|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2414 |
July 27,2010 Sha'ban 15,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Hogaanka Ururka Al-Shabaab Oo Ay La Wareegeen Jihaadiyiin Ajaanib Ah Iyo Damacooda Ay Ku Doonayaan Qabsashada Geeska Afrika Magacyada Iyo Wadamada Ay Ka Soo Jeedaan Hogaamiyeyaasha Cusub Ee Ururka Al-Shabaab Nairobi, July 27, 2010 (East African Standard) - Kooxo Ajaaniib ah oo ka tirsanaa ururka argagixisada ah Al-Shabab ayaa hogaankii kala wareegay shaqsiyaadkii Soomaalida ahaa ee hore hogaanka ururkaas u hayey, taas oo ah tallaabo loo arko inay keentay in ururkaasi uu dagaalkiisa u gudbiyo bariga Africa, wargeyska The East African Standard ee Nairobi ayaa sidaasi daabacay. Hogaamiyayaasha cusub oo badankoodu ah rag ku soo tababartay xerooyin ururka Al-Qacida uu ku leeyahay dalka Afghanistan, ayaa imika hogaamiya siyaasadda ururkaas, waxaana ay si toos ah mas’uul uga ahaayeen amarkii lagu fuliyay qaraxyadii Kampala. Warar sirdoon oo ay heshay jariidada the East African Standard, ayaa tilmaamaya in qaraxyadii Kampala looga gol lahaa laba ujeedo oo ta koowaad tahay in quwadaha gobolka lagu qasbo inay dagaal ka galaan Somalia iyo ta labaad oo ah in lagu guuleysto taageerada shacabka Soomaaliyeed, ayada oo la tusayo cadow gaar ah, si Al-Shabab taageero uga hesho dadka somalida ah. Sida lagu sheegay warbixin loo gudbiyay ururka Midowga Africa xubnaha muhiimka ee ajnabiga ah waxaa ka mid ah Fazul Cabdallah Maxamed, oo caan ka noqday bariga Afrika sababo la xidhiidha ku lug lahaanshihiisii qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Daara-Salaam. Shaqsiyaadka kale ee ku jira golaha maamul ee kooxda Al-Shabab ayaa ah jihaadiyiin ay adag tahay in la fahmo oo billaabay inay Somalia tagaan horaantii sanaddii 2009. Magacyada kooxda la wareegtay hogaanka ururka Alshabaab ayaa kala ah sidan hoos ku qoran :- 1- Sheekh Maxamed Abu-Faid, oo ah maalgeliye u dhashay dalka Saudi Arabia, islamarkaana ah maamula ‘Manager” ururka Al-Shabab. 2- Abu-Suleyman Al-Banadiri, oo ah Soomaali asal ahaan ka soo jeeda Yemen, oo ah la taliyaha gaarka ah ee ninka ku magacaaban hogaanka Al-Shabab ee Axmed Cabdi Godane (Abu-Zubeyr). 3- Abu-Musa Mombasa, oo ah nin u dhashay dalka Pakistan, kaasi oo dalka Somalia u yimid inuu beddelo Salax Cali Nabhan, oo ku geeriyooday weerar ay fuliyeen Mareykanka, waana ninka Al-Shabab u qaabilsan dhinaca amniga iyo tababarada. 4- Abu Mansur Al-Amriki, oo ah Mareykan, islamarkaana hogaamiya qeybta maal gelinta dagaal yahanada shisheeye ee Al-Shabab. 5- Maxamuud Mujajir oo reer Sudan ah, islamarkaana qaabilsan qorista iyo shaqaaleynta is qarxiyayaasha ama naftood hurayaasha (suicide bombers). 6- CabdiFitax Aweys Abu Xamza oo ah Soomaali ku soo tababartay Afghanistan oo ah taliyaha garabka Al-Qudus ee Al-Shabab. Dagaal yahanada Ajaaniibta ah ayaa lagu eedeeyay inay Al-Shabab ka dhigeen koox aad asal raac u ah, islamarkaana badashay ujeedkeedii ahayd inay maamusho Somalia oo ka dhigtay mid leh hadafyo gobolka iyo caalamkaba ah, agaasimaha hay’adda International Crisis Group, Ernst Jan Hogendoom oo arimahan ka hadlaya ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Garabka xag jiriinta ah ayaa la wareegay Al-Shabab waxaana ay dhiiri gelinayaan dhismaha khilaafad Islaami ah” Agaasimuhu Waxa uu sheegay in mid ka mid ah ujeedooyinkii Al-Shabab u fulisay qaraxyadii Kampala ay tahay inay ku guuleysato jiritaan caalami ah, si ay dagaalyahano kale oo ajnabi ah ay dalka u yimaadaan. Sida warbixintu leedahay caddeynta ugu weyn ee muujisay in al-Shabab ay maamulaan dad ajnabi ah ayaa ahayd qaraxyadii hoteelka Shamo ee lagu laayay ardaydii iyo aqoonyahannadii, sababtoo ah ficillidaas kama suurtoobeen qof Soomaali ah waaxana amray ajnabiga jooga Somalia. |