Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2413

July 26,2010                                                                                   Sha'ban 14,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Maxay Dawladda Cusubi Ugu Talo Gashay Ardayda Jaamacadaha Ka Qalin Jabinaysa?

Cabdifataah Sh. Nuux Jaamac Senior Student Of Business Administration In University Of Hagaisa

Waxay ahayd 1991 markii aynu madaxbanaaniddeedii  kala soo noqonay Somalia inteedii kale taas oo rajo iyo yididiilo galisay in badan oo shacabka ka mid ah sidoo kale waxay ahayd wakhtigii ay dad badani  ay dib u bilaabeen   waxbarashadoodii kaas oo uu ka soo dhex galay dagaaladii lagu xoraynayay wadanku  waxaa ay ahayd horaantii 1993 markii ay dadka intooda badani waxbarashada u dareereen ee ay qalinka mar labaad u soo qaaateen sidii ay wax u baran lahaayeen.

Aaan dib u yara milicsano aasaaskii waxbarasho, runtii waxbarashadu waxay ku bilaabantay wakhti adag taas oo qofkastaa garan karo siday ahayd .maalinba maalinta ka danbaysa horumarka xaga waxbarashadu wuxuu ahaa mid mid talaabo hore u qaadaya siina xoogaysanaya taas oo ay markii danbe gaadhay xili ay hir galaan ama aasaasmeen dugsiyada hoose/dhexe kuwaas oo aad dalku ugu baahnaa intaa ka bacdi niyadii dadku waxay ahayd mid sii kordhaysa dadaalkoodiina wuxuu ahaa mid marba marka ka danbaysa sii horumaraya ilaa ay ka gaadheen heer ay samaystaan dugsiyo sare kuwaas oo ka hir galay dhamaan gobolada Somaliland ugu danbaytiina waxay ka midho dhaliyeen inay jaamacada faro badani ka aasaas maan wadanka, taas oo dad badan ku noqotay u qaadan waa ama afkala qaad markii ay maqleen jaamacada ayaa la furay laakin ay cid kastaa ogaatay in dadaalka la sameeyaa uu midho dhalkiisu yahay in wax kasta oo ala lala kaashaadaa uu rumoobo, runtii jaamacadaha dalka ka hir galay waxaa si wayn u soo dhaweeyay arday badan oo cabasho ka muujinayay jamacadaha dibadaha , oo dhaqaale badani kaga bixi jiray iyo noloshii ay kala kulmi jireen qurbaha iyo wadamada shisheeye waxaanay u riyaaqeen riyadaa dhabawday, sidoo kale ayaa araydii dugsiyada sare ku jirtay ay ay u noqotay himilo iyo yididiilo  cusub oo ay ku xisaabtamaan sidoo kale bulsho waynta reer Somaliland aqoon yahan o,culimo awdiin iyo waxgaradka ayaa arintaan aad ugu riyaaqay kuna hambalyeeyay cid kasta oo gacan ka gaysatay inay maruun ka hano qaadaan jamacado dalkani.

sidoo kale qurbo jooga Somaliland oo iyaguna hiil iyo hooba la garabtaagnaa ayaa iyagu laftoodu aad ugu riyaaqay airntan horumarka iyo yididiilaada leh ee ay sameeyeen shacabka tirade yar ee   reer somalialnd, ilaa iyo hadana muu istaagin dadaalka ay shacabka reer Somaliland ugu jiraan sidii ay dadlkooda u horumarin lahaayeen si ay waxkasta oo ay ubaahdaan uga helaan, walaw aanay wali suurto galin in ardayga jaamacada dhamaystaa uu fursad u helo sidii uu u sii wadan lahaa (Master ) ama aqoontiisa sare laakin dad badan ayaa ku rajo wayn inay taasina noqon doonto talaabada tan ku xigta ee la qaadi doono hadii ilaahay la garab galo.

Xikmad soomaliyeed ayaa tidhaa (NIMCO KASTAABA,NUSQAANTEED LEH ) walaw ay jaamacada sii kordhiyaa ay dhaafeen xadkii loogu talo galay taas oo dhabar jab ku noqon karta waxbarashada dalka waayo (WAXKASTA OO BATAA WAY QIIMO DHACAAN ) sidaas daraadeed ayaa manta jamacada wadankan yar ee curdinka ah ka jiraa ay maanta kor u dhaafeen dhawr iyo tobaneeyo taas oo aan marna galayn caqliga qofka caadiga ah in wadan yar oo aan ictiraaf helin ay ka furnaadaan waxaasoo jaamacadi, sidoo kale ayaa dadka ka hadla  arimaha siyaasadu ay sheegaan inay sabab u ahayd dawlada uu wakhtiigeedii dhamaaday taas oo aan wax siyaasada oo cad ka lahayn arimaha tacliinta sidoo kale ayay sheegaan inaanay dawladaasi samayn wax wasaarada oo maamusha tacliinta sare taasina ay sabab u noqotay inay jaamacaduhu noqdaan meel loo soo shaqo tago ama laga ganacsado, sidoo kale ayay arday badan oo aan awoodayn xili ay jaamacado galaan ay ku khasabtay inay jaamacada iskaga biiraan maadaama oo aan lagu xidhayn wax shuruudaa taasina ay sababi karto arday aan aqoontoodu dhisnayn oo ka soo baxa jaamacadaha hadhawna dib u dhac wayn ku keena dalkan yar ee curdinkaa.

