uu kordhiyo dhimashada dumarka 40%. marka loo Eego dumrka iyagu fadhiya ilaa sadex saacadood maalintii,

Daraasadan ayaa sheegtay in Raga fadhiya maalintii saacado badan ay korodho tirada dhimashadoodu 20% marka oo Eego kuwa in yar fadhiya maalintii,

Culimadan ayaa sheegay mar kasta oo qofka fadhigisu bato isagoo cunaya ama qaadanaya cuntooyin badan oo sharaab iyo macmacaan isugu jira in taasi keento in miisaankiisu kordho isla markaana ay ku dhacaan xanuunada wadnuhu, Daraasadan ayaa lagu sheegay in fadhiga abadan uu keeno in qofka uu halis ugu jiro inuu ku dhaco waxuunka Cancerka iyo inuu yaraado wareega dhiiga ee jidhkiisa taasina ay keento in dhiigu si wanaagsan u gaadhi waayo wadnaha iyo inuu qofkaa ku bato dufanku sidaana uu ku qaado xanuunka Cholesterol-ka,

Daraasadan ayaa lagu soo gaba-gabeeyey in qofku u baahan yahay maalintii ugu yaraan saacad inuu sameeyo jimicsi si jidhkiisu u kala baxo caafimaadna uu u hello.

Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com