Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2413

July 26,2010                                                                                   Sha'ban 14,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Ciyaaraha Xagaaga Soomaalida Yurub Oo Ka Furmay Magaalooyinka Helsinki Iyo London

Ciyaarihii xagaaga ee sanad walba ka dhici jira xiligan qaarada yurub ayaa si rasmi ah uga furmay cariga Ingiriiska gaar ahaan waqooyiga magaalada London,ciyaarahaas oo socon doona mudo 17 maalmood ah. ciyarahan oo sanadwalba ka dhaca dalkan Ingiriiska loona yaqaano Somali Week UK.

Waxa kasoo qaybgalay dadweyne aad u fara badan oo Somali ah oo ka kala yimid dhamaan daafaha dalkan Ingiriiska waxa sidasoo kale kasoo qaybgalay madax fara badan oo ka tirsan dawlada hoose ee xaafada lagu qabtey ciyaaraha ee Haringey Council oo sanadkan nasiib u yeeshay inay xaafadaa lag uqabto.

Waxa aad usoo buux dhaafiyey dadweyne farabada oo ciyaaraha xiiseeya iyo caruur yar yar oo ay walidkoodu meesha keneen si ay u daawadan waxa dadkii soo abaabuley ka mid ahaa Ahmed Sheel oo ah odayaasha Soomaalida ee had iyo jeer jecel aamisana in Ispoortigu yahay waxa kaliya ee dadku isku dhexgali karaan,isagoo dadkii na mahadnaq usoo jeediyey

Waxa sanadkan ciyaaraha xaga dhaqaalaha ka saaciday xawaalada Dahabshiil. Waxa ka hadley mid ka mid ah madaxda shirkada C/rashiid M Abdi oo aad ugu mahadnaqay dadkii isku soo duba ridey bandhig ciyaareedkan sanadkan anagu hadaanu xawaalada Dahabshiil nahayna aanu kor usii qaadi doono horumarka bulshada.

Waxa ay ahayd madal dadka ciyaaraha jeceli ay aad ugu riyaaqeen oo dadku ay u fadhiyeen si nidaamsan oo ay ku dheehan tahay ixtiraam,waxa dhinaca kale aad moodaa in dhawaanahan ay dadka Soomaalida ah ee dalalka dibada joogaa ay aad u xiiseeyaan kubada haday noqoto inay ciyaaraan iyo haday noqoto inay daawadaan, tasoo keeni karta inay yaraato fadhi ku dirirkii iyo maqaaxiyahii dadku ay iska fadhiyi jireen oo sidasoo kale ay dadku caruurtooda ay geynayaan meelaha kubadaha lagu ciyaaro.

Dhanka kalana waxa magaalada Helsinki ee caasiamda dalka Finland ka furmay

Cayaaraha xagaaga ee Eruo Som oo si rasmi ah uga bilowdey caasimadda dalka Finland ee Helsinki, cayaarahan ayaa ah kuwo sanadkasta lagu qabto mid ka mid ah wadamada Yurub ee ay Soomaalidu degan tahay waxana isku arka naadiyada kooxaha ka dhisan wadamada Yurub ee Jaaliyadaha Soomaalidu dhisteen, gaar ahaan wadamada la isku yidhaa Scandanivian-ka (Swden, Denmark, Finland iyo Norway) iyo weliba dalka Britain.

Xaflad oo si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday garoonka (Prahen Kenta) ee magaalda Helsinki ayaa waxa lagu Furay aayadaha Quraanka kariimka oo uu halkaasi ka aqriyay Cabdifataax Yare kadibna waxa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey gudoomiyaha qabanqaabada ahna gudoomiyaha Ururka Kanava Cabdulqaadir Axmed Nuur “Hadaafow” kaasoo ka hadlay ahmiyada balaadhan ee uu ulee yahay dhalinyarada isu imaatinkan iyo cayaaraha isagoo umahad celiyay dhamaan ka soo qaybgalayaashii isagoo si gaara u amaan badan usoo jeediyey maamulka Eerosom iyo kooxaha kasoo qeyb galay tartankan.

Mr. Hadaafow ayaa sheegay in kooxaha iyo Maamulkooda ay kusoo dhawaadaan magaalada Helsinki isla markaana ay dhalinyarada ka shaqeeyaan sidii la isu dhex gali lahaa aqoontana la isu weydaarsan lahaa.

Waxaa isna lagu soo dhaweeyey Qunsulka dalka Ingiriiska ee Finland Mr. Philip kaasoo ka hadlay in dhamaan ciyaartooyda Soomaalida ee ka kala yimi qaarada Yurub inuu usamaynayo casho si ay isu dhexgalaan isuna bartaan.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Ajaaniib madax ka ah dalka martida loo yahay oo kala ahaa: Gudoomiyaha xafiiska ururada, dhalinyarada iyo kaalmooyinka, Mr. Marko toivoinen.

Gudoomiyaha waaxda isboortiga ee magaalada Helsinki , Mr.Ansi Rauramo Iyo mas, uul ka socday wasaarada waxbarashada, Mr. Mikko cortes Waxayna dhamantood ka mideeysnaayeen sidii dhalinyarada Soomaalida loogu dhiiri galiyey in magaalada Helsinki iyo dalka Finland ay gacmo furan kusoo dhawaadaan.