Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2413

July 26,2010                                                                                   Sha'ban 14,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Weftigii Ugu Cuslaa Ee Djibouti U Soo Dirto Somailand Oo Shalay Soo Gaadhay Hargeysa Si Ay Uga Qayb Galaan Xaflada Dhaarinta Madaxweynaha La Doortay

Waxay Ka Kooban Yihiin 16 Xubnood Oo Isugu Jira, Wasiiro Iyo Xildhibaano Uu Hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Cali Cabdi Faarax

Hargeisa, July 26, 2010 (Haatuf) - Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyada Djibouti, Cali Cabdi Faarax, ayaa shalay galab ka soo Degay Madaarka Caasimada Hargeisa ee Cigaal International Airport, Weftigaasi oo ka koobnaa 16 xubnood oo isugu jira laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Jabuuti, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Jabuuti iyo Xubno kale oo ka tirsan Baarlamaankaasi.

Weftigan oo si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeisa ayaa Waxaa soo Dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan ka tirsan Xisbiga KULMIYE ee ku guulaystay madaxtinimada dalka oo uu hogaaminayay xoghayaha arrimaha dibada ee xisbigaasi Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Talada ka sii Degaysa, Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Wakiilada Md C/Raxmaan Maxamed C/llaahi (Ciro), Salaadiin iyo Cuqaal reer Somaliland ah, iyo Marti Sharaf kale oo Tiro badan.

Wasiirka Warfaafinta Jabuuti ahna Afhayeenka Dawlada Jabuuti oo Warbaahinta ugu Waramayay Qolka nasashada ee Madaarka Hargeisa ayaa sheegay inuu Hambalyo ka sido Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele iyo Shacabka Reer Jabuuti, Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay Somaliland u yimaadeen inay ka Qayb galaan Xaflada Xilwareejinta Xukuumadii hore iyo Ta Cusub ee shacbiga reer Somaliland soo doorteen.

Mudane Cali Cabdi Faarax Waxa uu Somaliland ku hambalyeeyay hanaankii wanaagsanaa ee doorashadu uga dhacday iyo sidii wanaagsanayd ee Masuuliyiinta Axsaabtu isugu hambalyeeyeen guushii doorashada madaxtinimada Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay la soo jeedeen Shicibka reer Somaliland wakhtigii doorashadu socotay, kana war hayeen ilaa intii lagu dhawaaqayey natiiijadii doorashada, waxaanu intaasi raaciyay in ay ku Faraxsan yihiin sida Walaaltinimada leh ee loogu soo dhaweeyay Caasimada Somaliland ee Hargeisa.

Wasiirka Arimaha Dibada ee xukuumada xilka wareejinaysa, C/llaahi Maxamed Ducaale iyo Xoghayaha Arimaha Dibada Xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed C/laahi Cumar oo ku kala hadlayay Afka Xukuumada Madaxwayne Rayale iyo Xukuumada Cusub ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa halkaasi ka jeediyay kalmado soo dhaweyn ah, Waxaanay ka warameen xidhiidhka labada dawladood ee walaaltinimada ah.

Weftigan oo Casuumad Rasmi ah ka helay madaxwaynaha la Doortay ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sida uu Xaqiijiyay Xoghayaha Arimaha Dibada xisbiga Kulmiye Dr.Maxamed C/llaahi Cumar. Weftigan ayaa  Noqonaya kii  ugu Cuslaa ee Dawlada Jabuuti u soo dirto Somaliland, isla markaana waftigii ugu horeeyay ee ka yimaada wadamada jaarka ee ka qayb gala Xilwareejinta madaxweynaha xilka wareejinaya iyo madaxweynaha la doortay.