|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2413 |
July 26,2010 Sha'ban 14,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Sheekh Aadan Siiro Oo Soo Qaban Qaabiyey Kulan qaadhaan Loogu Ururinayay Xarunta Agoomaha Hargeysa Hargeysa, July 26, 2010 (Haatuf) - Kulan balaadhan oo Qaadhan loogu Ururinayey Xarunta Aqoomaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Ganacsato, Qurbo-joog, Culimo-awdiin iyo Xubno ka hawl gala Hay’adaha wadaniga ah. Kulan oo ujeedadiisu ahayd mid lagu gorgaynayay, sidii Caruurta Aqoomaha ee ku jira xaruntaasi loogu dhisi lahaa Guryo ay u hooydaan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda, waxana munaasibadii kulankaasi ka bilaabantay in qaadhan loogu ururiyo Xaruntaas agoomaha, Kulankan Qaadhanka loogu ururinayey Xarunta Agoomaha ee magalada Hargeysa maalintii shalay ayaa waxa soo qabanqaabiyey Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro), oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somaliland islamarkaana ka mid ah shaqsiyaadka sida weyn u kaalmeeya dadka danyarta ah, kana qayb qaata horumarinta dalka Ugu horeyn waxa Kulankasi qaadhanka loogu ururinayey Xarunta Agoomaha Hargeysa ka hadlay Sh. Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) waxana uu ka waramay, baahida ka jirta xarunta agoomaha loona baahan yahay in qaadhan la iska ururiyo, qaadhaankaas oo uu sheegay in lagu shubo Account Gaar ah oo loo sameeyay oo ah D17580 ama Zaad Nember oo ah 4177853 waxaanu sheegay in isagu uu Account-ka uu ku shubayo lacagtii ugu horeysay oo dhan 1,000$, Waxaanu Ganacstada iyo Qurbojooga ka codsaday in la taageero Xarunta Agoomaha; waxa kale oo uu ka hadlay wanaaga ay leedahay in qof Carruur ah oo Agoon ah waxa la taro isaga oo sheegay in if iyo akhiraba ajar laga helayo, Sh Aadan Siiro oo arrinkaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Walalayaal waxaynu halkan u joogna in caruurteena Agoomaha ah qaadhan loo Ururiyo oo waxa la taro waayo iyagu waxa danbi ah oo ay leeyihiin ma jirto waxaan kale oo aan idiin sheegaya haddii aynu daryeelo Carruurteena dalkeenuna wuu horumarayaa sidaasi daradeed walalayaal aynu ogaano caruurteen agoomaha, Waxa kale oo aan baaq u dirayaa madaxweynaha cusub ee la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo runtii ah waayo arag rugcadaaya halgankii SNM-na hogaankii ugu wakhtiga dheer ahaa aad waxaanu uga codsanynaa in uu culayska saaro caasimada oo runtii ay ku nool yihiin caruurtaas yaryar ee aanay jirin cid u soo gurmataa waxanu soo jeedinyaan in boqolka maalmood ee uu tilmaamey in uu waxqabanayo madaxweynuhu in uu ugu horeysiiyo Carruurtas yaryar ee Agoomaha oo iyaga gurmadka ugu horeeya aad ka bilawdo “Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in waxa lala qabto hablahaas qurbaha ka yimid ee wakhtigooda u soo huray ee dhismayaasha ka dhisay xarunta in sida ay iyaguba u dadaaleen inaguna aynu ka qaybqaadano aad ayey u mahadsan yihiin hablaheena qurubaha ka yimid ee dib u dhiska ka sameeyay xaruntan aynu joogno waxaan halkan idinka sheegayaa in Xaruntan Agoomaha loo sameeyay Account Nember D17580 ama Zaad oo ah 4177853 Lacagtii ugu horeysayna anigaa Akoonka ku shubaya waana 1,000$ Kun doolar Akoonkan