Hadii aan dib u yara jaleecno tan iyo maalintii laga hir galiyay jaamacada tirade badan waxaa maalinba maalinta ka danbaysa soo qalin jabiyay arday tiradoodu marba marka ka danbaysa ay sii kordhaysay oo kor u dhaafaya kumaanaan arday, sidoo kale ayaa wakhti xaadirkan waxaa ka qalin jabinaya jaamacada hargaisa arday tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 250 arday kuwaas oo u diyaar ah inay dhawaan gashadaan koofiyada qalin jabinta.

hadaba dawladii uu xilka ka dhamaaday oo aan haba yaraatee wax siyaada ka lahayn dhalinta tirade badan ee ka soo qalinjabisay jaamacada, taas oo markasta xaflada qalin jabinta ardayda ugu balan qaadi jirtay weedho macmacaan oo ay niyada ugu dhisayso laakin dad badani ay ilaa hada is waydiinayaan balan qaadyadii waxay u rumoobi waayeen, sidoo kale niyad jabkii  ku yimid ardaydaasi wuxuu galaaftay in badan oo mudo badan qalinka haysatay ugu danbayntiina jaamacada ka baxay ay isku guraan badwaynta una tabaabushaystaan sidii ay u tahriibi lahaayeen  si ay u helaan nolol tan ay ku nool yihiin ka wanaagsan, sidoo kale ayaa in badan ay barteen balwadaha kala duwan ee mukhaadaraadka iyo drugs-ka, kuwaas oo maanta meel ay iska soo qabtaan garan la; sidoo kale waalidii dhalay ee ku tabcay ay ka rajo beeleen.

 Aan u soo noqdo gunaadka mawduucaygan aniga oo aan ka hor dhacayn xukuumada cusub ee uu madaxwayne siilaanyo soo dhisi doono  waxay ila noqotay inaan dhawr qodob u soo jeediyo si aanay u marin dariiqii ay qaaday dawladii ka horaysay ee wakhtiigeedii ku dhamaysatay fadhiidnimada.

 Ugu horayn waxaan jeclaan lahaa in madaxwaynaha cusubi uu dhiso wasaarad maamusha tacliinta sare taas oo aasaas u noqon karta inay badbaadiso wadankan yar ee curdinkaa, joojisana jaamacadahan sida xad -dhaafka ah ugu soo kordhaya dalka, sidoo kale ayaa waxaan madaxwaynaha cusub u sheegayaa inuu ka faaidayso maskaxda curdinka ah ee ay aqoonta iyo daacadnimadu ka buuxdo, waxaa hubaal ah in dawlad kasta oo ka faaidaysata maskaxda dhalinyaradeedu ay barwaaqo iyo bashbash ku danbayso, dalka iyo dadkuna uu ka faaido.

Ugu danbayntii waxaan maamulka cusub ka codsanayaa inaanu la mid noqon sidiii maamulkii ka horeeeyay ee afka macaanaa laakin waxtarkiisu liitay, balanta uu qaadana aan fulin jirin, laakin uu noqdo maamul ka duwan kii ka horeeyay, shaqaalaysiinaya ardayda ka baxday jaamacada dalka ogadaana  dadaalkii iyo dhibtii ay la soo mareen mudada badan sidii ay maruun u qalin jabin lahayeen,sidoo kale ayaa marna waxaan la ilaawi karayn xusuusta qofkastana aan ka go'ayn sidii ay doorka muhiimka ah ugu ciyaareen doorashadii dalka ka dhacday dalka 26 june   taas oo qiiro la yaab leh ku reebtay shacabka reer Somaliland sidoo kalena waxay ahaayeen ardaydaasi kuwii suurto galiyay inay doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacdo guud ahaan dalka Somaliland waxaan rajaynayaa inaanay dawlada cusubi ilaawin abaalka ay hore u soo galeen ardayda jaamacaduhu guud ahaan iyo gaar ahaan ARDAYDA JAAMACADA HARGAISA oo iyagu hiil iyo hooba la garan taagnaa sidii ay doorasho maruun uga suurto gali lahayn dalkan yar ee curdinkaa.

Ugu danbayntiina waxaan maamulka cusub mar labaad ka codsanayaa inuu shaqada ugu horeeyo ku bilaabo ardayda imika ka qalin jabinaysa jaamacada dalka iyo jaamacada hargasiaba ee ku dhaw boqolaalka si ay dawlada cusub ula jaan qaado ardayda ceeb ka saliimka ah ee xorta ka ah dhamaan mukhaadaraadka kala duwan sidoo kale ay dawlada cusubi u samayso siyaas cusub oo lagu hagayo waxbarashada dalka ee tacliinta sare  sidoo kalena ay cayinto waxay ugu talo gashay ardayda jaamacdaha , ardaydana jaamacahaha iyagana waxaan u rajaynayaa inay noqon doonaan kuwii dadlkooda iyo dadkooda anfaca aaamin yaa rabi………

Qalinkii :A/fataah sh.nouh jaamac

Samriye99@hotmail.com

Mobile: 4474468