|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2413 |
July 26,2010 Sha'ban 14,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay Waxaa Tarjumay Abshir A/Xasan[Qaybtii 4aad] Warkaagii ku saabsanaa Jaamacadda Islaamka ee Madiina Sax ma aha. Manhajka aan anigu diyaariyey ee ay ansixisay guddi uu magacaabay boqorku, waxa ku jira barashada Quraanka, Xadiiska, Fiqiga, hadalka iyo Taariikhda Islaamka oo lagu daray falsafadda Yurub, xukunka, Taariikhda, dhaqaalaha, siyaasadda iyo is-barbardhigga diimaha. Mid ka mida luqooyinka Yurub - Faransiiska ama Ingriisiga ama Jarmalaka ayaa khasab lagu baranayaa. Waxbarshada lagu saleeyo mashruuca noocaas ah lagamu tilmaamikaro "Cilmaani" ama "Diini" marka laga eego macnaha gaaban ee ereyga dambe loo fahmo. Waxa aan ugu talagallay inay Jaamacaddani ka duwanaato Machadyada cusub ama madarsadihii wakhtigoodii dhamaaday oo ay ahaato mid iskeed u leh wax u gaar ah. Waxa aan rajaynayaa in aan soo saaro aqoon yahano muslin ah oo ku xeel dheer Islaamka, lehna aqoonta cusub, si ay karti ugu yeeshaan inay ku dabaqaan Islaamka dhibaatooyinka nolosha ee hadda jira. Sida dalalka kale ee Muslinka ah ayaa Sacuudigu imika waxa uu yahay muuqaalka ay isku Hirdinayaan laba ilbaxnimo oo loolamayaa. Helitaanka Saliida ayaa keenay hodanimo aan xad lahayn oo albaabada u furtay ilbaxnimada reer Galbeedka. Riyaadda cusubi waxa ay lamadegaanka Careebiya ugu fidaysaa sida caasimadaha reer Galbeeka oo kale. Sidaa oo kale waxa iyana u kobcaya Dahraan iyo Jidda. Xataa Maka iyo Madiiini waxa ay marayaan marxaladda "cusbonaysiinta". Xiligan adag oo kale, haddii aynu ka baaqsano in aynu soo saaro aqoonyahano heersare ah oo ku hubayn kara Careebiya aqoon maskaxeedka iyo hogaaminta lagama maarmaanka ah, waxa aan ka baqayaa in dhulka Islaamka ee barakaysan uu xaadhi doono dhaqan maadi ah oo la mid ah kii horeba ugu riday halaaga Turikiya imikana Masar, Tuuniisiya, Marooko, Indooniisiya iyo Baakistaana fara baas ku haya. Waxa aan u malaynayaa in ay tahay hawsheena ugu horeysaa in aynu badbaadino khatarta kusii kordhaysa goobaha dhexe ee islaamka. La soco…… |