|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2413 |
July 26,2010 Sha'ban 14,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Gabad Shaqaale Ah Oo Dhaxal U Heshay 4.5 Million Oo Dollar Iyo Guri Fiilo Ah Dalka Singapore Dalka Singapore ayaa waxaa ka dhacay arin aad u cajiiba kadib markii ay gabadh Jaariyad ah oo u dhalatay dalka Filipine ay ka dhaxashay Reerkii ay u shaqeynaysay lacag dhan 4.5 Malyuun Doller iyo Guri Fiilo ah, Gabadhan ayaa u shaqeynaysay nin Dhakhtar ah iyo hooyadii, Jaraa,idka dalkaa Singapore ayaa sheegay in Christian oo 47 jir ah oo u dhaltay dalka Filipine ay u shaqeynaysay nin dhakhtar ah oo u dhashay dalka Singapore oo la odhan jiray Dr: Kwik Kai Mio oo 66 jir ahaa iyo hooyadii, gabadhaa Jaariyada ah ayaa la noolayd oo u shaqeynaysay Reerkaa nolosheeda intii badnayd, Ninkan dhakhtarka ah oo dhintay sanadkan bilowgiisii ayaa uga tagay gabadhaa u shaqeynaysay lacag dhan 4.5 malyuun Doller iyo guri aad u qurux badan, Ninkan ayaa la sheegay inuu sidaa u yeelay isagoo Raali ka ahaa sida wanaagsan ee ay gabadhaa jaariyada ah ay hooyadii u haysay iyo sida ay isaga u xanaaneyn jirtay markii hooyadii dhimatay, Christian oo ah gabadha lacagtan dhaxalka u heshay ayaa sheegtay inay Ninkaa Dhakhtarka ah iyo hooyadii ay la noolayd in ka badan intii ay Hooyadeed iyo Aabaheed la noolayd, Cristian ayaa sheegtay in markii uu dhintay ninkaa ay u shaqeynaysay ee Dr: Kwik Kai Mio ay u wareegtay guriga inaadeerkii oo ay halkaa ka shaqeynaysay iyadoo ninkaasi uu u soo kaxaystay si,aanay shaqo la,aan u noqon oo ay gurigisa uga shaqeyso, Christian ayaa sheegtay in aanay filanayn in ninkii ay u shaqeynaysay uu uga tagayo lacagtaa faraha badan iyo guriga caalamiga ah, jaraa,idka dalkaa Singapore ayaa sheegay in Christian ay sideedii iska tahay oo ay xidhato dharkeedii ay ku shaqeyn jirtay ee ay la qabsatay iyadoo gabadhaasi in kastoo ay heshay lacag malaayiin ah hadana aanay bedelin nidaamkii nolosheeda, Christian ayaa sheegtay in aanay ku fekerayn lacagta ay heshay isla markaana ay nolosheedii u wadato sidii ay hore u ahaan jirtay iyadoo intaa ku dartay in Asxaabteeduna ay ula dhaqmaan sidii hore ay u wada dhaqmi jireen. Christian ayaa la sheegay in hadii ay muujiso lacagtedaa ay ka baqayso in kooxaha shuftada ah ee dalka Filipen. |