|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2413 |
July 26,2010 Sha'ban 14,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Kulankii Madaxda Midowga Afrika Oo Furmay Iyo Yuweri Musafani Oo Wacad Ku Maray Dagaal Ka Dhan Ah Al-Shabaab Kampala, July 26, 2010 (W.Wararka) - Waxa Magaalada Kampala shalay Ka Furmay Shir Madaxeedkii Madaxweynayaasha Ururka Midowga Afrika Iyadoo Kulankaasi Waxyaabaha Lagaga Hadlay Ay Ka Mid Tahay Xaalada cakiran ee Wadanka Soomaaliya, oo noqday Afganistan-tii Afrika. Kulanka Oo Uu Daaha Ka Rogey Madaxweynaha Martida Looyahay Ee Dalka Uganda Yuweri Musafani, Ayaa Halkaasi Ugu Horeyn Waxaa Uu Uga Mahad Celiyay Dhamaan Masuuliyiintii Kulanka Ka Qeyb Gashay. Madaxweynaha Uganda Oo Ay Ka Muuqatay Cadho badan Ayaa Ku Booriyay Madaxda Midowga Afrika In Ay Talaabo Cad Ka Qaadaan khatarta Ay Ku Sii Socota Qaaradda Afrika, Waxaana Uu Caalamka Ugu Baaqay In Si Deg Deg Ah Ay Wax Uga Qabtaan Argagixisada Geeska Afrika Oo Haatan Talaabooyinkooda Gaadhsiiyay Magaalada Kampala Ee xarunta Wadanka Uganda. Kulanka Ayaa Waxaa Goob Joog Ka In Ka Badan 50 Madaxweyne, Waxaana Lagu Wadaa In kulankaas ay ka hadlaan madaxwayne yaashaasi oo ay kaga hadlaan dhibaatooyinka mandaqada. Shirkaani Ayaa Bilowgiisii Waxaa Ciidamo Farabadan Loogu Balan Qaaday In La Keeno Soomaaliya Kuwaasi Oo Ay Balan Qaadeen Wadamada Nigeria, Sinigal, Zambia Gani Iyo Jabuuti Kuwaasi Oo Horey U Balan Qaaday In Ay Ciidamo U Soo Dirayaan Soomaaliya Hase Ahaatee Aan Dhaqan Galin Arinkaasi. Shirka Ayaa Lagu Wadaa Inay Ka Soo Baxaan Qodobo Ay Ka Mid Yihiin In Sharciga Loo Badalo Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee Ku Sugan Muqdisho Iyo Soo Kordhintooda Iyadoona Sida La Sheegay La Gaadhsiinayo Ilaa 20 Kun Oo Askari Si Ay Dowladda KMG U Caawiyaan dawlada taagta daran ee Soomaaliya. Dhinaca Kale Madaxweynaha Wadanka Uganda Ayaa Mar Kale Ku Celiyay Mowqifka Uu Ka Qaadanayo Al Shabaab Isagoo Wacad Ku Maray In Uu Tirtirayo Al Shabaab Iyo Kooxaha Kale Ee Lala Xadhiidhiyo Argagixisada. Kulanka Madaxweynayaasha Midowga Afrika Ayaa La Filayaa In Ay Ka Hadlaan Madaxweynayaal Farabadan, Waxaana Midowga Afrika Laga Sugayaa In Go’aan Kama Dambeys Ah Ay Ka Gaadhaan Xaaladda Daba Dheeraatay Ee Ka Jirta Soomaaliya, Waxaana Shirkaani Uu Soo Gaba Gaboobayaa 27-Ka Bishaan. |