|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2413 |
July 26,2010 Sha'ban 14,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Malabka Oo La Qiray In Haddii Dux ahaan Loo Marsado Uu Ka Tayo Badan Yahay Kiriimadda wajiga Khubaro ku takhasustay qurxinta iyo daryeelka caafimaad ee maqaarka bani aadamka ayaa cilmi baadhis ay muddo wadeen ku sheegay in malabka oo lagu dhaashto (marsado) ay qayb wax ku oola ka qaadato quruxda wajiga qofka iyo guud ahaanba maqaarka. Khubaradan oo ka kala tirsan Jaamacadda Cambridge ee magaalada London iyo Mac’had cilmi baadhiseed oo isla London ku yaalla ayaa daraasad ay muddo wadeen oo ay soo gebogabeeyeen horaantii bishan ku caddeeyay in is qurxinta xilli qaboobaha oo inta badan maqaarka sare adkaado ama harqo ay tahay xilliga ugu wanaagsan ee looga faa’iidaysan karo qurxinta maqaarka. Waxaanay khubaradu carrabka ku dhufteen in xilligani yahay xilli aanu jidhku inta badan la kulmin fallaadho ka imanaya Qoraxda oo waxyeelo u gaysta quruxda dubka sare ee bani aadamka. Cilmi baadhayaashani waxay sheegeen in xilliga Jiilaalku uu yahay xilliga ugu wanaagsan ee looga faa’iidaysan karo qurxinta jidhka iyo kor u qaadista bilicda Maqaarka, laakiin waa haddii la isticmaalo kiriimo jidhka qooya iyo maaddooyinka kale ee dabiiciga ah. Khubaradu waxay si gaar ah u xuseen in Malabku yahay maadada ugu fiican ee qurxinta maqaarka loo adeegsan karo. Malabku waxa uu jidhka ka ilaaliyaa dildilaaca iyo haraqa, waxa uu ka ilaaliyaa qallafka, waxa kale oo xeel dheerayaashani sheegeen in biyo badan oo la cabo maalintii ay jidhka u horseedo inuu ka hor tago engega iyo qallafsanaan ku yimaada. Waxa ugu wanaagsan ee la isku qurxin karo, isla markaana ah dabiici aan wax saamayn taban ah ku yeelanayn jidhka ayaa khubaradu ku sheegeen inuu yahay Malabka oo aynu hore u ogayn in uu yahay caafimaad iyo daawo, balse hadda aynu xaqiiqsanay in taas ay dheer tahay inuu yahay maaddo la isku qurxin karo oo dabiici ah,. Dhinaca kale, daraasad ay samaysay Jaamacadda Florida oo ku taalla dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in Malabku dawo ka yahay xanuuno ku dhaca maqaarka oo uu ka mid yahay Dabku. |