waxa loogu talo galey tabarucaadka” Ayuu yidhi Aadan Siiro Waxa kale kulankaasi hadal ka jeediyey Xildhibaan Yuusuf Kirix Cawed, oo isna ka mid ah golaha deegaanka caasimada Hargeysa waxanu sheegay in uu xooga saari doono sidii uu golaha deegaanka caasimada u soo hordhigi lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee ka jirta Xarunta Agoomaha Isaga oo arintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Waxaan ka tirsanahay Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa markaa waxaan idiin sheegayaa in kulankayaga ugu horeeya ee furmo waxan soo badhigi doona baahiyaha ay tirsanayaan caruurtan yaryar ee ku jirta Xaruntu Agoomaha , Aniga shakhsiyan waxaan qaata lacag gaadhaysa 250$, markaa waxa aan ugu deeqi doonaa 100$ waxaan kale oo aan Hiil iyo hooba la garab tagnaan doona Sheekh Aadan Siiro oo runtii wanaaga ka shaqeeya oo markasta jecel in bulshadu horumarto” ayuu yidhi Xildhibaan Kirix. Waxa kale oo isaguna ka hadlay Kulankaasi masuul u hadlayay shirkada dahabshiil waxna uu shaaca ka qaaday in ay hore ugu dhawaaqeen in ay bixiyeen lacag dhan 10,000$, isla markaana ay gacan la barbar taagnaan doonaan xaruntan iyo caruurta yaryar ee ku jirta labadabada. Marwo Faadumo Siciid, oo halkaas hadal kooban ka jeedisay ayaa Qaadhankaas loo Ururinyey Caruurta Agoomaha ku deeqday in ay bixinayso lacag dhan $1200 iyada oo u kala qaaday in hay’adeeda ODHA bixin doonto lacag gaadhaysa 1,000$ shakhsi ahaanteedana u bixin doonto 200$,waxa kale oo ay sheegtay ay hore wax uga qabteen baahiyaha yaala xaruntan, iyada oo sheegtay in ay hore ugu deeqeen Xoolalka Carruurta lagu rido marka ay dhashan Hodan oo ku hadlaysay Afka Hablaha qurbojooga ah isla markaana masuul ka ahayd dhisme laba qol ah oo lagu daray xarunta agoomaha ayaa sheegtay in ay xooga saari doonaan sidii ay caruurtan yaryar ee agoomaha wax ula qaban lahaayeen. Waxa kale oo ay sheegtay in aanay ka daalayn taakulada ay ugu tallo galeen caruurta yaryar ee ku jirta xarunta agoomaha waxa kale oo ay sheegtay in dhiseen laba qol oo ay ugu tallo galeen caruurtaas. Shadiya, oo iyaduna ka mid ah Hablaha Qurbajooga ah oo kulankaasi ka hadashay ayaa sheegtay in ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulayaan sidii caruurtaas yaryar waxa ugu qaban lahayeen, waxa kale oo ay xustay in inta ay dalka ku sugan tahay iyo marka ay dibada ku noqotaba ay ka qayb-qaadan doonto sidii wax loo tari ee loo Ilaalin lahaa caruurtas yaryar, waxayna bulshada reer Somaliland Gudo iyo dibadba ugu baaqday in la caawiyo caruurta yaryar ee Agoomaha xaruntan ku jirta. Waxanay bulshada reer Somaliland u soo jeediyay in ay dhinacooda diyaar uga noqdaan, isla markaana wixii qaadhaan ah ee ay ugu talo galeen ugu soo hagaajiyaan Account D17580. Waxa isagu gabgabadii ka hadlay Gudoomiyaha Cusub ee Xarunta Agoomaha C/risaaq (Kildhi) waxanu uga mahadnaqay dhamaanba dadkii ku yaboohay qaadhaanka, waxaanu tilmaamay in ay baahi aad u balaadhani ay ka jirto xarunta agoomaha.isaga oo sheegay in Xaruntu Dhul ahaan ku fadhido Qiyaas gadhysa 3killo Mitir oo isku weer ah, waxanu xusay in Xaruntu ay ka isticmaashay in yar, waxaanu bulshada reer Somaliland u soo jeediyay in la soo caawiyo Xaruntan agoomaha. |